Dabley Hubaysan Oo Laascaanood Ku Dhaawacay Ganacsade Iyo Ciidanka Amniga Oo Baadhitaano Ku Galalafay Xaafadaha Magaaladaas

Posted by on Jan 6th, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Laascaanood, January 6, 2013 (Halbeegnews) – Dabley hubaysan oo aan la aqoonsanin haybtooda ayaa Maanta gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku dhaawacay Ganacsade lagu Magacaabo Axmed Cabdi Timir oo ka mid ah ganacsatada ugu waawayn deegaankaas, kaas oo wakhtiga rasaasta lala beegsaday marayey badhtamaha suuqa Magaaladaasi.

Kooxda dablayda ah ayaa la sheegay inay rasaas ooda kaga qaadeen Ganacsadahan oo la sheegay inuu ahaa ganacsatada ugu cad-cad Magaalada Laascaanood, waxaana wararka halkaas laga helayaa sheegayaan in rasaastu ka haleeshay Madaxa iyo Laabta.

Dhinaca kale Ciidamada Amaanka Somaliland ee gobolka Sool ayaa markii uu falkaasi dhacay waxyar ka dib soo gaadhay goobtaas, isla markaana dhamaan magaalada Laascaanood ka bilaabay baadhitaano ay ku raad-goobayaan Dablaydaas.

Wixii warar ah ee  ka soo kordha dhacdadaas kala soco Shabakadda Caalamiga ah ee Halbeegnews.Laascaanood City


This post has been viewed 344 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright