Marka hore waxaan jeclaan lahaa in aan salaan qaaliya u diro dhamaan saxaafada Somaliland meelkasta oo ay dunid ka joogaan aniga oo ugu hambal yaynaya xilka ay u hayaan umada ee ah horumarka iyo wararka ay had iyo jeer u heelan yihiin sidii ay uga haqab tir lahaayeen dadkooda iyo dalkooda labadaba .
Hadaan maqaalkayga manta usoo laabto ,waxaa jiray maqal aan qoray wakhtigii ENG:MAXAMED XAASHI xilkaas laga qaaday oo aan dawlada ku dhaliilayay xil ka qaadista maxamed xaashi .
Taasi macnaheedu maaha in aan c/casiis dhaliilayo laakiin waxaa la ogsoonaa in maxamed xaashi ahaa nin daacada oo xilkasa ana wixii dawlada aan u arkayo in ay ku khaldanayd ayaan waxka qoray .
Hadaba intii uu wasiir samaale xilka hayay umada reer Somaliland way ka dhul sugayeen waxa uu la shir yimaado wasiir samaale ,se waxaa wax lagu farxo noqotay in uu xilkaasi uu qaaday masuuliyadiisa kasoo baxay oo shalay uu barlamanka hortiisa ka jeediyay miisaaniyad aan hore dalka loogu arag ,waxaynu odhan karnaa samaale kama baydhin wadadii ina xaashi oo uu hore u balan qaaday sii haynteeda .
Waxa kale oo aan ku hambalyay nayaa dawlada oo shalay sheegtay in ay qaadan doonaan ilaa 1500 oo ardayda jaamacadaha ka baxaya in ay shaqaalaysiin doonaan sanadkan soo socda 2013 insha allah .
Waxaa ismaydiin leh ilaa intii ay wadanka ka dhaceen doorashooyinkii deegaanka oo la aamin san yahayn in khalad badani ku jireen dadku waxay kala garan waayeen waxa wanaagsan iyo wixii xun ,taasi macnaheedu waxaa weeye adeer hadii kulmiye xumaado xukuumada waxqadbad keeda ma wada xuma .
Way jiraan waxyaalo aad u badan oo doorashaasi lagu dhaliilay ani dadka dhaliilay ayaan ka mid ahaa laakiin hadana taasi in ay ina dhaxalsiiso maaha in waxqabadka la dafiro .
Waxaan hore u idhi hadaanu nahay ardayda jaamacada ee dalka wax ka dhigata (wixii wanaagsan waanu hambalyay naynaa wixii wuna waanu cambaaray naynaa ).
Manta xaalka uma deenu wuxuu marayaa in la garan waayo waxa wax lagu qiimeeyo marka laga reebo ta aadka loo yaqaan ee ah nin jeclaysi iyo qabyaalad , markaan xalkaa marayay waxaan xasuustay markii uu nabigu dhintay (cws) ragii diinta ka baxay waxaa ka mid ahaa qabiilkii la odhan jiray reer banii xaniifa oo uu ka dhashay masaylama kadaab cudurka ragaa hayayna wuxuu ahaa qabyaalad kadibna waxay halhays u lahaayeen (walaahi waanu ognahay inaanu nabi ahayn se kaadibka reer banii xaniifa ayaanu ka jecelnahay runsheega reer quraysh ).
Ilaahy ha inoo sahlo manta xaalkeenu waa kaasoo kale .
Wadankana reer malaha qabiil malah , xisbi malaha ee wadan la wada leeyahay waxaana muhiima in qabyaalda ugu hoosaysa laga dhigo Somaliland .
Guntii iyo gabagabdii wasiirka wasaarad maaliyada C/CASIIS MAXAMED SAMAALE waan umad celinaynaa waxaanan leeyahay hadaa sidaa wax u wado taariikhdu way ku qori hadii kalana way ku qori , cidkasta oo wadankan jecel wax in uu noqdo waanu jecelnahay cidkasta oo neceb ilahay qalbigiisa ha saafiyeeyo .
Guleid Ahmed
This post has been viewed 212 times.






