Hillary Clinton Oo Cisbitaalka Ka Soo Baxday Ka Dib Markii Qalliin Lagaga Sameeyey Isha Iyo Maskaxda Dhexdooda Oo Laga Soo Saaray Xinjir Dhiig Ah

Posted by on Jan 3rd, 2013 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Newyork (Halbeegnews)– Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka maraykanka Mrs Hillary Clinton ayaa maanta goor danbe casarkii laga saaray cisbitaal ku yaalla magaalada Newyork oo ay laba maalmood ka hor ku gashay qalliin lagaga soo saaray xinjir fadhiisatay isha iyo maskaxda dhexdeeda oo ay dhakhaatiirtii ku tilmaameen in si wanaagsan loogu guulaystay qallinkaasi.hillary clinton

Mrs Clinton oo aan muddo bil ah lagu arag masraxa siyaasadda ayaa Bishii horaantii bishii December la sheegay inay u jiifsatay duray xun oo haleelay balse todobaadkii hore ayuunbay dhakhaatiirta dawaynaysay sheegeen in xinjir dhiig ahi ay fadhiisatay meel u dhexeaysa isheeda iyo maskaxdu taasi oo ku keentay Mrs Clinton daal iyo dawakhaad farabadan, qalliinkani lagu sameeyey ayaa ahaa mid fudud sida ay dhakhaatiirta dawanaysa xaqiijiyeen, waxay ahayd horaantii bishii hore markii ugu danbaysay ee lagu arko Clinton goob siyaasadeed iyadoo wakhtiga booqanaysay Jamhuuriyadda Ireland.

Mrs Clinton ayaa markii ay dhakhtarka ka baxaysay waxaa dhinacyo socday Odaygeeda Madaxweyne Clinton iyo inanteeda Chelsea Clinton waxaana markiiba cisbitaalka lagaga qaaday kolonyo baabuur ah.

Clinton Oo La Filayo Inay Sannadka 2014-ka U Tartanto Doorashada madaxtinimada

Hillary Clinton oo si weyn loo saadalinayo inay u tartami doonto hogaanka madaxtinimada xisbiga dimuqraadiga ee doorashada 2014 dalka maraykanka ayaa warbaahinta dalka maraykanka qaarkood ku sheegeen inaanay xaaladeeda caafimaad u sahlayn tartankaasi oo aad u dheeraan doona balse xogaha hadda soo baxaya ayaa sheegaya inay Mrs Clinton aad u wanaagsantahay lana filayo inay go’aan ka gaadho tartankaasi.

Halbeegnews, Newyork

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 438 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright