“Isagoon Madaxwaynuhu Hoos U Eegin Arintayadii Ayuu Amar Ku Soo Bixiyey In Natiijadii Xaaraanta Ahayd Lagu Dhaariyo Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Saylac, Ficiltan Cadaan Ah Oo Madaxwayne Ku Xigeenku Aabo U Yahayna La Sameeyey”Badhasaabkii Hore Ee Salal Mr Bucul

Posted by on Jan 4th, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Hargeysa, January 4, 2013 (Halbeegnews) – Badhasaabkii hore ee gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul ayaa eedo badan u soo jeediyey Madaxwaynaha iyo ku xigeenka, kaas oo sheegay inaanay hoos u eegin tabashadoodii doorashada deegaanka ee deegaankaas, isla markaana xiisadaha ka taaganBadhasaabkii hore ee Salal

gobolkaas dusha u saaray Madaxwayne ku xigeenka dalka C/raxmaan Saylici oo uu ku dhaliilay inuu dhexdhaxaad ka noqon waayey khilaafyadaas.

Maxamed Muuse Bucul waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka kula soo  xidhiidhay Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan Shabakadda Caalamiga ah ee Halbeegnews iyo Wargeyska Haatuf isaga oo ku sugan Saylac, waxaanu sidoo kale xaaraan ku tilmaamay sharciyada xildhibaanada deegaanka ee degmadaas oo la dhaariyey, kaas oo sheegay in arintaasi khilaaf horleh ka dhex abuurayso beelaha wada degan gobolkaas, kaas oo hoosta ka xariiqay inay isku dayeyaan waxkasta oo go’aanadaas wax lagaga badali karo.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul ayaa waxa uu sidoo kale mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Haweenka qurbo jooga ah ee beesha Ciise ee Magaalada Birmingham ee dalka Britain oo uu tilmaamay inay si hagar la’aan ah uga qaybqaataan horumarka gobolkaas, kaas oo dhamaan qurbo jooga Somaliland ee dalalka dibada ku sugana ugu baaqay inay bulshadooda gacanqabtaan. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Hadii aanu nahay waxgaradka beesha Ciise ee deegaanka gobolka Salal waxa aanu garanay oo aanu horena ugu dhawaaqnay inay doorashadii deegaanka ee dalka ka qabsoontey ay ahayd mid xaaraan ah oo si sharciga ka fog loo maamulay, dhaliishayadaasna waxa aanu u adeegsanay sababo badan oo waxaanu dariiqkasta u marnay sidii xiisada ka taagan gobolka Salal wada-hadal iyo wanaag loogu

dhamayn lahaa balse arintaasi way socon-wayday. Anaga arintayaduna way ka duwanayd qadiyada deegaanada kale ee dalka oo Waxa imika ka taagan deegaanka damac-dhuleed oo u dhaxeeya laba beelood oo wajiga ku soo qabtey dawl-nimo, isla markaana xukuumadu arinkaasi dadaal kamay samaynin laakiin anagu wixii karaankayaga ah waanu samayn oo ergo soo dira ayaa la yidhi oo waanu dirnay anagu oo ilaa madaxwaynaha ayey gaadhay arintu, laakiin anaga oo ergadii ku jirna oo aanay ergadii wax go’aan ah soo saarin oo aanu dhawrayno inaanu ka hordhacno arimaha ergada iyo madaxwaynaha dhexmaraysa, laakiin iyada oo arimuhu halkaas marayaan ayaa ficiltan cadaan ah oo Madaxwayne ku xigeenku aabo u yahay, isla markaana aanu Madaxwaynuhu arintayadiiba hoos u eegin ayuu amar ku soo bixiyey in la dhaariyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Saylac ee aanu xaaraanta ku sheegaynay oo natiijadii xaaraanta ahayd lagu dhaariyey isla markaana laba wasiir oo isku beel ah loo soo diray, kuwaas oo ahaa Wasiirka Warshadaha iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo xildhibaano reerkaas ah. Anaguna waxaanu la xidhiidhnay ergadayadii oo  waxaanu nidhi waxa aanu sugaynaa ilaa iyo inta aad go’aan gaadhaysaan oo kaasina wuu jabay mika, waanaynu ogayn wixii ku dhacay ergadii Boorama tagtey ee Xaaji Cabdi Waraabe ka mid ahaana, markaa waxaanu cadaynaynaa in dawladu arintaas ku fashilantey oo wax beesha Ciise imika ka sugaysaana ma jirto, hadii cid dhul lahayd iyo hadii aanay lahayne Ciise isagaa dhulkiisa ridanaya,

waxaanay arimahaasi keenaysaa khilaafyo horleh oo ka dhasha arimahaas ay xukuumadu ku fashilantey oo ay xukuumadu jabisay xeerar oo ay si sharciga ka fog u dhaarisay xildhibaano beel ah”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana fariin u diraya Haweenka beesha Ciise ee Magaalada Birmingham ee dalka Britain, waxa uu yidhi “Waxaan halkan Mahadnaq balaadhan uga soo jeedinayaa Haweenka beesha Ciise ee Magaalada Birmingham ee dalka Britain, kuwaas oo runtii si

wayn uga qaybqaata horumarka dadkooda Somaliland gaar ahaan gobolka Salal, waxaanan leeyahay qubo-joogta kale ee wadanka ku dayda Haweenkaas wanaagsan ee u naxaya dadkooda iyo dalkooda, isla markaanaay taariikhdu xusi doonto”.

Halbeegnews/Hargeysa Office.


This post has been viewed 729 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright