Hargeysa: Xisbiga WADDANI Oo Munaasibad Wayn Oo Loogu Wan-Qalayey Xisbi-Nimadooda Qabsaday Iyo Weedhihii Madaxda Ka Soo Qayb-gashay:DAAWO SAWIRADA

Posted by on Jan 3rd, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Hargeysa, January 3, 2013 (Halbeegnews) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta qabsaday Munaasibad balaadhan oo ay ugu wanqalayeen Xisbi-nimo, taas oo ka qabsoontay Hoteelka Maan-soor ee Magaalada Hargeysa, isl markaana Xafladaas ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku xigeenkiisa Axmed Muumin Seed, xoghayaha guud ee Xisbigaas Maxamed Cabdilaahi Uurcade,ku xigeenada kale,Golaha dhexe iyo Gudiga funlinta iyo guud ahaanba taageetayaasha faraha badan ee Xisbiga.

Sidoo kale Marti sharata kale ee xafladdaasi lagu casuumay ayaa waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Gudoomiye ku xieenka Golaha wakiilada, Xoghayaha Xisbigaas Maxamed C/laahi Uurcade iyo mudanayaal kale oo ka tirsan Guuritida iyo Baarlamaanka iyo saraakii kale oo ka tirsan Xisbigaasi, kuwaas oo uu u hadlay Guddoomiye Muuse Biixi oo hambalyeeyey Xisbiga Waddani, isla markaana sheegay inay ogol yihiin Mucaarid-nimadooda.

Ugu horayn Furitaankii xafladdaasi ayaa waxa Aayado quraan ah ka akhriyey Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mida hogaanka sare ee Xisbiga Waddani waxaanu halkaa ka soo jeediyey wacdi diini ah iyo dardaaran ku wajahan qiimaha diinta iyo ku dhaqan keedu u leeyahay bulshada muslimka ah.dhanka kalana waxa uu caranka ku dhuftay qaabkii laysu dhexyaacayey doorashooyinkii Golayaasha deegaanka markii lagu jiray.

Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Gobalka Maroodi Jeex ee Xisbiga Waddani Saalax Maxamuud Idriis (Shiine), kaas oo soo dhaweeyey Xisbinimada uu Xisbigaasi ugu soo gudbay kamid noqoshada 3 xisbi qaran ee dalka ka arrimin doona 10 sanadood ee soo socda.

Xasan Xuseen oo ah mida qaban qaabiya yaashii xafladda wanqalka Xisbiga Waddani oo isaguna halkaa kaa ka hadlay waxa uu sheegay inay farxad weynu tahay inuu Waddani ku soo biiray axsaabta qaranka Somaliland,Maxamed Cabdilaahi Uurcade Xoghayaha Xisbigaasi Waddani oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuu wax ka hogaamin doono jaan goynta siyaasadda dalka Somaliland 10 ka sanadood ee soo socda “Ilaahay baa ku mahadsan guushaa uu na siiyey inaan kaga mid noqono Xisbiyada qaranka Somaliland”

Dhinaca kale-na Xoghayaha Waddani Maxamed C/laahi Uurcade oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey taariidkhda Xisbigaasi iyo aas aaskkiisii hore waxaanu guul weyn ku tilmaamay Isla Hoteelka Maansoor oo Xafladoodii aas-aaska ay ku qabsadeen, inay xafladdoodii wanqalka Xisbinimadana lagu qabto isla  Hoteelkii, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta waxaa guul noo ah ka Xisbi ahaan inaynu Hoteelkan Maan-soor ugu dabaal dagayno xafladdii wanaqalkiisa isaga oo Xisbi qaran ah”.

Waxaa iyana xafladdaasi ka hadashay Marwo Sucaad Cabdillaahi Xasan oo ah Gudoomiyaha garabka haweenka ee heer qaran ee Xisbiga Waddani, waxaanay sheegtay inuusan Xisbigaas jaranjaro danaha gaarka ah lagu gaadho ka dhigan doonin taageerayaashiisa hadii uu Ilaahay ku guuleeyo kursiga xanafta badani ka sokeyso ee Madaxweynaha.

Maxamed Sidiiq oo ah Guddoomiyaha heer qaran ee garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani waxa uu sheegay  inuu Xisbiga Waddani noqon doono Xisbiyada qaranka Somailand ee ku guuleysan doona taageerada dhalinyada iyo gacan qabashada dadka tabaalasyan ee codkoodii ku soo saaray Xisbiga.

Ugu danbayn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), kaas oo u mahadnaqay dhamaan dadkii taageeray xisbigiisa oo dhan gudo iyo dibadba, isla markaana sheegay inay xukuumadda ku ilaalin doonaan Mucaarid-nimo aad dalka burburin ee dhista.

Khudbadaas oo uu Cirro kaga hadlay dhinacyo badan, isla markaana uu kaga hadlay dhaliilaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID u soo jeediyaan, dhaqaalaha wadanka, siyaasada khaarajiga iyo Nabadgalyada goordhaw kala soco Halbeegnews.

Halbeegnews/Hargeysa Office.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


This post has been viewed 625 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright