Anagoo ah Xubno ka midda jaaliyada Gobolka Saaxil ee ku nool wadamada Sweden Iyo Ingiriiska kana tirsan Jaaliyadaha Somaliland wadamadaasi Yurub Degan, Waxaanu hambalyo u dirayaa Mudane Cali Maxamed Cilmi Xilka cusub ee loo magacaabay, xilkaas oo ah Badhasaabka Gobolka Saaxil , Md Cali Maxamed Cilmi waa nin ku caan baxay hawlkarnimo iyo karti, waxaana ka marag kacaya hawlihii faraha badnaa ee uu u qabtay gobolka Saaxil Magaladiisa Berbera sida Mashariicdii, Dhismayashii, Garoonkii Kubada cagta , wadooyinkii , iyo qurxintii Magalaadaasi oo ahayd mid laga hayaamay oo ahayd maskaxdii horumarkaasi waday(Xoghayaha D/Hoose ee Berbera).
Waxaan leenahay baal dahab ayaad kagaga jirtaa gobolka Saaxil , horumarka aad samaysay cid weli gaadhay rikoodhkaa ma jirto, taas oo aad ku kasbatay in laguu magacaabo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil
Anagoo kala ah dadka magacyadoodu,
1.Ganacsade, Mustafe Adan Shanle.
2.Dr, Mustafe Nuur Shide.
3.Aqoonyahan, Fariid Diiriye Nuur.
4.Siciid Xasan cali Henry.
5.Maxamed Dhalanteed.
5.Aadan cawl.
6.Ina Meheriye.
7.Yaasmiin Cismaan Axmed.
8.Dr, Farduus Adan Shanle.
9.Layla Xuseen Muxumed.
10.Mukhtaar Adan Shanle.
11.Jaamac Axmed Weere.
12.Abdi-Xakin Adan Shanle.
13.caydarus xuseen Diiriye.
14.Maxamud cabdilaahi .
15.Samiira Xuseen Awmuxumed.
Geba-gebadii waxaan halkaani ugu hambalyeynayaa Md, Cali Maxamed Cilmi jagadii loo magacaabay oo ah mid uu aad iyo aad wax badan ugu badali karo Gobolka Saaxil, waxna ugu qaban karo Bulshada Gobolka Saaxil oo uu horumarkeeda shahaado sharaf ku qaatay , iyadoo maanta aad loogu baahan raga Md, Cali oo kale oo aqoon wanaagsan u leh ka shaqaynta horumarinta iyo habeynta mashariicda Gobolka faaidada u leh.
Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo,
Waxanan u rajeynayaa inuu ilaahay la garab galo xilkaasi muhiimka ah, isla-markaana uu
wabilaahi towfiiq
By , jaamac Axmed
Gotenborg/Sweden
This post has been viewed 178 times.






