Maayarka Cusub Ee Hargeysa Oo Xilkii Kula Wareegay Madal La Isku Arkay Iyo Weedhihii Madaxda Ka Soo Qaybgashay

Posted by on Jan 5th, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Hargeysa,  January 5, 2013 (Halbeegnews) – Maayarka cusub ee  Caasimada Hargeysa Eng.Yusuf Warsame Siciid ayaa xilkii kala wareegay  Maayirkii hore ee Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, kuwaas oo kula kala-wareegay munaasibad si wayn loo soo abaabulay oo ka qabsoontey maanta Hoolka Shaqalaha dawladda hoose ee Hargeysa.

xafladaas  ayaa wax ka soo qaybgalay madax ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxmaed Nuur Caraale (Duur), Wasiirka Cadaalada Xusseen Caydiid, Guddomiye ku xigeenka koowad ee Kulmiye Maxamed Kaahin, Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh khaliil, Maareeyaha Waakalada Biyaha Ibraahim Siyaad, qaar ka mid ah maayiradii soo maray Hargeysa, saladiin, aqoonayahano haween, dhalinayro, iyo Xildhibaanda Golaha deeganka ee la doortay.

Ugu Horeyan wax halkasi ka hadlay Badhsaabka Gobolka Maroodijeex Axmed X. C/laahi (Xamarji) iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis, kuwaas oo Illaahay uga baryey in uu xilkaasi loo dhiibay Maayirka iyo maayir ku-xigeenka ku asturo.

Wax kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Marwo Adna Aadan iyo Wasiirka Cadaalada Xusseen Axmed Caydiid waxayna dardaaran u jeediyeen Xogaanka Cusub ee xilka lagu wareejiyey iyo Xildhibaanada kale ee golaha ka tirsan waxay xuseen in caasimada hargeysa oo baahiyo badan qaabta ay sugayso.

Maxamed Kaahin oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay isaguna madashaasi  waxanu hambalyo u diray maayarka cusub iyo golaha deegaanka ee caasimad kuwaas oo uu sheegay in looga fadhiyo sidii ay gudan lahaayeen xilka loo igmaday.

Maayarkii hore ee caasimada Hargeysa Eng:Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in mudadii uu xilka maayarka caasimada hayey ay u qabsoomeen waxqabadyo badan kuwaas oo uu tilmamay inay u hir galeen sidii loogu tala galay, waxanu hoosta ka xariiqay in muddadii 10-ka sanno ee xilka ay hayeen Shan sanno ay muran kaga dhamatay lakiin shantii sanno ee kale wax qabteen, waxanu tilmaamay in wadooyin badan ay ka hirgaliyee magalada hargeysa, bilicda magaladan ay hagaajiyeen, isaga oo sheegay in magaalooyin badan hargeysa la mataaneeyeen.

Maayirka Cusub ee Magalada Hargeysa.Eng. yusuf warsame Siciid oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa balan qaaday in ay u qorshaysan tahay in ay wax badan qabtaan.

Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur  Caraale Duur oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay  in maayarka cusub looga fadhiyo wax qabad, waxanu tilaamay in wax badan ay wasarada arrimaha guduhu la qaban doonto.

Halbeegnews/Hargeysa Office.

 

Maayar Jiciir iyo Maayar Eng Yuusuf Warsame Siciid xafladii xilwareejinta Saylac


This post has been viewed 691 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright