Ujeedada dhabta ah ee Maqaalka:-
Siilaanyo waxaa la doortay bishii juun 2010,wuxuu xilka la wareegay bishii july2010 wuxuu la kulmay waqti dahabiye oo Somaliland qaan-gaadhey waxaa ka dhinaa oo keliya Ictiraaf caalamiya oo ay ka beesha caalamka .
Hadaba Maxaa dhacay:-
Siilaanyo wuxuu dalka dib ugu celiyey halkuu marayey 1991 wuxuu sameeyey Qaybi oo xukun wuxuu ku kacay Musuqmaasuq iyo xatooyo xoolodadweyne ,Eex,Qaraabo kiil,nin toocsi,wuxuu kala diley shacabkii walaalaha ahaa wuxuu beeray nacayb iyo kala durugsanaan,wuxuu dalka ku soo rogey shuruucdii Macalinkiisii Siyaad Barre sida Xeerka Sirdoonka oo uu ka soo minguuriyey Xeerkii NSS-ta,waxaa shiiqday oo daciiftay Qaranimadii Somaliland wuxuu gorgortan geliyey jiritaankii ummada wuxuu ku kacay Khaainimo Qaran(Treason).
Siilaanyo xiligan la joogo wuxuu sameeyey baabin Jiritaankii qaranka kadib markii uu ku dhaqaaqay in Hantidii ummadani lahayd uu u isticmaalay Ololaha Doorashada Deegaanka isagoo Xisbiyada/ururada tartamaya qaarna tuurta ku qaatay qaarna raba in uu bada ku daro,ujeedada uu ka leeyahayna tahay in ururkii uu u arko in uu siyaasadiisa khatar ku yahay xaqdaro cadaana ku reebo.
Taariikhdu iyadaa isqorta dibna isku soo celisa
1.Xiligii Madaxweyne Abdiraxmaan Axmed Cali Allah yaraxmu waxaa lala kulmay waqti adag oo kala guura oo la ridey Keligii Taliye Siyaad.
2.Xiligii Madaxweyne Cigaal Allah yaraxmu waxaa lala kulmay waqti qadhaadh oo dagaalo siyaasadeed ayaa dhacay,waxaase ka danbeeyey waqti macaan oo Shacabka Somaliland isfahmeen oo walaaloobeen oo ay adkeeyeen jiritaankooda iyo wadajirkooda.
3.Xiligii Madaxweyne Dahir wuxuu la kulmay waqti wanaagsan oo wadanku isku dubadhacay oo haykalkii dawladnimo taam yahay waxaa lagu xasuustaa sidii fiicanayd ee uu xuduuda dalka u soo xidhay iyo sharaftii uu ku wareejiyey xilka.
Anigoo ka duulaya arrimaha aan kor kaga soo sheekeeyey Siilaanyo wuxuu dhaxli doonaa wax uusan mahadin doonin,wuxuu ku suntanaan doonaa hogaamiyihii ugu liitay uguna xumaa ee soo mara Ummada Somaliland,wuxuu dhaxli doonaa taariikh madow oo xusuus ku reebta quluubta shacabka Somaliland,geeska afrika,iyo wadamada daneeya.
Abdiaziz Abdilahi Omar.
This post has been viewed 271 times.







wuuxu dhaxalaayaa anaag wll.