Tahriibkii Dhalinyarada Somaliland Oo Faraha Ka Baxay Dhimashadii Ugu Danbaysay 20 Ku Dhintay Usbuucii Hore Dalka Libya

Posted by on Jan 2nd, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Marka hore waxaan salaamayaa daadihiyayaasha websitekan halbeeg news,Waxaan baryahan dambe inagu soo badanaysay wadankeena Somaliland, tahriibta oo aan kala laheyn rag iyo dumar oo labada dhinacba aad looga baxay wadanka markii ay arkeen qorshe la,aanta xukuumada siilaanyo ee ay dhalinyarta Somaliland ku soo saareen 49 boqolkiibatahriib

Tahriibta dhalinyarta Somaliland ee sii badanaysa ayaa waxaa ay sababtay dhimasho farabadan oo ku timid dhalinyarta haday noqoto saxaraha ay sii marayaan iyo haday noqoto liibiya gudaheeda ama bada milatrenian ka.

Kuma eka tahriibtu dhinaca liibiya laakiin dhalinyarta Somaliland waxaa kale oo ay u tahriibaan wadama carabta gaar ahaan wadanka Saudi Arabia kaasi oo ay dhalinyartu naf bideen in ay ka raadsadaan shaqo markii ay ka waayeen wadankoodii hooyo (somaliland).

Dhimashadii ugu dambeysay ee ka dhalata tahriibta ayaa waxaa ay 27 – dem – 2012 ayaa waxaa dalka liibiya ku dhintay dhalinyar reer Somaliland ah oo tiradoodu dhamayd 20 qof,Dhalinyartaasi oo u badnaa dhalinyarta reer hargeysa iyo burco waxaanay intii dhaawaca ahayd iyo intii badbaadayba lagu hayaa jeelka lagu magacaabo “khumus” ,Guntii iyo gababadii waxaan xukuumada uu madaxweynaha ka yahay siilaanyo u gudbinayaa fariin in dhalinyarta Somaliland loo abuuro shaqooyin ay dhalinyartu ku aaminaan wadankooda si aanay ugu madhan ubaxii wadankani badaha aduunka.

By: Mustafa Hamud Omar
Hargeisa, Somaliland


This post has been viewed 431 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright