Aniga oo ku hadlaya afka dhamaan shacabka Somaliland, kayga iyo cid kasta oo jecel dadnimada waxa si buuxda u taageerayaa Xaqa Shacabka reer Borama ee xalaasha ah iyo dhallinyarada ah difaacayaasha qarannimada iyo jiritaanka somaliland ee lagaga soo duulay Jibouti ee ay horkacayaan koox yar oo dhuuni qaatayaal ah oo waxoogaa beesado ah ka qaata Ismaaciilka Jibouti.Waxba kama jiraan Hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, mana jiro cid heshiis ku geli karta ama cid siin karta taako dhul ah oo ka mid ah ciidda somaliland haddii ay Zaylac tahay iyo meel kale toona, suura galna ma noqon doonto in ay keli ku noqdaan shacabka reer Awdal difaaca qarankan iyo ciidiisa, waxa loogu baaqayaa cid kasta oo jecel jiritaanka iyo qarannimada Somaliland inay kala qayb qaataan dhallinyarada reer Awdal difaaca dalka iyo dadnnimada.
Waxa aan si gaar ah halkan Tacsi u marinayaan dhamaan shacabka Somaliland xasuuqii ka dhacay magaalada borama, waxa aan si gaar ah oga tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabadii ay dhallinyartaasi ka shahiideen, ciidankan ku dhugtamaya dhallintana waxa aan leeyahay waa la idinla xisaabtami doonaa Xukuumadda Somaliland ha u hiiliso shacabka ay xilkooda hayaan halka ay nin aan dan dal iyo mid dad toona wadin la safanayso.
Golaha degaanka ee Zaylac waa la mid Golayaasha kale ee daaya waxii ku soo baxay doorashada
Madaxweynaha waxa aan leeyahay madaxweyne doorasho ayaad kursiga ku fadhidaa ee sharciga
u hiili oo faraha ha laga qaado golayaasha shacabka codkiisa ku soo baxay.
Ibrahim Duale Sulaiman
This post has been viewed 281 times.






