Hambalyo Ku Socota Ardayda Ka Qallin Jabisay Jaamacadda Golis Berbera

Posted by on Jan 2nd, 2013 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Ardeydii dhameysatey Jamacada, Waalidiintood, Macalimiintoodii iyo cidii kasta ee ka gacan geysatey in ay ardeydaasi ay dhameystaan waxbarashadoodii, Taas oo uu ugu horeeyo Madaxa Jamacada Prof: Nasir Xaji Ali Shire oo lahaa Bud-dhiga Golis Berbera kuna da-daalay sidii Jamacadaasi u hana- qaadi laheyd.
 golis
Waxaan ardeyda qalin-jebisey leeyahay Maanta laga bilaabo idinka ayey Masuuliyadu indin saaran tahay waxaana aan idinkula talinayaa Qodobadan hoose:
1- Waa in aad Ilahay (SWT) aa  talada saarataan sidii aad mustaqbalka shaqo wanaagsan iyo mustaqbal fiican u  heli laheydeen
2- Waa in aad kalah-daan oo aad la timaadaan Hamad badan iyo da-daal dheeraad ah iyo karti ku jihaysan sidii aad mustaqbalkiina u -miiqi lahaydeen ugana midho-dhalin lahaydeen.
3- Waa in aad la timaadaan Niyad adag  iyo adkeysi aad kaga midho dhalisaan Caqabadaha Shaqo la’aanta ah ee idin Horyaala
4- waa in aad Sameysataan goobo aad Ku kulantaan  iyo Email groups aad  isku weydaarsataan waayo -aragnimadiina iyo waayihiina si aad u yeelataan xidhiidh joogta ah oo aad ku wada xidhiidhaan oo danahiina kaga tashataan isuna kaashataan.
5- Waa in aydaan Cidna u dabo- fadhiisan wixii aad mudada dheer soo baraneyseen ee idinka marti la idiinka noqdaa laa-kiin aad isu-tagtaan oo tijaabisaan aqoontiina idinka oo la kaashanaya kolba cidii aad u aragtaan in ay idiin dhego-nugushahay waxna idin tari-karta.
6- Waa in aad ka xaragootaan oo iska ilaa-lisaan wixii xun oo dhan oo ay ugu horeyso Tahriibta iyo Qabyaalada oo dib inoogu soo noqotey waayadan danbe.
7- Waa in aad ku Dadaashaan in aydinaan cidna Shaqo ka sugin ee aad idinku shan-shan iyo toban-toban aad isku kaal-meysataan oo shaqo-abuurataan ( self-employment)
8- Hadii aad u fiirsataan 4ta Taajir ee Somaliland ugu lacagta badan waxaa la -isku raacey in aan Midna Tijaaradiisa Debeda ka soo xoogsan ee ay  aamineen Beledkeena yar ee Barakeysan ee hadana inoo  Riman ee u baahan uun inta tacab yar la geliyo kadibna dib looga dhaliyo oo loo maalo.
9-Waa in aad isku daydaan in Hayadaha Dawlada iyo Kuwa madaxa Banaanba aad Bilaash( Voluntary ) aad ugu shaqeysaan si aad waayo aragnimo u heshaan Taariikh- Nololeedkiinuna ( CV) ay mustaqbalka u soo Jiitaan Shirkadaha Waa-weyn iyo cid -alaaleh iyo cidii shaqaaleh u baahan wadanka  gudihiisa  iyo debadiisaba.
10- Waxaad u soo Ba-bac-dhigteen Duruufuhii adkaa ee ku-gedaamnaa Waxbarashadiinii aad mudada dheer soo- wadeen waxaana aan idiin rajeynayaa Mustaq-bal wanaagsan cimri-dheer iyo cibaado-alleh. Amiin-Amiin.
                                Talooyin ku-wajahan Xukuumada iyo Hayadaha  ay khuseyso Hawshani
Higsiga lagu Gaadhi karo Horumar Qaran iyo Haykan wacan oo la taaban karo waxay mar-walba ku xidhan tahay hadba heerka aqoonta iyo tacabka la geliyo Dhalinyarada Wadankaas iyo kolba sida loo hawlgeliyo ee looga faa’ideysto Xoogooda iyo aqoontooda . Nasiib- Daro Waxaa Xukuumada Somaliland ku Fashilantay in ay  abuurto barnaamijyo shaqo abuur ah, si loo xaliyo Shaqo-la’aanta haysata Dhalinyarada Somaliland . Waxaana marag madoonto ah in haba yaraatee aan Xukuumadu Shaqooyin la- taaban karo u-abuurin dhalinyarada ka soo qalin jebiya 17 ka Jaamacadood  iyo 68 High school ee Somaliland  ku yaala, Ku waas  oo hada Caga-Cageynaaya ilaa iyo Kumaan- Kun  dhalinyaro ah oo aan Jiheysneyn ahna Xoog Baaridey  iyo aqoon dhitowdey oo u baahan in la-lulo oo  dalka looga  faa’ideeyo iyagana shaqo loo abuuro  oo la hawl-geliyo.
1-  Waa in ay Masuuliyiinta Dawladu ka xishoodaan oo aaney la iman Munaasabadaha Qalin-jebinta  Mikirifoonada  beenta ku-adima ee  looga bartey iyo hadal afka baarkiisa ah ee ay la yimaadaanTalo, Tilmaan, Tamar  iyo Tacab wax-u-tara  Muwaadiniinta Duruufaha adag ku soo dhameystey Waxbarashadoodii  ee ay mareyso uun Hiil- Hoo iyo Shaqo.oo keliya.
2-Waa in ay Xukuumadu la timaadaa iyadoo  Hayadaha Caalamiga ah la kaashaneysa Bar-naamijyo Gacan-qabsi ah  oo ay dhalinyaradu iyagu shaqo ku abuurtaan.
3- Waa in ay Xukuumadu ugu yaraan sii-saa dhalinyarada qalin jebisey hal- wareeg oo taba-bar ku saabsan sida shaqada loo doonto ( employbility programme)  iyo talooyin ku saabsan dariiqooyinkii loo mari lahaa ama loo abuuran lahaa shaqooyinka yar-yar.(self-employment)
4-  Waa in Xukuumadu Siyaasadeeda sanadka Cusub (2013 ) ku darsataa sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada Jaamacadaha wadanka ka qalin jebiya  Si xal loogu helo Shaqo la’aan ba’an ee ragaadisey guud ahaan  Dhalinyarda Somaliland loona furaa Dhalinyarada  Daaqadihii rajada ee mustaqbalkooda si loo yareeyo Tahriibta ay Miciinka moodayaan.
5- Waa in xukuumadu la timaadaa Sharci iyo Bayaan ay dhalinyarda qalin jebisaa ay Bilaash (voluntary) ay kaga  shaqeeyaan Hayadaha Dawlada oo dhan iyo weliba kuwa Maxaliga ah ee madaxa banaan si ay waayo aragnimo ay ku shaqo-tagaan ay uga he laan.
6-Waxaan Xukuumada ka codsanayaa oo aan weliba aad ula yaabey in hadii ay tamar u- weydey in ay shaqo u abuurto dhalinyarada Jaamacadaha iyo kuwa Dugsiyada sar-sare  ka Qalin-jebisey ma waxay u-abuuri kari-waayeen Xafiiyo yar-yar oo lagu wacyi-geliyo oo talo kasiiya sidii ay ardeydaasi ay iyagu isugu tegi lahaayeen ee ay shaqo- ugu-abuuran lahaayeen.?  Waxaan xukuumada kula talinayaa in arintan shaqo la’aanka dhalinyarada Jaamacadaha ka qalin-jebinaya aan dib loo  dhayalsan ee ay si deg-deg ah wax uga qabato oo la timaado Qorshe cad iyo wacyi-gelin dhalinyarada lagu wacyi gelinaayo Wadada toosan iyo wadaninimo.
7- Waa in ay Xukuumadu Hirgelisaa Balan-qaadkeedii  ay ku balan qaadey in ay hirgelinayso Mashruucii Gurmadka Qaranka ama ( National Services) si Dhalinyarada Faraha badan ee dhameysa Dugsiyada Sar- Sare ee Somaliland  ay Camal iyo Waayo aragnimo  uga dhigtaan loogana Faa’ideysto xoogooda cusub iyo aqoontoodaba.
8-Maanta Bulshada reer Somaliland 65% waa Dhalinyaro 30 jir ka yar oo ay Taabatey Duufaanada iyo duruufaha Siyaasadeed ee is-dabo yaaca ah iyo Shaqo la’aan Baahsan , Taas  oo dhaxalsiisey dhalinyaradii Fursad La’aan iyo Camal La’aan Baahsan oo Niyada ka jebisey sababteyna in ay  Badaha isku-Biimeeyaan oo Tahriibaan.-
9-Waa in la sameeyaa Mashaariic Iskaa –wax uqabso ah (National Youth Voluneering Programme) si ay dhaliyaradu u bartaan xirfadihii ay ku shaqo tegi lahaayeen iyo waayo aragnimo shaqada u- fududeysa mustaqbalka.
10- Muran kuma Jiro in Somaliland La siiyey Deeqdii ugu badneyd abid ee la siiyo Wasaaradaheeda Qaar ka mid ah sida Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, Taas oo deeq-daasi u  bilaabantey Wasaaradda Waxbarashadda October 2012, sidaa daraadeed Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay Ficil iyo Qorshe shaqo abuur ah oo deg-deg ah u bilowdo dhalinyarada Camal la’aantu Ragaadisey.
Alleh ayaa Mudnaan iyo mahadba leh,
Waa bilaahi Tow-fiiq
A/rahman Fidhinle
Intensive Education Personal Advisor
United Kingdon
London

This post has been viewed 166 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright