SANAD GUURADA 50aad ee Geeridii Marxuum/Abwaan Barkhad-cas 2/1/1963 Qalinkii Cali Xasan Aadam (Banfas)

Posted by on Jan 2nd, 2013 and filed under Editorial, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

SANAD GUURADA 50aad ee Geeridii Marxuum/Abwaan Barkhad-cas   2/1/1963
Qalinkii Cali Xasan Aadam (Banfas)barkhadcas

Murtidiisii oo badan,

Barkhadlow Abwaankii,

Balaayo-cas la odhan jiray

buugii ugu  horreeyaan

Kuu soo bandigaynaa

Ereyadii:-

(Abwaan BANFAS)

                                                                                Sawirka Abwaankii   Barkhad-cas

MAHADNAQ.

Ilaaheena weynbaa mahad iskaleh, oo marwalba inoo suuro geliya hawlaheena badan iyo dadaalkeena aan muujino inaan  qabsano, wixii waxtar inoo leh nolosheena iyo jiritaankeena aadami khuseeya.

Intaas kadib waxaan mahad celin balaadhan u mahadnaqayaa dadkii eheliyadiisa ahaa iyo bulsho weyntii uu ku soo dhex barbaaray marxuum Maxamed X Ismaaciil Barkhad-cas ee suugaantiisii badnayd xafidsanaa iyadoon waxba la qori jirin waayadii uu noolaa dhamaantood.

Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa saaxiibadiisii Walaalaha Hargeysa labaxay ee fanka casriyeeyey, ee heesihii weglada, dhaantada, ubedelay in miyuusik lagu qaadi karo. Oo Barkhadcas maansooyinkiisu ku socdaan. Ragaa aan sheegayo een suugaanta abwaanka ka helay waxaa kamid ah Marxuum C/lahi Maxamed Maxamuud (Qarshe), Saxardiid Maxamed Jabiye, Xasan Gidhin, Maxamed Xuseen Gaandhi, Abaadir Muxumed Jaamac, Maxamed X Ismaaciil (Shabax), iyo Marxuumka walaashiis Marwo Amina X Ismaaciil Baasarce, oo markii uu miyiga tagey ka xafiday maansooyinkiisii qaar ka mid ah waxanad moodaa isagii oo dumar ah siday suugaantii walaalkeed utirinayso.

Waxaa kaloo kamida ragi gacanta ku lahaa suurtagalka buugan Mudane Nuux sh. Musa Ducaale, Yusuf Kirix Cawad.

Wax a kaloon  Naxariis Illaahay uga baryayaa Alle ha u naxariistee Axmed Maxamed Warsame (Axmed Jenius) oo ka mid ahaa Mujaahidiintii Qaaliga ahayd ee SNM kuna dhintay Buuroleyda Waqooyi sannadkii 1984kii.

Waxaan kale oon  u mahad gaara ujeedinayaa  Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-xaashi, oo ay dhashay Abwaanka Walaashiis Basra X Ismaaciil, ahna aqoonyahan caan ah ee reer UFFO. 30 sano dawladii Siyaad Barre ku xukuntay xabsiga adag ee loo yiqiin Labaatanjirow kuna dhameystay mudo dhan 8 sano.

Sadexda aqoonyahan ee walaalaha ah ee loo yaqaano ilma Axmed Shunuuf ayaa iyaguna soo ururinta iyo Computerkaba gacan ka geystey. Iyo inan Habka Qoraalka Kombiyutarka  “computer designing & layout” -ka qaabilsanaa  oo layidhaahdo C/risaaq Ismaaciil, iyo inan  Qoraalka Kombiyuterka “Computer operator” ah oo la yidhahdo  C/lahi M. Gurey.

 Ugu horayntii waxan halkan idiinku soo gudbinayaa Maanso Baroordiiq ah oo aan Abwaan Barkhad-cas ugu Baroordiiqayo , magaceedana wuxuu u bixiyey BILAN oo loola jeedo gobanimadii aynu ka qaadanay gumeysiga iyo halgankii dheeraa ee loo soo galay iyo qaybtii balaadhneyd ee uu Abwaan Barkhad-cas ka soo qaybqaatey bay ka turjumaysaa taasoo gumeystihii Ingriiska madaxbanaani buuxda  si sharafleh inagusiiyey. Lixdankii bishii June lixiyolabaatankeedii, 26june/1960kii. Hargeysa oo nasiib u heshay ciideeda inay ahayd caasimaddii u horeysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagey.

Waxaanay maansada Bilan ku bilaabantay:-

1.    Allaa hibada bixiyoo,

2.    Isagana ku beeree,

3.    Suugaanta loo bogay,

4.    Baarax loogu kala hadho,

5.    Haddii laysla baratamo

6.    Haybadii la boobaa

7.    Inaan cidi u beer dhigin,

8.    Bili buu u siiyee,

9.    Murtidiisii oo badan,

10.    Barkhadlow Abwaankii,

11.    Balaayo-cas la odhan jiray

12.    Buugii ugu  horreeyaan

13.    Kuu soo bandigaynaa

14.    Buga dhalshadiisii

15.    Boodhkii xabaashiyo,

16.    Bud-dhigiisii geerida,

17.    Barashadii qur’aankiyo,

18.    Bilowgii carruurnimo,

19.    Noloshiisi baadiye,

20.    Goortuu barbaariyo

21.    Baabuuraduu koray,

22.    Baryihii u wadan jiray,

23.    Bandarkiyo fankiisii,

24.    Berberiyo Hargeysiyo,

25.    Intuu Cadan bariinsaday

26.Reer baasarcoo* idil

27.    Qoys kuu ka soo baxay

28.    Boholyowgii caashaqa

29.    Hablihii badnaayee,

30.    Baandiriin ku dheerayd,

31.    Bukaankii haleelee,

32.    La bilkeedinaayee,

33.    Guurkii ka baaqsaday,

34.    Qarshe iyo Bidhiidhiyo,

35.    Baxnaankuu jeclaa iyo,

36.    Biixi iyo raggiisii,

37.    Bulshaduu la tuman jiray,

38.    Badankooda heesaha,

39.    Balwaduu ka tirin jiray,

40.    Barjaha loo fadhiistiyo,

41.    Kaftankuu ku baasaa,

42.    Balaaya -as ba loo yidhi,

43.    Berri Carab markuu nacay,

44.    Soo boqoolkii doonida,

45.    Baro lagu gumaystoo,

46.    Sida baaniyaalada,

         47.    Baqo uu ku ceeshoo,
48.    Laaluush ku bixiyoo,
49.    Waakii ka boodee,
50.    Wadankiisii baylahay,
51.    Isticmaarka bixiyee

52.    Afka inuu ku ciil baxo,

53.    Dib u soo biyeystee

54.    Kontonkuu bilaabiyo
55.    Baaqiyo codkiisii,
56.    Lagu wada baraarugay,
57.    Dadweynihii ku biiree,
58.    Beelaha waqooyiga,
59.    Tobankaa sanoo badha,
60.    Lixdankuu ku beegsado,
61.    Halgankii balaadhnaa
62.    Ingiriis ku bixinee,
63.    Budulkii Talyaaniga,

64.    Soomaaloo bidhbidhisaa,

65.    Calan baaxad waynoo,

66.    Bilad iyo astaan loo

67.    Shanta loogu baaqoo,

68.    Beledkiisa oo xor ah,

69.    Isagoo babanayaa,

70.    Quruumaha ku biirtee.

71.    Isla beretankeenii,

72.    Saddexdii u buurnaa,

73.    Laba waa la bixiyee,

74.    Run aan cidina beenayn,

75.    Hargeysaa u badisee,

76.    Badhtankii ka liiciyo,

77.    Balankaan isku ogyan,

78.    Sida looga baaqsaday,

79.    Boqnahay isgoysiyo,

80. Burburkeeda Soomaal,

81. Buuganaa fasirayee,

82. Dhaayaha ka buuxsada.

(dhamaad)

Taariikh Nololeedka Abwaanka oo kooban

 Maxamed Xaaji Ismaaciil Baasarce, oo markii hore lagu naaneysi jiray Balaayo-cas wuxuu markii dembe ku caan baxay magaca Barkhad-cas.Waxaanuu  ku dhashay miyiga meesha la yidhaahdo Almis oo ka mid ah  Hargeisa sannadkii 1925. Abwaanka aad bay da’diisu u yarayd markuu  ku geeriyooday magaalada Hargaysa maalintii bisha January ahayd 2, 1963kii.

Barkhad-cas isagoo yar baa miyiga laga qaaday, oo Aabihii oo Cadan fadhigiisu ahaa una shaqayn jiray Companygii Baasarce ee bariiska keeni jiray loo geeyey. Waxaanuu ku daray malcaamad Quraantii,kadib markuu dhamaystay waxaa loo wareejiyey madarasadihii  Carabiga. Kuwaasoo markuu heerka gaadhay ayuu iskuuladii diiday inlagu wareejiyo. Waxaana hamigiisa gashay in baabuurtoodii uu mid masuulka noqdo, kadib waxay isaga iyo baabuurkoodii Af-case* usoo wareegeen Hargeysa, isagoo kirishboy ka ah.

Mudo markuu la socday ayuu masuuliyadii baabuurka damcay inuu la wareego, halkaasaanuu ka bilaabay suugaan uu tiriyo, waxaanuu yidhi:-

·    Xalay goor hurudeen,

·    Oo habeenkii rubucjiitay,

·    Afcasaan lahadlaayey,

·    Isna wey halceshay,

·    Imisaan ku sifeeyey,

·    Oon dadka oo wada seexday,

·    Kaa ahaaday subeehi,

·    Oon siigadii kugu duushaba,

·    Suuf cad kaa marinaayey,

·    Isna way halceshay,

Afcasana wuxuu yidhi:-

·    Imisaan ku sidaayey,

·    Oon ku seexshay dushayda,

·    Oon saaxil raashin ka keenay,

·    Ood lacagtii sarsarayd,

·    Si walba u qabatey,

·    Waar adigaa ku siloon ahe,

·    Saacad liisan ku doono,

·    Dabadeedna I suuq.

Qaybtii Riwaayadaha

Riwaayaddii u horeysay ee uu Maxamed X Ismaaciil (Barkhad-cas) sameeyey  waxay ahayd riwaayaddii inan baas iyo inan barkhadeed ee uu Caden ku dhigay Waxaanay ahayd Ruwaayadii ama Masraxiyadii abid ugu horeysay ee Afsoomaali lagu soo bandhigo..

Riwaayad kale buu Hargeysa ku sameeyay Barkhad-cas intii aynaan gobanimada qaadan, waxa la odhan jiray “Dadow waji waa dambaw dhigo”. Siday u qaabaysanayd dhaqaniyan iyo siyaasad ahaanba ee dadka wax loogu tilmaami jiray mahayno iyo murtidii riwaayadaa Cabdilaahi Qarshe ayaa qoraal ku heyn jiray labada riwaayadoodba. Nasiib darro hantidii dagaaladii Xamar ku dhacantay bay qoraaladii iyo buugagii taariikhiga ahaa raaceen cid haysa iyo meel caawa ay yaalaan lama oga. Cabdilaahi Qarshe (AHN) meeshuu wax dhigay baadhis dheer iyo wakhti bay u baahan tahay. Anigu bal waxaan hayo inaan lays weydiin berrito sidan oo kale ayaan isku dayayaa inaan idiin soo bandhigo.

“Dadow waji waa dambaw dhigo”

Tixdan oon dhamayn baan ka hayaa.

Wuxuu yidhi:

Nin waayo arkaa warkeeda qabee,

Aduunyo nin waayay uma wiiqmee,

Dadow waji waa dambaw dhigo.

Walaalkaa kuma siiyo wax uu ku taree,

Isagaa wahabkaaga wada maydhee,

Dadow waji waa dambaw dhigo,

Adigoo werwer iyo walaal qaba,

Isagoo kaa waraabsha waadiga janadee,

Dadow waji waa dambaw dhigo,

Barkhad-cas riwaadaha inuu sii wado muu jecleyn, waayo markii dambe waxay isu bedeleen qaar dhaqaale ku doon ah ujeedada laga leeyahay ay intaasuun tahay sidaad imikaba dadku uga xiiso jabay oo haddii caawa lagu yidhaa riwaayad baa jirta aanay wax xiiso ah kuu yeelaneyn.

Dumarka iyo carruurta waxoogaa laga qosliyo hees oo hees ah waxay masrixiyad ku sheegaan oo googoos aan ku soo jiidan qofka murti dhuuxa ah bay noqdeen. Barkhad-cas nin adduun jecel muu ahayn, dhaqan xumada ku jirta Soomaalida wuu necbaa.

Barkhad-cas: Walaalaha Hargeysa buu oday madaxeed u ahaa oo marka ay riwaayad samaynayaan ka talo qaadan jireen ta’liiftana uu ku biirsanjiray. Sidii Geeskii Afrikaa gabyoo wuxuu yidhi Saxardiid Maxamed anaa lahaa Barkhad-casna badh buu ku darsaday.

Riwaayadii Saxardiid Maxamed oo la odhan jiray geeska Afrika oo Barkhad-casna wax ka dhisay  qaabka

riwaayada xubin sharafna loogu martiqaaday buu ku darsaday Barkhad-cas tixdan oo gaaban isagoo ku koobaya midhihii saxardiid ee riwaaydu ku socotay

Wuxuu yidhi ;

Waa gudhi ama waa hashaada godlee

Gaajiyo  dheregbaa gudboonaadee,

Soomaali Ilaahaw garansii

Waa guul ama  waa dhulkoo galbadoo

Gun iyo xornimaa gudboonaadee,

Soomaali Ilaahow garansii

Aan gaabshee waxaad iga guddoontaan

Soomaalaay ninkii ku gawraca,

Ninkii kuu guneeya gaalada

Aan goobno inagoon u gacan celin.

1.QAYBTA RIWAAYADAHA

RIWAAYADDII  INAN BAAS IYO INAN BARKHADEED.

Riwaayadan oo ahayd tii ugu horaysay oo Af-Soomaali lagu jilo, murtidii iyo maadayskii iyo heesiheediiba u dhan yihiin waxa alifay Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud Barkhad-cas. Waxa laga dhigay sidaa korka ku xusan magaalada Caden. Hablihii meteli lahaa oo ah labadaa magac inan baas iyo inan

Barkhadeed ayaa cid ku dhacda la waayey oo waxay dadku aaminsanaayeen gabadha heestaa inay gabadh xumaatay tahay oo reerkoodii ay ka dhalatay dhegxumo iyo ceeb wada saamaysa ay u keenayso laguna caayi doono.

Barkhad-cas markuu arrintaas mari waayay ayay rag soo jeediyeen in hablaha reeraha laga tirada badan yahay ee Gabooyaha laba hablood oo heesa kaalintana buuxiya la baadi doono. Markii laysla gartay sidaas ee labadiiba la soo helay ayay qoladii Gabooyuhu xanaaqeen ooy yidhaahdeen ma waxaad hablihiinii u diideen ayaad kuwayaga ku xumaynaysaan oo waxaad noo haysataan inaanu nahay dad aan xumaanta nicin oon sidaad iga damaqsanaysaan aanaan uga damaqsanayn. Labadiiba badka ayaa layskula taagay. Car waa naagta ku dhacda ee riwaayada lagu arko baa la yidhi. Laba inan oo dhalinyaro ah oo cod macaan hablahana loo ekaysiiyo baa la doonay. Cumar Dhuule oo aad u cod dhuubnaa aadna u cod macaanaa oo ilaa imika heesihiisa uu qaadaayo loo jecelyahay baa mid laga dhigay, midna wiil kale oo dhalinyaradii ka mid ah oo hadda aanan magaciisii hayn ayaa laga dhigay.    Sidii riwaayadaa Cabdillaahi Qarshe iigaga sheekeeyay ee dadku u xiiseeyeen qosolkii buu iga madhiyay. Midhaheedii iyo murtidii ay ku socotay Cumar Dhuule iyo Cabdiaahi Qarshe anagoon kala qoran wixii ay ka xusuusnaayeen bay geeriyoodeen, Ilaahay ha u naxariisto kuligoodba aamiin.

Cabdilaahi Qarshe wuxuu yidhi halkaas baan ka bilownay riwaayadaheena ilaa imika qaabka ay u socdaan.

Cumar Dhuule oon codkiisa hablaha laga garan jirin ayaanu ilaa walaalaha Hargeysa markii aanu samaynay ee Somaliland laysugu yimid noogu jiray riwaayadaha inanta labaadna mid aan heesin ee midhaha ku geeraarta waxaanu ka dhigi jirnay nin fanaaniinta jilaaga ah mid ka mid ah sida Baaniyaal ninkii loo yaqaanay imikana la yidhaahdo     “Maxamed Muslin”.Habluhu lix iyo kontonkii bay soo galeen inay ka heesi karaan riwaayad 1956. Iftin oo magaceedu yahay Sahra Nuur iyo gabadh Xaliimo la odhan jiray oo markii dembe fanka iskaga baxday kadib markii uu guursaday siyaasigii Cali Caarif ee oo reer jabuuti noqotay. 27/6/1977kii ayey na casuuntay aniga iyo C/lahi Qarshe maalintii xornimada Jabuuti. Kuwaas baa ugu horeeyey hablihii ka qaybqaatay jilida riwaayadaha.

       2.QAYBTA WADANIYADA (DAL-JACAYLKA)

5. QAYBTII WADANIYADA

Ka dib markii uu halgankii ay reer Somaliland kula jireen, isticmaarkii Ingiriiska uu gaadhay marxalad adag Marxuumku wuxuu ahaa raggii yaraa ee reer Cadmeedka kicin jiray in ay ka qayb galaan halganka lagu jiro.
waxaanu ka mid ahaa raggii waqtigaa soo dhoofay ee ku biiray halganka, waxaanu curiyay maansadii uu reer cadmeedka ku kicinayay ee uu ku yidhi
maansadan soo socota:-

1) Diintiiyo masjidkiiba waysku dillee
halkay diircas joogto aan ka durkoo
dib yaanay dhegahaygu daar u maqline
duufaan hadhacoo bil yaan ka degine
dusheedu marna iiga dari maysee
doonidii baashucayb kac ila doon.

2) Mar aanu su’aalay xanuun ishiisa nooga muuqday wuxuu noogu jawaabay
sidan:-

Deeqdiisa Ilaahay iima darnoo
dul iyo hoosba wuu I daajinayaa
darxumo ima helin xanuun i damqaa
daalkiyo Biixiyow dibnaha i qalalay
dabaysha i qaaday waa dal tabyee
roobkoo da’ay dooga soo baxay iyo
dooxii herer ruuxa waa u dawee
duufaan ha dhacoo bil yaan ka degine
dusheedu marna iiga dari maysee
dagaalka gobanimada aan ku darmee
doonidii baashucayb kac ila doon.

Sidaas buu ku soo dhoofay oo aanu tikidhkii diyaaradda ugu soo jaray.

Barkhad-cas oo ahaa abwaanadii Somaliland abwaanka ugu suugaanta badnaa xagga halgankii gobonimada Somaliland ee 1960kii, mar kale oo uu iska waramayey in  uu suuganyahanku ama hal abuureba ha ahaadee la mid yahay saxaafada madaxa bannaan oo loo baahan yahay  mar walba iyadoo wakhtigaa saddex jariidadood  ay  lahayd  mustacmaradii  Ingiriisku xukumi jiray (Somaliland), kuwaas oo middi wiigiiba mar ka soo bixi jirtay Caden oo Ingiriisku xukumo oo la odhan jiray (War Somali side) oo macnaheedu ahaa warkii Soomaalida oo isugu jiray Carabi iyo afka Ingiriisiga  dhowr xaashiyoodna ahayd, isla markaana macna badan aan lahayn , (Qarni Afriiqiya) Geeska Afrika oo Hargeysa ka soo bixi jirtay wiigii hal mar, iyo ta sadexaad oo ahayd (Alliwaa) oo ah mid ku soo baxda afka Carabiga magaalada Hargeysa.

Saddexdaa  buu Barkhad-cas markuu ka hadlayey yidhi:

Aliwaa, Qarni iyo Akhbaar

Sida waxaa ahayd tii afraynaysoo

Afkeedana way ku hadashaa,

Ishtaraag male iyo aduun bixi

Aroor walba tayda waa la arkaa,

Qof walowba sidaa ogsoonow.

Gidaarka Khayriyada ka soo horjeeda oo geed Mirimiri oo fooqa  Xasan-dalab hoostiisa ku yaalay ayaa sidaa uu sheegay suugaantiisa aroor walba loogu iman jiray xiliga barqada isagoo fadhiya oo dadku aanay ka dhaqaaqi jirin siday u jeclaysanayaan maansooyinkiisaa  dhadhanka iyo dareenka ay dhegeystayaasha siinayso darteed.

Maxamed X. Ismaaciil Marxuum Barkhad-cas, abwaan dadka aad u qiiro geliya buu ahaa, Sidoo kale geed kale oo ku yaalay Makhaayadii Qaahira loo yiqiin buu duhurka ilaa labada saac oo ahayd xiliga jaadka loo fadhiisto tegi jiray, oo wuxuu yidhi Ingiriiska ayaan tusaynaa hadduu jimciyadaha xidho in geed walba Soomaalidu ka hoos hadli karto, oo meel walba Maxfalka la isugu yimaado in ay tahay, waayo markuu Barkhad-cas  maansoonaayo sida maxfalka xisbiyada  ayaa loo soo ururi jiray, inkastoo Ingiriisku sidii Afweyne  aanu lahayn kii afka ka hadlaba  soo qabta, oo uu dadka xorriyatul-qawlka  aanu ku soo xidhi jirin, ka u badan ee shaqaale dowladeed ah shaqada ayuun baa  laga eryi jiray.

Barkhad-cas maanso kale wuxuu ku yidhi:-

Allahayow  addoonsigaagi,

Anigoon ku dhammayn arkaantii,

Miyaan Ingiriis u soomaa,

Illaahow adduunyadaadii,

Anigoon afka gaadhin oon arag,

Miyaan Ingiriis u dhibaa,

Intaad iga siisay oo idil.

Marxuum Barkhad-cas sidii cadadiisu ahayd xagga kaftanka iyo bashaashnimada yalaaba xagga gabdhaha markuu la kulmo, gabadh iyana kaftan iyo dabeecad furfuran ayaanuu gafi jirin inuu si hufan wax u yidhaahdo.

Sidoo kale ayaa maalin isagoo dukaan ku jira oo xagga saarta dembe ama miiska ka danbeeya oo dadka wax  iibsanaya soo qaabilsan ayey gabadh guur gal ah oo gashaantiya aadna u qurux badan soo gashay dukaankii markay waxka baayacday dhowr goorna inankii dukaanlaha lahaa la kaftan buu Barkhad-cas ku yidhi “inaadeer” cilaaqdu ha kuu danbeysee tiinkaa aad agjoogto biyaha ii tiigso oo iiga soo dar, markaas bay ku tidhi odayga waa ba’ barqo ee , xagguu ku soo oomay xilligan?

Ma xalaybuu beelo hayaaminayey mise waa qoladan habeen oo dhan heesta oo waa Baarcade?

Wuu qosley oo intay biyaha usoo daraysay ayuu hadalkan ay dhex waday buu aad ula dhacay. Inay gabadh fariid ah tahay buu gartay, oo Oday weyn  aanay u arkayn iska ilaaqdoon ay tahay.

Maanso ayaa bu ugu hal celiyey isagoo raba inuu barasho sii korodha uu halkaa kala qaado waana markii halgankii xisbiyadii bilaabmeen oo lixdankii soo dhawaaday, dhalinyaraduna xaga mabaadiida xisbiyada ku kaftami jirtay iyagoo isjecel oo qabiil laysu arag. Intaanay bixin buu ka gaadhsiiyey tixdan uu si dadban uga dhigaayo isagoo raba inuu ogaado xisbiga ay gabadhani ayidsantahay iyo hankeeda intaba, iyo fahmadeeda ilbaxnimada ku dheehan, wuxuu yidhi:

1.Hablihii SNL hadaanad ahayn,

Afrikoo idilbaa israacaysee,

Soomaali ahaanta igu eegoo Hayga tegin.

2. Hadaanad ururiyo israaca rumeyn,
ama aanad istiqlaalka aaminsanayn,
lixdankaa imanaaya igu eegoo  hayga tegin.

3. Hadaynaan ehel iyo aqaariib ahayn,
afkaanku hadlaayo igu eegoo, Hayga tegin.

4. Habeen aad ku jirtaa iftiin malahee,
Arooryo san iyo ideylkeen,
Jidhkays ogol baysa soo uriyee,
Astaantii quruxdaay, Hayga tegin.

Inantii halkii bay fadhiisatay ooy intay yaabtay ooy aamustay, ayuunbaa laba indhood oo waaweyni ka soo hadheen.

TIXDAN OO LA YIDHAAHDO AN OOYEE ALBAABKA II XIDHA

Waxay soo baxday 18/8/1959, markaas oo Somaliland protectorate ay xukunkii isticmaarka Ingiriiska gacantooda ku jirtay  dabayshii Afrika ee xorriyad doonka iyo ururadii dalkeenuna soo shaac baxayeen oo kuwii aan siyaasiga ahayni xamaasadii dadka oo abuurantay darteed isu dhalan rogayaan qaar siyaasad ah, sida SNS oo ahayd Somali National Society isu bedeshay SNL Somaliland National League .

Duke oo ka tirsanaa qoyska reer boqorka Ingiirka  ayaa  booqasho gaaban ku yimid Somaliland protectorate  waxaanu furayey oo uu xadhiga ka goynayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa (Hargeisa Airport).

Maxamed X. Ismaaciil Barkhad-cas oo maqsinkii gurigiisa iska jiifa ayaa walaalkii Aadan X. Ismaaciil Maxamuud Aadan yare oo Inspector Police ah ugu tegey Barkhad-cas gurigii isagoo doonaya in walaalkii maanta  soo dhawaynta ninkaa Ingiriis ee Duke iyo waftigiisa ay sharaf weyn oo uu ku dalaco  u tahay haddii walaalkii Barkhad-cas wacdaro aan la arag ka geysto soo dhawayntiisa iyo xafladda loo qabanayo.

Halaygu qadariyo suugaanta walaalkay jeediyo isagoo qaba fikirkiisa  Aadan yarihii askarta bilayska ahaa ayuu u qadimay hadal yara kulul markii albaabkii laga furay, waa sidee walaal Maxamed goortan baad jiiftaa?, miyaanad ogeyn in wefti reer Boqor ka socdaa soo degey oo  Mr.Duke si weyn looga hortagayo, loona qaabilayo? Sowta magaaladii oo dhami dowlad iyo shicib, askar iyo iskuulaba madaarkii loo dhaqaaqay ee dawyada la safan yahay, cuqaashii iyo  fardoolaydii tuulooyinku dabaaldegga u socdaan.Waar meesha ka kac maalin la hurdo maahee.

Intaasi markay Aadan afkiisa ka soo booday ayuu Barkhad-cas intuu aad u cadhooday hankiisii iyo hanka Aadan sida ay u kala duwan yihiin buu tixdii “Aan ooyee albaabka ii xidha” jawaab kulul ku saydhay Aadan yare iyo niman la socday.

Tixdan oo munaasibada ay ku soo baxday tahay taas kor ku sheegan ayuu sida aan kuwii horeba ku sharaxnay iyadana sharaxeedu sidan yahay:

Waar ma ninka awowgeen soo gumaystay, ee aabaheen jahliga ku baabi’iyey, ee kala dagaalamay aqoontii dilaaci lahayd ee indho-tiray ayaad ii sheegaysaa oo jacayl adiga kuu hayaa?, Waar ma ninkii ina iibsaday ee dalkeenii  qaar Xayle Salaasihii Itoobiya gacanta u geliyey (Hawd and  Reserve area) ayuu u sarbeebay anigana i iibsaday (1954). Waa maalinta loo yaqaano maalinta weerka oo dhammaanteen da’ kasta aan ka mudaharaadnay bixintii hawd iyo reserve area. Waar ma ninkii oon garanayo oo aanan waxba yeeli karayn baad Aadanow ka hortag oo gacaltooyo iyo gacmo furan ku qaabil i leedahay.

Hadaba ninkaa Ingiriis uurka ayaan ka nacay oo i gubanaayee mana arki karayee aan aqalka dhexdiisa oohintayda ku qarsadee iga baxa oo irida ii xidha. Way qayayaabeen oo Aadan yare intuu aad u naxay buu foorar ku go’ay manay xidhin albaabkii, xaggii bay ku engegeen aamus iyo dhegeysi ayaa isu raacay markii Barkhad-cas  kala goyn waayey tixdii murugada lahayd.

Waar ma ninkaan xukunkiisa la feedho beelay ee xoogaygii iyo xoolahaygiiba la wareegay baad igu soo qaadaysaan.

Askarta iyo ardayda iskuulada iyo shaqaalaha ay u talinayaan mooyaane nin kale oo qaabilaa iimaan ma lehee idhaafa.

Awoowgey ninkii adoonsaday,

Ninkii aabahay indhaha tiray,

Ninkii anigana I iibsaday,

Hadaan ogohoon ka aarsan karayn

Hadaan aadanow unuunka jarayn

Ninkaa aragiisa uurkan ka nacee,

Aan ooyee albaabka ii xidha.

Isagoo Iglan jooga buu i diloo,

U shuu soo fidshaa I iimaysoo,

Waa taa aramidii I oofa tirtee,

Asaag li’i baa ishaa ibadee,

Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee,

Aan ooyee albaabka ii xidha,

Wixii arrineen ilaahay jeclayn,

Haddaanad adimada ku oolin karayn,’

Ama aanad adduunyo ku iibsan karayn,

Aayaadka quraanka wada aragtoo,

Udgoonaa ina yidhi indhaha ka qarshee,

Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee,

Aan ooyee albaabka ii xidha,

Ardaydaa dugsiyadiyo askari mooyee,

Ninkaloo agtagaa iimaan ma lehee,

Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee,

Aan ooyee albaabka ii xidha,

Ugaadha ninkii dhaqdee ururshaa,

Ruuxii eegayana adduun ka baxshee,

Rageenuu ogaa horuu u arkee,

Ninkaa ooridiisa iigeynaayow,

In keeg iyo shaal ayuu ku arkine,

Iimawdee axankaaga weynee,

Libaaxa anayiyo abaarso ka ciyey,

Aburiin lo’da joogta baa urisoo,

Ooday jabisaa intay u dhacdoo,

Amsaxuu ka guraa idaylkeed,

Waa kaa ingiriiskii iida hayee,

Idina u dabaal dagoo adhiyohow,

Ayaanu nina odhan soomaalaan ahee,

Ordoo magacana ka iibsada

Arladii ka samroo adduun ma hayee,

Hadii la ilaashay afkaygii,’

Haddaanan ikhtiyaar aqoontay hadlayn,

Hadaanan erray qudha shirkaa odhanayn

Ninkaa aragiisa uurkaan ka necbee,

aan ooyee albaabka ii xidha.

XARAASH

Marka hore Maansadan Xaraash ayeynu sharixi doonaa dabadeedna maansada oo xidhiidhsan ayaanu idiin soo gudbin doonaa si adigoo  macnihii iyo munaasibadii maansadu ku soo baxday iyo ujeedada dulucdeedu ka hadlayso fahamsan  si ay dhadhan ballaadhan kuugu samayso.

Tuduca taxanaha ah siduu abwaanku uga maansooday mid walba inagoo u sharxi doona bal tan xaraash la magac baxday aad ugu fiirso.

Xaraash: Waa wixii la gadaayo tiiyo lagu iibinayo qiimo jaban oo raqiis ah meel fagaare ah lagu soo bandhigo  oo suuq ah haday alaab ganacsi tahay, hadday maacuun ama qalabka guryaha tahay, dhar buldaad ah hadday tahay, biraha baabuurta haday tahay, daaro, beero magacooda warqad lagu sheegayo iyo qiimaha lagu xaraashayo iyo xoolo nool oo tiro ah oo gegi lasoo tubo ama suuqweynaha magaalada, xaraash waa ficilka sida loogu dhawaaqo ee kolba qiimaha in yar loogu daro, markaa qiimaha ugu sarreeya ee la dhaafi waayo ayaa lagu fasaxaa oo ninkaa  ku guulaystay ama shuraakadaasi ku guulaysatay xoolahaas kula wareegaan. Haddaba iibka noocaas ah ayaa loo yaqaan Xaraash.

Abwaankii Barkhad-cas wuxuu xaraash kaga dhawaaqay golihii Khayriyada oo ahaa xisbiga SNL USP halgankii lixdanka loogu loolamayey gobonimada Somaliland. Xisbiga  labaad ee loolanka doorashada SNL-USP kula legdamayey waxa  uu ahaa NUF waa xisbigii NAFTA loo yaqaanay ee Machial Mariano  iyo Axmed Xasan Ibraahim hoggaaminayeen.

Barkhad-cas intuu makaroofnkii SNL-USP  qabsaday iyadoo xaflad ballaadhan oo wax yar ka horreysay 26 June 1960kii ayuu intuu Barkhad-cas aad u dhawaaqay yidhi: “(Xaraash) carruurtii madasha khayriyada horteeda ku taagnaa ayaan habeenkaa kamid ahaa oon xasuus ku garanayaa,” dareenkii dadwaynaha iyo maansadii abwaanka ee xaraash sidii loo qiirooday baa sawirkeedii ii sii muuqdaa, Barkhad-cas waxa uu yidhi waxaanu xaraashaynaa:

1.    Gobanimada,

2.    Geedka Galoolka,

3.    Geyiga.

Inta la yaabay oo qofba qofkii xigay rag iyo dumarba afka ku dhaweeyay ayaa hoos la isku waydiiyay sida loo xaraashayo sadexdaa magac ee uu sheegay, markuu maansadii xaraash uu bilaabay ayay mar qudha dadwaynihii saqiir iyo kabiir sacab iyo burhaan isku dareen.

1. Diintaan ku gabownay aan gambiyoo
2. Ayaan cidi guursan gabadheenee
3. Soomaalaay gidigiin gartaa naqa oo
4. Maxaa la gudboon oo garab yaal?
5.   Maxaynu gobanimada siinnaa?
6. Hangool iyo gudin gar iyo xadhig
7. Aqal kaa la galo iyo dhuxusha giniga ah
8. Geed kaa ina deeqay gebigeen

9. Gadniin Iglan goosan kari maysee?

10. Soomaalaay gidigiin gartaa naqa oo

11. Galoolka maxaynu siinnaa?

12. Nin iilka galaa isagoo gob ah

13. Loxodkuu ku gam’aa masoo gujiyee

14. Idinkoo gun ah wadydinkaa go’ayee

15. Soomaalaay gidigiin gartaa naqa oo

16. Maxaydin ku garawsan geerida?

17. Wuxuu galo iyo wuxuu gudo

18. Gasiirad raggaa go’doon ku noqdee

19. Is guud baxay baa dhul garanaayee

20. Inaan ku gargaarro gaalada iyo

21. Inaan ka guddoono guulahay

22. Mid uun labadaa inoo gooyoo

23. Soomaalaay gidigiin gartaa naqa oo

24. Maxaynu geyigeena siinnaa?

25. Soomaalaay giddi guurti baad ka tahee

26. Ninnaba gees ahaan u go’i maayee

27. Wixii inna gubaayey wada garanee

28. Gorfeeyoo hal keen ku goynaa?

29. Haddaynaan garaneyn wax kaa guda

30. Gurada aan ku saare soo gaadh

31. Carruurtaa guri beena ku geeddi gashee

32. Xaraar bay gobanimo guudka uga baxdee

33. Soomaalaay ganbalaash laguma gaadhee

34. Gucliyo orod guluf ma saarnaa?

35. Haddaynu gacan siino labaatan gu’

36. Boqolka aan ku gaadhno gumeysiga

37. Ingiriis dadnimada xaqeed ma gartee

38. Kollay godob li’i ma guuraayee

39. Xaraarbay gobanimo guudka uga baxdee

40. Soomaalaay gambalaash laguma gaadhee

41. Gucliyo orod guluf ma saarnaa?

MAANSADII BAL WALAALAYAAL  DAYA

Tixihii loogu jelcaa bay ahayd abaabulka (Campaining songs) iyo baraarujinta shicib weynaha.

Tixdii oo xidhiidhsanina waa tan:-

Ingiriis dalkeenii,

Dahabkii ku hoos jiray,

Diiquu u bixiyoo,

Keenii dareemana,

Dabin buu u qoolee,

Bal walaalayaal daya;

Markuu wiida diidaa,

Maxamuud la dayrshoo,

Xadhig loo diyaarshoo,

Danaakiliyo Ciisow,

Diigool wuxuu yidhi,

Bal walaalayaal daya;

NFD daboolyoo,

Duudsuu ka yeeloo,

Deyr buu ku meershee,

Dalkeenaa la qaybsaday

Duligaan ku noolahay,

Bal walaalayaal daya;

Dadkoo oonku laayoo,

Loo diiday haradii,

Iiddoo la daakiray,

Dabar jaray Axmaaruhu,

Bal walaalayaal daya

Dari maysid ceelkiyo,

Anaa gurigan degayaad,

Nin doorkii ku madhisee,

Waranka idin dooxaa,

Cadaawaha ma dilayee,

Bal walaalayaal daya

Daya oo aboorkuba,

Dundumuu samaystaa,

Dawladnimo Yuhuudaba,

Duhur baa la siiyee,

Dadkii meel yimaadiyo,

Inuu ururku door yahay,

Bal walaalayaal daya.

 Tixdii: Waaryaadhaay walaalahay Idhi

Maxamed X Ismaaciil Barkhad Cas  oo ka mid ahaa raggii Aftahanka ahaa ee casriyeeyey suugaanta soomaaliyeed xiliyadii dhawr iyo afartankii ilaa bilowgii kontomaadkii , tixdiisan waar yaadhay wuxuu ku adkaynayey markii lixdankii soo galay israaca dowladnimo ee Somaliland iyo Somaliya oo ah koonfur  loo balamay in la isku darsamo lixdanka  waana tan tixdiisii waaryaadhay oo xidhiidhsani waxaanu yidhi:

Waaryaadhaay waxaan ahay nin waano sidee,

Waaryaadhaay may warsanaysaan,

Waaryaadhaay wacdi baan akhriyayaa,

Waaryaadhaay weglo hayga moodina,

Waaryaadhaay waxyeeladaynu qabno,

Waaryaadhaay inagaa isugu wacan,

Waaryaadhaay doorashadu wax weyn weeyee,

Waaryaadhaay u hubsada waraaqaha,

Waaryaadhaay nacabaydin weedhaayee,

Waaryaadhaay gobanimada wada jira,

Waaryaadhaay lixdankaa inoo wacadee,

Waaryaadhaay ayaan la waydayn,

Waaryaadhaay walaalahay idhiyeey,

Waaryaadhaay wadankaa horow wada eey.

Waxa heeskan coddeeyey xisbigii SNL USP ka qaadi jiray abwaankii wadaniga ahaa Cabdillaahi Qarshi kuna xeel dheeraa qalabka miyuusiga sida kabanka.

Cabdillaahi Qarshe markii uu London ku geeriyooday ka bacdi Hargeysa baa lagu aasay 3/11/1997. xabaalaha xusub ee Geesiyada.

Tixdan kale waa sarbeeb iyaduna ka hadlaysa  markii labada gobolba qaateen dowladnimo buuxda ee la isku darsaday  01/07 1960. markaa isagoo dardaarankiisii halkii ka sii wata wuxuu yidhi tixdan geela iyo dhaqankeenii nolosha ku sarbeeban isagoo doonaya gobonimadaa maanta aan isku darsanay inaanay dhexda ka xumaan oo rag xoolo mog aan madax looga dhigin ee rag aqoon iyo feejignaan ku hanan kara hogaanka u qabtaan, markaa Barkhad cas dadkii ileyn may aqoon habka maamulka dowligu yahaye  dhaqankooda reer miyiga buu ugu sawiri jiray sida reerka iyo hantidiisa loo xaslado in dowladnimaduna u baahan tahay in loo ilaashado loona maamusho.

Tixdiina waa tan

Maandeeq nirgihii halkaaa u dhignee,

Waar hooy casar dheere soo hooy,

Hashaa ka ogaw habeensiga,

Haduu cawodaranta neef ku hadho,

Waar hooy dib dambaysa looma helee,

Hashaa ka ogow habeensiga,

Hangoolkiyo gudinta soo qaadoo,

Tixdii:DHALINTII WADANKIYO DHULKAANU NAHOO.

Dhallintii wadankiyo dhulkaanu nahoo,

Labood iyo dhedig wax meel dhiganoo,

Dhabtiyo xumihii dhammaan aragnoo,

Inaanu dhaliniyo inaan dhimanooy,

Maantaan waxba nooga dhaxaynayn.

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo,

Nimaan dhididini xornimo ma dhaxloo,

Hadaanu dhirta korin daayeer ma dhargee,

Anana ku dhaqaaqnay meel dheeroo,

Inaan dhex tagniyo inaan dhimanooy,

Maantaan waxba nooga dhaxaynayn.

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo,

Afar baa dhiigayaga gorfaha ku dhamoo,

Markay ka dhargaana dhabaqsada oo,

Inaanu dhoofiniyo inaanu dhimanooy

Maantaan waxba nooga dhaxaynayn,

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo,

Calankaad dhumiseen inaanu dhisnoo,

Dharaar ka cadayno dhay geeloo,

Inaanu dhidibniyo inaanu dhimanoo,

Maantaan waxba nooga dhaxaynayn.

Dhamaan suugaanta Abwaan Maxamed X. Ismaaciil (Baasarce)  oo dhamaystiran waxaan idiinku soo gudbin doonaa Buug an soo saari doono sanadkan hadii Alle yidhaa oo Koobasanay dhamaan Suugaantiisa oo u kala qaybsan 1.Qaybta Jacaylka 2.Qubanaha 3.Miyiga iyo noloshiisii Miyiga  iyodhamaan Suugaantiisa intii aan soo ururiyay.

DHAMAAN
ABWAAN CALI  XASAN ROODHIILE (BANFAS)

F.G; Waxaan  idinka Codsanayaa inaad u kala qaybisaa Qaybo ama Cadado


This post has been viewed 413 times.

Categories: Editorial, featured
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright