Xildhibaano Golaha Deegaanka Degmadda Sheekh Ka Tirsan Oo Cambaareeyey Xadhiga Ganacsade Maxamed Dable Xukuumadu Xabsiga Dhigtey, Wasiirka Daakhiliga-Na Eedo Kulul U Jeediyey

Posted by on Jan 6th, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

“In Wasiirku Xildhibaan Aadan Axmed JibriilInta Uu Askaryaryar U Diro Uu Aayar Xasbiga U Taxaabo Ninkaas Muwaadinka Ah Mid Meesha Qabata Maaha, Waana Arin Ka Hor Imanaysa Sharciga Dalka”Xildhibaan Aadan Axmed

 

Sheekh, January 6, 2013 (Halbeegnews) – Xildhibaan Aadan Axmed Jibriil , Xildhibaan C/laahi Ismaaciil iyo Xildhibaan Caydiid Qayre Xaashi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka cusub ee degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa Cambaareeyey Xadhiga Ganacsade Maxamed Dable oo ah Mulkiilaha Wershada Raaxo oo soo saara Buushka, Balastic, Karaatoonta iyo caagadaha, kaas oo ay sheegeen inuu xabsiga  taxaabay Wasiirka Daakhiliga Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo ay ugu baaqeen inuu degdeg xoriyadiisa ugu soo celiyo.

Xildhibaanadan ayaa xusay inaan xadhiga Muwaadinkaas ganacsadaha ah loo marin wadadii sharciga ahayd, kuwaas oo sababta xadhigiisa ku sababeeyey Kaftan Wasiirka iyo Ganacsade Maxamed Dable ku dhexmaray Hutelka Maansoor oo ay xalay ku cawaynayeen, balse uu Wasiir Duur ka cadhooday arintaas isla markaana uu Taliyaha Bilayska ku amray in la xidho, laguna qabtey isla Hutelkaas oo ay ciidanku ugu tageen.

Waxaanay sidaas ku sheegeen Xildhibaanadani shirjaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil, waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Xildhibaan Aadan Axmed Jibriil oo ah Mudane degmada Sheekh uga soo baxay urur siyaasadeedkii Dalsan, kaas oo sharci daro ku tilmaamay xadhiga ganacsade Maxamed Dable, uguna baaqay Wasiirka Daakhiliga Maxamed Nuur Caraale (Duur) inuu degdeg xoriyadiisa ugu soo celiyo muwaadinkaas, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu cambaaraynaynaa xadhiga ganacsadaha muwaadinka ah ee Maxamed Dable oo xukuumadu xidhay, kaas oo aan wax dambi ah galin, isla markaana Waxa naloo sheegay inay Wasiirka Daakhiliga Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Ganacsadaha la xidhay ee Maxamed Dable ay  xalay mar uu kaftanku ka xumaaday oo ay hadalo kulul is-waydaarsadeen, isla markaana intaanay is afdhaafin ka hor inay Wasiir Duur iyo ninkaas ganacsadaha ahi ay ku kaftameen Hutelka Maansoor oo ay ku wada cawaynayeen, waxaana wararku intaas ku dareen in kaftankii uu ka xumaaday oo ay ku kala aragti-duwanaadeen hanaanka maamul ee xukuumadda taladda haysa ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Siilaanyo, taasina ay keentay in Wasiirka Daakhiligu uu ka cadhoodo arintaas, isla markaana Taliyaha Bilayska uu ku amray in xabsiga loo taxaabo Ganacsade Maxamed Dable. Mida kale marka arintaas dhinac kale laga eego waa mid sharciga wadanka ka hor imanaysa oo cadaalad-daro ah, mida kale madaxda waa la aflagaadeeyaa oo way dhacdaa marmar laakiin waxa fiicnayd hadii uu wasiirku hadalkiisa wax ka qabo inuu wadada sharciga u maro oo uu Maxkamada Waaran uga soo jaro, balse in inta askaryaryay loo diro aayar xabsiga loo taxaabo mid meesha qabata maaha, waana arin ka hor imanaysa Dawlad-nimadeena iyo Dimuqraadiyada aynu ku faano”.

Halbeegnews/Berbera Office.

Wasiir-Duur


This post has been viewed 663 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright