Faalo :-Xulka Ku Bada Cagta Ee Gobolka Togdheer Oo U Baahan Gurmad Iyo WaxKa HorQaada Caqabada Noqotay Fin Feedho Ka Baxay.

Posted by on Jan 10th, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

togdheerAkhristayaal Sida Aynu Wada Ognahay Gobolka Togdheer Had Iyo Goor Marka La Soo Hadal Qaado Kubada Cagta Iyo Xeeladaheeda Wax Horumar Ah Lagama Gaadho Gaar Ahaan Marka Laga Hadlayo Xulida Ciyaaryahanada Gobolkan Metalaya, Waxaa Dhaca Muran Iyo Isqabqabsi Fara Badan oo Ku Salaysan Saami Qaybsiga Beelaha Wadda Dega Gobolka Taas Oo Aan Laacibka Loo Eegin Xirfadiisa Sare Iyo Tayadiisa Aqooneed Ee Uu U Leeyahay Dhinaca Kubada Cagta .

Murankan Oo Kal Hore Tartankii Ciyaarihii Gobolada somaliland Ee Lagu Qabtay Magaalada Burco Dhaxalsiiyay Xulka Gobolka Togdheer In Wareegii U Horeeyayba Dhulka La Jiido Isagoo Aan Badin Hal Ciyaar Uuna Ka Hadhay Tartankaasi Taas Oo Loo Aaneenaayay Qaabkii Loo Soo Xulay Xulka Gobolka Togdheer Oo Salka Ku Hayay Reero Waxaana Ay Fadeexad Xiligaasi U Soo Hoyatay Maamulkii Ciyaaraha Ee Wakhtigaasi Oo Xilkoodii Ku Waayay.

Hase Yeshee Waxaa Maantana Muuqata Inaan LaDaweyn Cudurkii Iyo Boogtii ragaadiyay Hana Qaadka Ciyaaraha Gobolka Togdheer.

Isku Soo Duuduuboo Xaalku Wuxuu Maanta Taagan Yahay “Ka Dar Oo Dibi Dhal “kuwii La Bedelay Iyo Kuwii La keenay Waxay Noqdeen “Kud Ka Guur Oo Qanjo U Guur”Waayo Sababtoo Ah Waxaa Wali Taala Tafaraaruqii Qobqobkii Qabyaaladii Qabiil Jaclaysigii Qanjo-Karintii Quudhsigii Isqaluufkii Iyo Isqadarin La,aantii Kal Hore Haddaaya La Ogaa Halkii Ay Dhigtay Kubadii Caanbaxday Ee Togdheer Lagu Yaqaanay Oo Ciyaartoydii Qabiilaysnaa Ee Lagu dubtay Afkana Ciida Loogu Daray Garoonkodii Almzay Studiom Ee Magaalada Burco.

“Haki Maxamed Geenyada Godol Oo U Gaal-gaal ,Gabantana Ka Yara Celi”

Waxaa Xusid Mudan Iyadoo ay wax Waliba Cad Yihiin In Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Ee Somaliland Cali Siciid Raygal Uu u Muuqdo Mid Aan Ujeedin Xilna Iska Saarin Oo Dhegaha Ka Furaysanaya Indhahana Ka Daboolanaya Ceebta Iyo Fadeexada Ka Taagan Wasaarada Ciyaaraha Ee Gobolka Togdheer Oo Ay Ku Kala Qaybsan Yihiin Masuuliyiintii Loo Igamaday  Oo  Qayb Ka Ah Murankan.

Waxaa Taa Ka Sii Daran Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Ka Degmada Burco Oo Ka Daalay Taag Iyo Maarana U La Xalinta Khilafaadka Maamulka Ciyaaraha Ee Gobolka Togdheer .

Waxaa Isweydiin Mudan:

 Maxaa Laga Filan Karaa Haddii ay Ku Tagaan Garoonka Uu Ka Dhacaayo Tartanku Sidan?

Waxaa Faaladan Qoray Xaruunta Faaqidaada Ciyaaraha Somaliland Oo Marka Afka Qalaad La Soo Gaabiyo Oo Loo Yaqaano “SASC”  Oo Fadhigoodu Yahay Magaalada Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer .


This post has been viewed 255 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright