Berbera (Halbeegnews)–Maayarka degmadda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) ayaa baaq u direy guud ahaan qurbe joogta Somaliland inay dib u dhis ku sameeyaan dalkooda gaar ahaan magaala xeebeedda Berbera.
Maayar Ciddin Waxa uu si gaara farriin ugu direy qurbe joogta gobolka Saaxil oo ugu baaqay inay ka qayb qaataan dib u dhis iyo horumar ballaadhan oo uu sheegey inuu maayir ahaan ku talo jiro fulintooda inta uu xilka hayo.
Maayarka cusub ee degmadad Berbera waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka hadlayay xaflad furitaan oo loo samaynayay Hotel wayn oo nooca raaxada iyo cuntada ah oo Magaalada Berbera laga furay, kaas oo xusay in loo baahanyahay in qurbe jooga Saaxil ay kaalintooda buuxiyaan, isagoo amaanay doorkooda ay badanaa ka qaataan arrimaha horumarka. Isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Anoo ku hadlaya magaca golaha deegaanka ee cusub ee Berbera, waxaan aad u soo dhawaynaynaa cidkasta oo doonaysa inay maalgashato Berbera, xittaa haday yihiin ajaanib”. Cabdishakuur Cidin isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaan baaq dheer u dirayaa guud ahaan qurbe jooga Somalland, gaar ahaan reer Saaxil inay ka qayb qaatan horumarinta iyo dhismaha magaalada Berbera oo ah xarunta ganacsiga Somaliland”.
Sidoo kale waxa uu sheegey in aan loo baahnayn in qurbe joogtu ay u yimaadaan uun dalka in la siiyo meelo ay dayrtaan oo aanay dhisin, balse waxa uu carrabka ku adkeeyey ninkii u yimaada ee doonaya meel uu dhisto in lasiin doono, hase ahaatee aan sees keli ahi macno ku fadhiyin, waxaanu yidhi “Maaha qurbe joogtu inta ay yimaadaan inay doonaan meel ay seestaan oo ka tagaan, ninka dhulka rabaa waa inuu dhisaa oo gobolku wax ka faa’iida, Waayo sees dawlad iyo shacabtoonawax kasoo gelimaayaan”.
Halbeegnews,Berbera
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 300 times.






