Daawo Video:/Akhris Warka: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Maanta La Kulantay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain William Hague

Posted by on Jan 3rd, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

London (Halbeegnews)– Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya ahna Ra’isal wasaare ku xigeenka Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta xarunta wasaaradda arrimaha dibadda waxay kulan kula yeelatay Xoghayaha arrimaha dibadda dalka britain William Hague.fozia yusuf

Warsaxafadeed laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda britain oo lagu faahfaahinaayey kulankaasi maanta dhex maray labada masuul ee isku dhiga ah Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo William Hague ayaa lagu yidhi sidani

“Xoghayaha arrimaha dibadda Britain William Hague ayaa maanta ku qaabilay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Mr. Hague isagoo ka hadlaya kulanka wuxuu yidhi “aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la kulmo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan socdaalkeedii ugu horeeyey ee ay ku timaado UK iyadoo xilkani haysa”

Mr. Hague isagoo hadalka sii wada wuxuu yidhi “dalka Soomaaliya wuxuu gaadhay horumar la taaban karo oo uu ka gaadhay dhinaca siyaasadda iyo ammaanka, waxay xukuumadda Soomaaliya ku guulaysatay inay kooxda xagjirka ah ee Alshabaab ka saaran badiba dhulka Soomaaliya waana arrin aad u xasaasi ah in ay arrimahaasi horumarka ahi sii ambaqaadan” ayuu yidhi Mr. Hague

Mr. Hague oo sharaxaya qodobadda ay isla soo qaadeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan wuxuu yidhi “waxaanu si qoto dheer wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uga wada hadalay sidii loo samayn lahaa qorshe cad oo lagu wajaho caqabadaha imika Soomaaliya hor yaalla sida kobcinta ammaanka, kor u qaadista nidaamka cadaaladda, hagaajinta nidaam dhaqaale si wanaagsan loo maamulo, waxaanan u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan inay dawladayada Britain ay ka go’antahay inaanu Soomaaliya kala shaqayno arrimahaasi sidii loo sii ambaqaadi lahaa gacan weyna aanu ka gaysan doono” ayaa lagu yidhi warsaxafadeedka.

Hoos Ka Daawo Kulanka Somali Channel

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 617 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright