Magaalooyinka Gaalkacayo Iyo Burco Maxay Ka Simanyahiin

Posted by on Dec 29th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

gaalkacayoLabadan magaalo ee Burco(Togdheer) iyo Gaalkacayo(Mudug) waa laba magaalo oo wadaaga sifo yaal badan kuwaasoo ah dhinaca dadka iyo dagaalo sukeeye oo magaalooyinkan ka dhacay una kala qaybiyey min laba 1.Burco Galbeed iyo Bari sidoo kale 2.Gaalkacayo Waqooyi iyo Koonfur .

GAALKACAYO                                                                  

Hadaan ku horeeyo magaalada Gaalkacayo, waa degmo ku taala bartamaha dalka Somaliya,waxayna tahay magaalo madaxda gobolka Mudug,Gaalkacayo waxa maamula labada maamul-goboleed ee kala ah Puntland(qeybta waqooyi ee Gaalkacayo)iyo Galmudug(Qeybta koonfureed ee Gaalkacayo) waana magaalada labaad ee ugu weyn Puntland iyo magaalo madaxda Galmudug.Gaalkacayo waxaa dega oo awood xoogan ku leh qabiilada Majeerteen(Cumar Maxamud),Leelkase,Carab saalax,Surre iyo Habar Gidir oo Sacad ah degana koonfurta Gaalkacayo.
Qiyaasta dadka ku dhaqan Gaalkacayo waxa lagu qiyaasaa 500,000 oo qof.
Magaalada Gaalkacayo waxa ka dhacay sanadkii 1991-kii dagaalo sukeeye oo u dhexeeyey beelaha walaalaha ah ee Daarood iyo Hawiye waxaana magaaladu amaan noqotay 1993-kii oo dadkii dagaalkaas ka barakacay ay dib ugu soo noqdeen magaalada.
1998-kii ayaa ummada ku nool waqooyiga Gaalkacayo waxay nasiib uyeesheen inay ay qayb ka noqdaan maamulkii Puntland halka waqooyiguna 2006kii noqdeen Galmudug.
Bari samaadkii dadka ku nool Gaalkacayo waxay ahayeen ummad isku duuban oo gartay in ay yihiin dad walaalo ah oo ab iyo ood-wadaaga dhammaan dadka magaaladuna waa dad tol iyo xiddid wada ah ama inan iyo abtigi waana sababta xili loo bogay wada shaqeynta iyo nabada reer Gaalkacayo loogu yeedhay mataanaha Mudug hadaba waayadii danbe xaalku wuu is bedelay waxaana  saameyn ku yeelatay caadifada qabyaalada oo ah cudur kasoo horjeeda midnimada iyo wada shaqeynta bulshada.
Akhristaw Su’aal maxaa keenay dagaalkii sukeeye ee Gaalkacayo ka dhigay labada qeybood iyadoo ilaa hada ay wali taagan tahay arrimaha ah afduubka iyo is ugaadhsiga udhexeeya labadan ummadood??
Yaa ka shaqeeyey balaayadan madaw ee ku habsatay mataanihii Mudug?
Hadaan isku dayo inaan si qoto leh uga jawaabixiyo weydiimahan waxay noqonayaan sidan;
Meel kale lagaga ma soo duulin reer Gaalkacayo ee waxa looga yimid dhinacaa iyo xukuumadii haraadiga ahayd ee kacaanka ogtoobar la odhan jiray taasoo ummadan kala irdhaysay kadib markii ay ku kacday eex iyo qaraabo kiilkii ay kooxdani caanka ku ahaayeen,  Maxamed Siyaad Barre iyo kuwii kursiga kula shuraakawbay ayaa kowka ah cida beertay geedka suntan ah ee ummadan lagu kala fogeeyey.
Qorayaasha Somalida  qaarkoodna waxay iyana ku doodaan in qabyaaladii iyo eexdii Siyaad Barre ku kala qaybiyey Gaalkacayo uu Cabdillaahi Yuusufna uga dambeeyey.
In badan oo kamid ah waxgaradka,aqoonyahaniinta iyo culuma awdiinkuba waxay aad iskugu hawleen in bal mustaqbalka la helo dad midaysan balse dawlad la’aantuna waxay sii badhi taartay aafadii qabyaaladii rajiim Siyaad alifay.
Ogaw akhristaw taariikhda uu dhacay dagaalkii lagu riiqmay ee Gaalkacayo 1991-kii waa xiligii dawladnimadu seetada goosatay,haa waa run in dalkoo dhan gees ka gees dagaalo sukeeye ka bilaabmeen laakin dagaalkan degmada Gaalkacayo wuxuu daarnaa oo uu salka ku hayey cadaalad daradii,xumaantii,dadqalnimadii iyo qabyaaladii qaawanayd ee ummada ay badeen xukuumadii 21sano dalka ka shaqeynaysay ee Siyaad Barre.
Magaalada Gaalkacayo waxay muddooyinkii kala duwanaa ee dalku kujiray buburka hoy unoqotay mayd cid dishay aan lagaranayn,afduubka oo aan xad lahayn iyo is ugaadhsiga beelaha udhexeeyey iyo sidoo kale kufsi lidku ah xuquuqda haweenka somaaliyeed.
Qarkaa qar dheh qarka kalena aan adhiga usoo yara rogto ayaa laga hayaa inantii aroosada ahayd ee hawsha adhiga iyo arrimo iyada ugaara isku waday                         

Bal dhinaca kalena aynu isla eegno degmada Burco iyo ifafaalaha jira ee leh malaa Burco waxay ku dambeyn doontaa sida  Gaalkacayo hadaan alleh samato bixin samankan caalwaa………….
Waa inoo qormooyin danbe hadii alleh ka dhigo.

Qalinkii, Abdihakim Marrayare

Abdihakim_marrayare1@hotmail.com

Addis ababa.


This post has been viewed 404 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright