Weedhsame Abwaan U Qalma Bilad Dahab! Qalinkii: Mubaarik Maxamed Careef

Posted by on Dec 30th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Xasan Daahir (Weedhsame) wuxu ku dhashay Kala-Baydh September 1982. Waxbarashadiisii hoose iyo dhexe wuxu ku qaatay dugsiga Sheekh Muxumed Warsame, Gabilay, 1991 – 1999. Waxbarashadiisii dugsiga sarena wuxu ku qaatay dugsiga Tima-Cadde 1999 – 2003. 2003 – 2005 wuxu ku biiray barnaamijkii STEPS ee jaamacadda Camuud, oo ah “Strengthening Education in the Public Sector” ee lagu tababarayay macilimiin heer dugsi sare ah halkaas oo uu ku soo dhamaystay Diplomana ka qaatay macalinimada xisaabta iyo Pyhisics-ka. 2005 – hadda, wuxu macalin ka yahay dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa.

Taariikhdiisa hal-abuurnimo

Waxay ahayd subax hore abbaaro sagaalkii 19 October 2000, oo lagu ballaysimay ama bilaabay markii dambena la caadaystay xuskii Tima-Cadde oo ay soo qabanqaabin jireen ardaydii dugsiga sare ee Tima-Cadde. Barqadaasi, marka laga yimaado xusuusta ay ku reebtay abwaanka quruxda dabeecada ee ay abuureen buuraha ku gedaaman dugsiga iyo doox mara meel aan ka dheerayn dugsiga oo todobaadka oo dhan intuu roob jilbaha dhigay dhirta iyo xamashka uu dharab ku yuururo, waxa mar keliya dhegaha dadka ku waabariistay:

Maahmaah gabawdaa
Odhanaysay gaajada
Looma geedo daaqee
Guntigaa la giijaa
Gacantoo la hoorshoo
Gini-gini aad qaadana
Waxa kaaga guul roon
Adoo gudin ku xoogsada

Tuducan hal-maceedka ahi wuxu ka mid ahaa maansadii Gurmad oo ahayd maansadii ugu horreysay ee Weedhsame masrax ka jeediyo. Gurmad waxay hoosta ka xarriiqday bilawgii taariikhdiisa hal-abuurnimo.                                                                                                                Inta ogaalkayga ah Weedhsame qoyskiisa kumuu jirin qof leh hibada hal-abuurnimo. Tanna waxay mugdiga ka saaraysaa inay maansadiisu tahay hibo rabbaani ah ee aanay ahayn mid hawli keentay ama hidde ciriq ku leh.                                                                                                                             Wixii maalintaa ka dambeeyay wax lala yaabo may ahayn in la arko midho iyo maanso cusub oo Xasan ka tiriyay waayaha ku xeeran isaga iyo mujtamaca kaleba. Waxa hubaal ah in maalin walba waayaheega leedahay. Hal-abuurkuna awood u leeyahay inuu u turjumi karo hab dadku fahmi karaan. Halkaas waxa si wanaagsan u dhigay oo yidhi:

Nafta oo beraad li’i
Hadba baga tidhaahdiyo
Bishimaha Eebbe kuma jaro
Ninka yidhi run badanaa
Ma afkayguu kala baxay

Waxa xiiso badan in duruufaha iyo waayaha qaarkood cariyaan deeq uu Ilaahay Xasan ku galladay. Waa “gole-ka-fuulnimada: abwaanka oo isagoo aan dhinacaa iyo dhinacaa toona deyin sii daaya gabay ama maanso”.

maansooyinkiisu waxay taabanayaan dhinacyo badan oohaldoor ah sida diinta iyo akhlaaqda, musuqmaasuqa iyo dawlad wanaagga, nabadda iyo horumarinta, aadminimada, iyo dabcan arrimaha qoyska iyo jacaylka. Maansooyinka Xasan waxa xaaraan ka ah:

  • Qof necbaysi iyo qofaf necbaysi
  • Biidhi qaatenimo
  • Gabyahan gurinimo

Aqoonta aan u leehay Abwaan Xasan waxay ii ogolaanaysaa inaan ku tilmaamo nin xilkas ah, dulqaad badan, oo indheer garadnimo iyo odaynimo isku darsaday. Xasan iyo inta la midka ah ee da’da yar isla markaana hibada hal-abuurnimo leh, waxa ku nafisi doona ciddii inuun ka werwersanayd beddelka abwaanno waawayn oo hore oo geyigeena dhib iyo dheefba kala soo dabbaashay, haatanna u badan wax gaboobay iyo wax geeridii Alle u timi.

5.maanta iyo Xasan  Daahir

Suurto gal ma aha in maqaal iyo qoraal  lagu soo tebin karo maansooyin 30 kor u dhaafay oo tii la soo qaadaaba tii kale tahay. Waxase aan isku dayaynaa inuu abwaanku soo bandhigo qaar ka mid ah oo hal-door ah. Waxana ka mid ah:

  • Suur: Akhlaaqiyaadka iyo anshaxa
  • Saddex goor xaq mudan: Hooyada
  • Dugyar: Siyaasadda iyo doorashooyinka
  • Filan-waa: Guur fool lumay
  • Ma Hadho: Musuqmaasuqa
  • Xabagbarsheed: faayo gabdheed

 

 

 

 


This post has been viewed 500 times.

Categories: Opinion
Tags:

1 Response for “Weedhsame Abwaan U Qalma Bilad Dahab! Qalinkii: Mubaarik Maxamed Careef”

  1. walalaahi asxaabeey waxaaan umalaynayaa uinaanu jirin abwaaan laa dhigmaya sanadadan

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright