Ilaa Maalintii lagu dhawaaqay go’aankii taariikhiga ahaa ee gooni isu taaga, Somaliland waxa ku socday dagaalo kaga imanayey dhinacyo badan iyo siyaabo kala duwan oo aan kala joogsi lahayn ujeedaduna waxay tahay in lagu khasbo in ay ka noqdaan ama ka hadhaan sheegashada in ay yihiin dal madaxbannaan. Xoogaga Somaliland dagaalka kula jira waxa ka mid ah dawladaha maqaar saarka ah ee laga dhiso Somaliya, Maamul goboleedka Puntland, qaarka mid ah dawladaha jaarka ah, dhamaan dawladaha carabta iyo kuwo ka mid ah wadana reer galbeedka, waxaan iyaguna dagaalka u yaraysan ururo caalami ah, waxaan iyagana la hilmaami Karin doorka canaasiir u dhashay Somaliland oo loo kiraysto ama loo adeegsado debindaabyada dalkooda hooyo oo lagu tilmaami karo in ay yihiin rag iyo dumar calooshooda u shaqaysta (Mercenary). Haddaba inkasto oo ay Somaliland ka itaal yar tahay Xoogaga ka soo horjeeda, inkasta oo dhibaatooyin badan la gaadhsiiyey hadana ismay dhiibin umanay liicin cadaadiskii kaga imanayey kooxaxan isku bahaystay. Haddaba su’aashu waxay tahay maxay Somaliland ugu dhabar adaygta dagaaladan muddada dheer ku socday? Jawaabtu way fududahay: waxay ahayd midnimo, wadajir iyo isku duubnida shacabka reer Somaliland. Lama sheegi karo awood kale oo ay Somaliland iskaaga caabiday gulufka cadawga iyo shirqoolada qarsoodiga ah ee loo maleegayo.
Si kastaba ha ahaate, intii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE talada dalka la wareegay wuxuu dildilaac ku yimid midnimadii shacabka, waxa laga sii socdaa qaranimadii waxa dib loogu noqday beelaysigii, haddii shalay bulshada Somaliland uur iyo indho wada jira ku eegaysay cadawga maanta iyagaa isku jeeda ama iska soo horjeeda .
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Rag isku qaybay rag kuma qaybaan. Ummad jahawareertay ayaan loo taag heline in badan waxa laga digay ama la odhan jiray KULMIYE laguma aamini karo masuuliyada dalka, sababta oo ah xisbiga markuu mucaaridka yahay masuul noqon waayey markuu talada qabtana masuul ma noqon karo. Runtii dawladihii ka horeeyey xukuumadda KULMIYE waxay lahaayeen dhaliilo tiro badan, dadweynaha waxa soo maray duruufo iyo xaalado adag wakhtiyo kala duwan, haseyeeshee waxay u midaysnaayeen ilaalinta qaranimada iyo xaqiijinta madaxbanaanida Somaliland, marna shaki kama gelin kamanay werwerin masiirkooda.
Akhriste bal dib-u-dhugo khudbadihii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo, gaar ahaan khudbadiisii ugu dambaysay ee ku beegnayd sannadka cusub 2013 oo aanu haba-yaraatee wax garawshiiya ah ka bixin khaladaadkii iyo khasaarihii ka dhashay doorashadii dawladaha hoose balse wuxuu ku dheeraaday amaanta iyo sida wanaagsan ay ku dhammaatay.
Dadku waxay iswaydiinayaan madaxweynuhu miyaanu la socon wixii dalka ka dhacay? Haddii aanay arrintu sidaas ahayn madaxweyne dadkaaga ayaad been u sheegaysaa ama adigaa been lagaaga sheegay wixii dhacay (either you are lying to your people or someone is lying to you).
Mudane Madaxweyne, waxbaa khaldan waddankuna kuma sii socon karo wadada la hayo, sidaa daraadeed waxaan ku soo jeedinayaa in aad magacaabato rag aad ku kalsoon tahay ama nasteexaaga ah oo kuu soo qiimeeya xaalada dhabta ah ee dalku ku sugan yahay waxna kuu sheegi kara si aad dib u eegis iyo dib u habayn ama sixid ugu samaysid siyaasadda xukuumaaddu ku socoto.
This post has been viewed 527 times.







