Borama (Halbeegnews)–Weftigii uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ee ku sugnaa Boorama ayaa shalay iyagoo ka soo caraabaya magaaladaasi waxa ay ku Jiidheen ilmo yar oo gabadh ah oo Toddoba Jir ah taasoo magaceeda la odhan jiray Raaqiya Cismaan Xirsi Salal.
Alla ha u naxariistee gabadha yar ee ay jiidheen gaadiidkii ay Wateen Weftiga Madaxweyne ku-xigeenku ayaa marka ay gaadiidku jiidhayeen hor taagnayd Gurigooda oo ku yaalay jidka ay marayeen, taasoo isla markiiba ku naf weyday shilkaasi.
Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa markii uu shilkaasi qabsaday muddo u hakaday sidii xal looga gaadhi lahaa Dhimashadaasi, waxaanay wada xaajood ay la galeen Qoyskii iyo Odayaashii Jufada u ahaa marxuumadaasi dhimatay isla af-garteen in la Aaso isla markaana Magteeda loo raaco Xukuumadda.
Dhimashada Gabadhan yare e Toddoba jirka ah ayaa ka dhigaysa khasaaraha ay Xukuumaddu ku gashay muranka ka dhashay Golaha Deegaanka ee Saylac qofkii labaad ee u Geeriyooda, iyadoo ay Xukuumadda Somaliland Reer Boorama Hungo kala soo carawday.
Waaheen
Halbeegnews, Boorama
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 311 times.






