Taariikhda Al-ittixaad Soomaaliya….qaybtii saddexaad W/Q: Cali Coomay

Posted by on Dec 29th, 2012 and filed under Editorial. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

comayxubno ka tirsan al-ittixaad oo C\laahi yuusuf ay isku jilib ahaayeen ayaa ku dooday inaan la dilin, balse maxbuus  ahaado marka danbena la sii daayo. halka qaar kale ay aaminsanaayeen in la dilo C\laahi yuusuf maadama oo gacan ku dhiigle yahay. laakiin maxamed abshir la iska sii daayo maadamoonu wax dilin isagu. Doodd dheer ka dib waxay qaar ka mid ahi ay isku  raaceen in la soo daayo. waana la sii daayay C\laahi yuusuf, maxamed abshir iyo saraakiil dhowr ah. C\laahi yuusuf wuxuu doonyay in mar uun la sii daayo si uu dagaal aargoosi ah ugu qaado ururka al-ittixaad markii C\laahi yuusuf la sii daayay ayuu tegay garoowe oo si hoose ula shiray odayaashi dhaqanka waxaanu tusay inay al-ittixad ay khatar weyn ku hayso majeerteenka. kuwa hogaanka u hayana ay yihiin rag aan u dhalan gobolada majeerteenku degaan.

waxanu si hoose u urursaday ciidamo beelo ah, isagoo ka faa’idaysanaya dadka oo xoog u diidanaa al-ittixaad ka dibna waxa uu weeraray dagaalyahanadii ururka al-ittixaad waxaanu gebi ahaanba ka saaray garoowe. waxaanu ku baaqay in shacabku la dagaalamaan shisheeyahan ku soo duulay ee qabsaday dhulkoodii. baaqaasi ayaa kiciyey shacabkii majeerteen.

24 june 1992  C/laahi yuusuf oo wata ciidamo xoogan oo S.S.D.F weeraray boosaaso waxaanu dagaalku ka bilaambay meel aan ka fogayn boosaaso, waxa goobtaasi ka qarxay dagaal xoogan oo aakhirkii keenay inuu dagaalka ku adkaado C\lahi yuusuf waxaana u saamaxay guusha markii ay dhabar jabiyeen ciidamadii ururka al-ittixaad ciidan beeleed majeerteen ahaa oo iskood isku abaabulay. Ciidamadii S.S.D.F ayaa gudaha u galay boosaso, oo qabsaday kala badh magaalada, aakhirkiina waxay qabsadeen magaaladii. firxadkii ururka al-ittixaad ayaa qaar ku baxsadeen laashash, halk qaar kalen dhar iska badaleen .
Dagaalkii Gedo ee Al-ittixaad iyo itoobiya

Dabayaaqadii sannadkii 1996 ayaa ciidamo iitoobyaan ah oo farabadan, oo isla markaana wata gaadiidka dagaalka oo xaga cirkana ka tageerayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, ka soo gudbeen xuduuda ay wadaagan soomaaliya iyo iitoobiya. waxay markiiba qabsadeen dolow iyo luuq, waxay maalin ka dib weerareen saldhigii al-ittixad oo ku yaala gobolka Gedo meelo ka duwan. waxa markiiba bilaabmay dagaal qaadhadh oo dhexmaray dagaalyahano ka tirsan al-ittixaad iyo ciidmada lugta ee iitoobiya. dagaal culus oo socday muddo saddex cisho oo xidhiidh ah ciidamadii itoobiya ayey u suurtogashay inay qabsadaan goobo ka mid ah meelihii ay ku sugnaayeen dagaalyanadi ururka al-ittixaad. taasina waxay keentay in ururka al-ittixaad uu ka hadlo dagaalka,  iyagoo sheegay inay xeelado militari kaga baxeen dagaalka. balse aan laga qabsan goobo.

Ka dib dagaal rogaal celin ah ayay soo qaadeen ururkii al-ittixaad waxaana toos mar kale u bilaabmay dagaal muddo saacado ah socday, waxaana mar kale gacan sareeyeen ciidankii iitoobiya. guusha ciidankii iitoobiya ayaa lagu sheegay inay ka farabadnaayeen kuwa Al-ittixaad kana hub casrisanaayeen, waxa kale oo dhinaca cirka ka taageerayay diyaaradaha dagaalka oo duqayn culus ku hayay safafka hore ee dagaalka.
Dagaalkii saliid iyo laasqoray ee Al-ittixaad iyo S.S.D.F

Ciidankii ururka al-ittixaad oo laga qabsaday boosaaso iyo garoowe ayaa u soo dhaqaaqay dhinaca laas-qoray waxa kale oo iyana soo gaadhay ciidamo farabadan oo gurmad ahaa oo ka kala yimid laascaanood, burco iyo yeed . waxay u soo xamaan qaateen inay fadhiisin ka dhigtaan buuraha gobolka sanaag. muddo yar ka dib waxay ciidamadii al-ittixaad  qabteen General Cali Ismaaciil oo halkaas ka talinayay. dagaalyahano ka tirsan ururka al-ittixaad oo ku go’doonsanaa goobo halisa ah ayaa si hoose loogu diray hub waxaana loo saaray dameero,  ka dib markii ay heleen hubkii ayay weerareen ciidamadii jabhadda S.S.D.F oo ku hareersanaa. arrintii waxay noqotay in ciidamadii S.S.D.F laga adkaado, ka dib waxay ku biireen ciidankii ururka al-ittixaad ee dagaalka ku adkaaday kuwii ku sugnaa laas-qoray waxana isu furmay  ciidamadii ururka al-ittixaad ee kala qoqobnaa.

Ciidamadii S.S.D.F. ayaa weerar ku soo qaaday buuraha ay ku sugnayeen dagaalyahanadii ururka al-ittixaad waxaan bilabmay dagaal culus dagaalyahanadii ururka al-ittixad waxay la soo baxeen kaarto dagaal oo aany hore ugu dagaalami jirin. kaartadani waxay u saamaxday inay dagaalkii ku guulaystaan. kaartadan dagaal waxa laga soo dheegtay afgaanistaan.

Ciidamadii S.S.D.F ayaa xoog lagaga saaray goobihii ay galeen waxaana la baacsaday ilaa laga fogeeyo meelihi ay ka dagaalamyeen. Ka dib arrintani waxay mucjiso ku noqotay jabhaddi S.S.D.F oo iyagu aaminsanaa inay al-ittixad ay jabtay. waxay fursad siisay dagaalyahanadii al-ittixaad ee hore dagaalka ugu jabay, kuwaasi oo niyad ahaan uga soo kabanayey jabkii ka qabsaday garoowe iyo boosaso.

Dhinca S.S.D.F  waxay aad uga shakisnaayeen inaan ururka al-ittixaad si fudud looga adkaan karin, waxa kale oo jabhdi S.S.D.F  ku furnaa dagaalkii gaalkacayo oo ay kula jireen jabhaddi U.S.C ee General Caydiid hogaaminayey. waxay ay rabeen dagaalkan labada geesood kaga socdaa inuu mid  noqdo, si ay meel keliya xooga u saaraan. jabhaddi S.S.D.F ayaa heshiis dalbatay balse waxa ku gacan saydhay ururkii al-ittixaad. laakiin markii dambe ayey go’aansadeen in ciidamadooda kala diraan, taasaana keentay inay heshiis la galeen jabhaddi S.S.D.F.

nuxurka heshiiskasi waxa uu ahaa dhowr qodob. kuwa ugu muhiimsan ayaa ahaa :

  • In muddo bil ah lagu xalliyo arrimaha ciidamada
  • In dacaayada labada dhinac joojiyaan
  • Saxaafada in lagu faafiyo nabada la gaadhay
  • In al-ittixaad ay hubka dhigaan ciidamadooduna kula jiraan.

Qodobadaasina way hirgaleen arrintani waxay guul taariikhi ah u ahayd jabhadda S.S.D.F waxayna xoog sareen dagaalkii S.S.D.F kula jireen U.S.C ee ka socday Gaalkacyo.
Lasoco……………………………………………………………………………………………………………………………………………..

Cali cabdi coomay
calicoomay@hotmail.com
Suxufi, qoraa ah.
B.A in journalism
Hargaysa, Somaliland.


This post has been viewed 301 times.

Categories: Editorial
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright