Hargeysa, January 2, 2013 (Halbeegnews) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka Cisbitaalka Guud ee caasimada Hargeysa ku booqday dhaawacii askartii shalay ku dhawacantay shilkii baabuur ee ka dhacay duleedka tuuladda Haleeya ee bariga Hargeysa, kaasi oo ay ku dhinteen 5 askari halka 25 xubnood oo Boolis ahina ku dhaawacmeen labadaas baabuur ee isku dhacay.
Madaxweynuhu waxa uu saaka qof-qof u soo booqday dhaawaca ku sugan Cisbitalka Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu soo kormeeray waadhadhka ay ku sugan yihiin dhaawacyadii shilkaasi isaga oo soo arkay 4 askari oo iyaga ay xaaladoodu aad u culus tahay oo kuwaas oo ku sugnaa qolka gargaarka deg-dega ah ee cisbitaalka.
Ka dib madaxweynuhu waxa uu ku soo laabtay Qasriga madaxtooyada isaga oo lug ku yimid xafiiskiisa madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.
Waxa madaxweynaha ku wehelinayay Booqashada Wasiirrada Madaxtooyadda, Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.
Dhinaca kale Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey maanta Askartii ku dhimatay shilkaasbaabuur, kuwaas oo Aas qaran loogu sameeyey xabaalaha Naasa Hablood ee magaalada Hargeysa.
Aaskan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiinm Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxman C/laahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), Taliyaha Ciidamnka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, Masuuliyiin badan oo ka tirsan Ciidamada Dalka iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Masuuliyiintii aaskan ka soo qayb gashay oo xabaasha dusheeda warbaahinta kula hadlay ayaa waxa ay ILAAHEY uga baryeen marxuumiinta dhimatay inuu naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo.
Halbeegnews/Hargeysa Office.
This post has been viewed 354 times.











