London (Halbeegnews)– Xoghayaha arrimaha dibadda Britain William Hague oo caawa u waramaayey telefishaka Sky ayaa shaaca ka qaaday in Ra’isal wasaaraha dalka ingiriiska David Cameron uu ku dhawaaqay shir-weyne balaadhan oo ay ka soo qayb geli doonaan ilaa 50 dawladood oo badhtamaha bisha May ee sannadkani 2013 lagu qaban doono magalada London shirkaasi oo lagu qiimaynayo horumarka Soomaaliya ka gaadhay dhinaca nabadgelyada iyo siyaasadda.
Mr. Hague wuxuu sheegay in shirkani uu la mid noqon doono shirweynahii sannadkii la soo dhaafay ee February 2012-kii ka dhacay magaalada London ee lagu darsaayey xaaladda dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in mudadaasi ku siman sannadka ay Soomaaliya gaadhay horumar la taaban karo oo ay ka gaadhay dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyada.
Mr. Hague wuxuu sheegay in shirkaasi uu ka soo qayb geli doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira wuxuuna sheegay in shirkani si qoto dheer loogaga hadli doono dariiq caalami ah oo beesha caalamku kula shaqayn doonto Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha ay beesha caalamku siiso Soomaaliya oo deeqdaasina si toos ah gacanta looga gelin doono dawladda Soomaaliya maadama ayuu yidhi ay ku-meel-gaadhnimadii ka baxday.
Dhinaca kalana wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadu maanta kulan la yeelatay xoghayaha arrimaha dibadda Britain Mr. Hague ayaa sheegtay in kulankani ay warbaahinta Soomaalida ee London joogta ay si toos ah u tabin doonto.
Halbeegnews,London
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 746 times.






