Hargeysa, January 6, 2013 (Halbeegnews) – Talaalka Dhalaanka ee loo yaqaano EPI ayaa gabi ahaanba ka kala go’an MCH-yada iyo Cibitaalada waawayn ee Magaaladda Hargeysa ee xarunta dalka Somaliland, kaas oo lagaga talaalo caruurta 6-da cudur ee dilaaga ah ee kala ah Jadeecada (Measles), Kojiso (Tetanus), Dabaysha (Polio), Gawracatada (Diphtheria), TB (Bcg Vaccine) iyo Xiiq dheer (Pertusis).
Sida ilo wareedo lagu kalsoon yahay oo u dhuun-daloolaa noo xaqiijiyeen talaalka dhalaanka lagaga talaalayo 6-daas cudur ee dilaaga ah oo ah mid aad mihiim ugu ah ubadka yaryar ee Somaliland ayaa mudo todobaado ah ka go’naa Xarumaha Caafimaadka ee Hargeysa, isla markaana aan la ogayn sababta dhabta ah ee wakhtigan keentey kala go’aas.
Sidoo kale mar aanu isku daynay inaanu wax ka ogaano sababaha dhabta ah ee keenay kala go’a Talaalka Caruurta ee EPI-da ayaanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay Isu-duwaha Caafimaadka ee gobolka Maroodi Jeex Mr Sayid Ismaaciil Xasan ayaa mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay noo sheegay in
xilkaas laga qaaday oo aanu wax tafaasiil ah ka bixinaynin arimahaas, isla markaana ka cudur-daartey inuu ka waramo sababaha xil ka qaadistiisa oo aan hore loo maqlin Wasaarada Caafimaadkuna aanay shaacin xil ka qaadista Isu-duwaha gobolka.
Si kasta ha ahaatee ubadka dunida horumartey ayaa iyaga laga talaalaa 12 Cudur, halka dhalaanka Somaliland ee da’doodu ka yar tahay Shanta sano laga talaalo 6-da Cudur ee dilaaga ah oo iyagiina imika talaalkoodii ay kala go’an yihiin, isla markaana aanay Wasaarada Caafimaadku wali ka hadlin sababaha keenay kala go’a talaaladaasi.
Dhinaca kale si aanu xog dheeraad ah uga helno kala go’itaanka Talaalka Caruurta ayaanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Xoog, kaas oo aanay noo suurta-galin inaanu ka helno telefoonkiisa gacanta.
Halbeegnews/Hargeysa Office.
This post has been viewed 308 times.






