Muuse Biixi: Samaroon wuxuu ogyahay inaad ku dishay i soo raac anoon kula tashan. Dad aan w axba galabsan oo badan iyo xoolaba xaq darro ayay kuugu maqan yihiin. Dulmigaa oo dhan samaroon wuu iska illowbay. 1993, markii SNM is cuntay ciddii u soo gurmatay waxay ahayd samaroon. 5 bilood buu xoolohoogii kugu dhammeeyay dawladna kuu sameeyay. Abaalkoodii aayay? 
Mashaariic iyo maamulba waad ka qadisay. Sidaana wuu kugula joogaa ilaa maanta. Intaa waxa dheer dhagar aad soo maleegtay oo foolxun baa maanta 14 qof ku maqan yihiin, Kalabaydh iyo Seemaal ….. Taana way aasantahay welina dulqaad iyo garad baan ku fadhiyaa. Adna doqonniimaad u haysataa.
Abaalaawe, caqli laawe ina Biixi. Geesigii, Mohamed Haji Ibrahim Cigaal ee geedka kugu xidhay, nasiib darro maanta aakhiruu jiraa. Ilaahay u ha naxariistee inaad badow waalan tahay buu arkayay. Cigaal jawaabtii uu ina cumar Gheelle siiyay waa la wada ogaa. Waxay ahad cod ka baxday BBC london waxanu yidhi, “ dadkii Zeilac caanaha gadhoodhka ah iyo canbaaburka ku cuni jiray waa kuwa qaxootiga ku jooga xeryaha Dharwanaaje iyo Aw Barre”. Markay murmeen waxa kaluu ku yidhi, “ walaalayaal reer Jabuutow, ha noqonnina kaneecadii maroodiga ku tidhi, waan kaa dul kacayaa ee is xajji .”
Baaq ku socda waxgaradka Beesha Isaaq: lama hadlayo siilaanyo iyo maamulkiisa. Waayo? Siilaanyo waa ninkaa sariirta saaran ee lagu dul shaqaysanayo. Talona faraha uguma jirto waanad ogtihiin.
Horta Zeilac maaha in Jabuuti laga xukumo. Mana aha degmo ka duwan degmooyinka kale ee waddankan. Waxa faraha kula jirana waa Jabuuti. Talo la’aanta Siilaanyo ayaa soo gelisay inuu ina Cumar Ghelle ka taliyo qayb waddankan ka mid ah.
Siilaanyo iyo Amina waris waxay kala saari waayeen Dahir Rayale iyo dadweynaha samaroon. Waan ognahay Dahir inuu ku gardarrooday gabadha Amina waris. Hase yeeshee, garaadkdii uxuu tusay Samaoon. siilaanyo maamul bay isku haysteen. Qoyskan siilaanyo waxanay weli ka gudbin markii ay mucaaridka ahaayeen. Si kastaba ha ahaatee garaadkoodu waa kaa aargoosi samaroon ku ururay. Dahir waa qof, Samaroonna naf uma hayn ee godbuu kaga tegay, colaad nacasnimana wuu u abuuray. Waa kaa siilaanyo iyo Amina waris samaroon ka hahi waayeen.
Cadhadii qoyska siilanyo iyo xulafadiisu way indha tirtay, Waxay maraysaa inay:
1. la shuraakoobaan ninkii inuu somaliland dumiyo geed dheer iyo geed gaaban ba u fuulay oo ah Ismaciil Cumar Gheelle.
2. Waddanka qayb ka mida Jabuuti laga xukumo
3. Colaad iyo dagaal laga abuuro waddanka gudihiisa
4. La fogeeyo oo abaalkooda la lumiyo dadkii somaliland dhibadda u taagay
5. La fidneeyo dad baaxad, dhakhli, daryeel iyo dan u ah jiritaanka waddankan.
Somalidu waxay tidhaa “ Nin naagi waddo iyo Awr, Awr kale wadaan midna kaama baydho. Labada naagood ee dabka la wareegayaa, Amina Waris iyo ina Xayd ayaa nabadda fogaynaya. Saaka aroortii ina xayd Jabuuti bay ka soo duushay oo Berbera timid degdegna u noqotay. Maxay keentay? Waa dhagar….!! waa tii quraanku sheegay..Xammaalatul-xadab. Qori daba ayay la wareegaysaa.
Dardaaran waxgaradka Isaaq: waan soo aragnay inaan ninna xoog lagu xukumi karin,dhulkiisana laga qaadi karin. Runta ha loo kaco hagardaamada iyo beentana hala diido, Xaqana yaan laga aamusin. Sidaas baa dadkeena iyo dhulkeena dan u ah.
1875kii, Khaliif Ismacil Basha oo Masar ah wuxuu Turkiga kala wareegay xeebaha somalida woqooyi ay ka mid ahaayeen: Zeilac, Berbera, Bulaxar. 1883 Masar dhaqaale xumo awgeed waxay go’ansatay inay xeebahaa dawladda Ingiriiska u wareejiso. Khaliif Ismaciil wuxuu ka maarmi waayay inuu arrinta Zeilac kala tashado Ugas Nur Ugas Roble. Markab buu u soo diray Ugaaska, ina adeerkii Elmi Warfa, iyo Suldaano kale oo Qahira arrinkan u tegay.
2. Zeilac waa xaruntii Boqortooyada Ingiriisku iyo Suldaanada Samaroon heshiiska kula saxeedeen markay taariikhdu ahayd Disambar 11, 1884 . wakiilkii Ugaska Gadabursi, Elmi warfaa iyo Salaadiinta Samaroon heshiiskii taariikhiga ahaa, The Gadabursi Treaty, ay kula saxeedeen Boqortooyada Ingiriiska. Taariikhdaa fog ilaa maanta waa xarun samaaroon.
3. Ragga xoolaha iyo ganacsiga baaxadda wayn ku leh waxay ahayeen; Haji Diide,Haji Kamal, Haji Khayre, Haji Kuul; Haji Boodhle; Haji Roble; Haji Cali Balool; Haji Cabdi; Haji Diini. Raggaasi dhammantood waxay ahaayeen Gadabursi tafiirtoodiina maanta wax badan baa ka nool. Guriga uu degenaa wakiilka Ingiriiska ee Zeilac waxa ka kireeyay Haji Diide. Lama illowsana Xaji Diide waa ninkii Djiboutida maanta jirtana dhidibadda dhisay.
4. 1959kii Gobanimdoonka Somalida Woqooyi ayaa bilowday. Samaroon wuxuu bilaabay in 33kii kursi si caddaalad ah loo qaybsado. Xisbigii USP ayay odayada Awdal beesha Ciise ku soo dhoweeyeen waxana loogu ballan qaaday 2 kursi oo ka mid ah 5tii kursi ee Awdal. reer Awdal iyagaa u gartay una gooyay reerka Ciise labadaa kursi oo Zeilac loo daayay.
5. Labada kursi weligood intii dawlad Somaliyeed jirtay looma codayn jirin laba sababood awgeed: 1. waa la ogaa inaan ciise cod bixin ku soo baxayn. 2. Dadka ciise ayaa midnimada somaliyeed lagu soo dhawaynayay. Ninka la yidhaa cumar cismaan weligiiba sidaas cod la’aanta ah buu barlaamanka ku iman jiray iyo kolba ninkii kale ee ciise soo dirto.
6. Sooryayntii iyo soo dhowayntii samaroon waxay keentay inuu Ciise sheegto dhul aanu weligiina degin. Maantana Siilaanyo oon dhul iyo dad midna garanayn bay hoos ordayaan, beenna u sheegayaan.
7. 2003 Geeridii libaaxa,Mohamed Haji Ibrahim Egal, Alla ha u naxariistee waxay albaab u furtay Ismaciil Cumar Ghelle oo bilaabay inuu iibsado Dahir Rayale. Dahir wuxuu Mayor iyo Badhasaab jeebkiisa ka sameeyay zeilac.
This post has been viewed 795 times.






