Qaybtii 1-aad: Ninka Ugu Il-dheerba Dadka Ugu Ayaan Darran “Shallay Iyo Maanta Shallay Keligaybaan Ahaa Maantana Waa La I Dhaafay” Qallinkii Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba

Posted by on Dec 26th, 2012 and filed under Editorial, featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

“waxaa dhex yaalla kuraas qaaci ah waxay indhaygu qabteen Axmed Siilaanyo oo macawis cad oo uu xidhna intuu laalabatay meel bawdada iyo badhida u dhaw geeyey, dabadeedna marna kacaya marna fadhiisanaya waxaa hortiisa yaallay quraarad madaw, markii aan qoorta geliyey qolka ayaa nin meesha fadhiyey intuu soo booday wuxuu igu yidhi “inadeer dib u yar noqo”

“ninka odayga ah oo markii danbe iskugu kay sheegay magaciisa Cabdikariim Xinif ahaana xoghayahii maaliyadda ee xisbiga KULMIYE ayaa wuxuu si deg deg ah iigu yidhi “Odaygu cirku marayaaye dibadda inoo saar” .

London (Halbeegnews)– Akhristayaal qormooyinkani waxaan kaga hadli doona waayo dhab ah oo aan la soo maray inaan xaqa u hiiliyo, wacdiyadii iga soo maray, waxaan qormooyinkani kaga hadli doona dhacdooyinkii aan ku arkay Axmed Siilaayo, shakhsiyadiisu noocay ahayd, waxaan ku arkay, waxaana qaybta 1-aad ku bilaabmaysa sidani:diridhaba

Waxay ahayd qaboobahii sannadkii 2011-kii markii aan qallinka u qaatay inaan si adag uga hor imaado deel-qaafyadii iyo doc-wareenka Xukuumadda Siilaanyo, dabcan wakhtigaan ka hadlaayo akhriste Xukuumadda Siilaanyo waxay jirtay wax ku siman bilo guudkood waxay ku jirtay bilahii casalka loo yaqaano ama Soomaalidu u taqaano todoba baxa badanaana siyaasiyiintii ku hadli lahaa afka dadka aan codka lahayn ee reer Somaliland waxay ka door-bideen inaanay ula dhaqmin tawradda Siilaanyo ee dhalatay sidii ay iyadu ula dhaqmi jirtay ee aan xayaha iyo xishoodka lahayn mana jirin cid kaba hadli kartay ciddii hadashana waxaa loo haystay qof waalan iyadoo tawradda Siilaanyo isticmaali jirtay kelmadda ah “Mucaarid aan loo baahnayn”

Qormadii iigu horaysay ee aan qoro waxaan kaga dhiidhiyey markii qodobkii ugu horeeyey ee dastuuriga ahaa ay Xukuumadda Siilaanyo jabisay bilo ka dib markii ay xilka la wareegtay arrintaasi oo ahayd markii Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar uu maalin cad si badheedh ah u magacaabay safiiraddii dalalka dibadda halka dastuurka qarranku odhanayo xubintiisa 2-aad qodobkiisa 90-naad faqradiisa awoodaha madaxweynaha ka hadlaysa xarafkiisa R Madaxweynaha ayaa magacaabaya Danjirayaasha dibadda u fadhiya dalka.

Markaan arkay badheedhka ilaa heerkaasi gaadhay ee xukuumaddii Siilaanyo oo maalmo tirsan xilka haysa ay ku dhaqaaqday ee aanay xita ka xishoonayn ummaddii dooratay ee aanay xita eegayn hadaladii iyo hadaaqii hadhka beelay ee Siilaanyo iyo dirkiisu waagii ay mucaaridka ahaayeen Rayaale ku eedaynayeen dastuur jabinta ayaan go’aansaday inaan keliday dhexda u xidho inaan qallin iyo awood wixii aan ku difaaci karo ku difaaco sharaftii iyo karamadii iyo xaqii dalka Somaliland.

Qaboobahii sannadkii 2011-kii waxaa yimid magaalada London Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maalmaha xilka uun hayey wax bilo ku siman ujeedada safarkiisuna waxay ahayd inuu ka qayb gallo shir lagaga hadlaayey arrimaha Soomaaliya oo ka dhacaayey tuulo yar oo la yidhaahdo Steyning, oo ku taalla koonfurta galbeed ee dalka ingiriiska shirkaasi oo loo qabanaayey sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa qaranimadeedii waxaa iga dhaadhici wayday oo caqligaygu qaadan waayey, oo naftaydu hiiftay dalkii ay Somaliland 21 sannadood ka hor ay kala tageen ee aynu ogayn dhibtii iyo dharaarahii inaga soo maray in inagii wax tirsanaynay aynu kan-badhuudhsano oo qayb ka noqono shir loo qabtay kuwii wax aynu ka tirsanaynay wixii inagu dhacay ee dhiig qul-qulay ee xoogeenii iyo xoolaheeniinba ku burburay, ee weliba dafirsan qaranimadii iyo xornimadii aynu hellay ee aynu dhiiga iyo dheefta u huray.

Waxaa damiirkaygu qaadan waayey inaan arko dawladii berri iyo galbeed dalku u doortay inay ilaaliso sharaftooda, masiirkooda, qaranimadooda iyo jiritaankooda oo qarankii loo doortay ka dhigtay qayb ka mid ah Soomaaliya sida Galmudug, Puntland iyo wax caqligu ka yax yaxo.

Markii la ii sheegay inuu wasiirkii arrimaha dibaddu shirka ka qayb gallayo ayaan bilaabay inaan af iyo adinba is idhaahdo kaga hor tag, meeshii keliya ee wixii dhacay aan ku soo bandhigi karaayey waxay ahayd shabakad ka mid ah shabakaddaha Somaliland leedahay oo la yidhaahdo Hadhwanaagnews inaan ummadda reer Somaliland usoo bandhigo wixii dhacay nasiib darradu waxay noqotay in ciddii shabakadda mulkiyadeeda lahayd  la isticmaalo qoraaladaydiina laga tirtiro, Siilaanyo iyo wasiiradiisii waxay xoog iyo xoolo ku bixiyeen inaan qoraaladayda cid qorta la arag gudo iyo dibadba

Aniga waaga waxaa ii cada in maalinta Xukuumadda afarta maalmood jirta ee waxaa la ogyahay ku dhaqaaqaysa waxaa ka soo naaso cadina ay yahiin inay qarankii burburiso aan la eegin karin, waxaan xasuusta waagaasi dadku waxay ii haysten nin waalan, waxaa la ii haystay nin cadawga Somaliland isticmaalayo, waxaa la ii haystay Nin Siilaanyo ku neceb qabiil aniguna waxaan la yaabana waar ummaddu waxan aad arkayso maxay u arki laayahiin.

Waxaan xasuusta dharaaraha telefoono iyo farriimo  aanu isweydaarsan jaray shakhsiyaad ay ka mid yahiin Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamuud Raage Ibraahim, janaraal Taani, Jaranaal Jidhif, Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,   Abwaan Siciid Ilkajiir, Baashe Cabdi Gaboobe oo ahaa madaxii ololaha ee xisbiga KULMIYE  galbeedka dalka, Axmed Naasir Jibriil Faarax oo ah Mulkiilaha shabakadda Hadhwanaagnews, Boqor Cismaan Aw Buur Madaw, Suldaan Xasan Suldaan C/rraxman,Guddoomiyahii KULMIYE UK Dakhare iyo rag badan oo mudakar ahaa markaan arrimaha la soo qaado ee aan si gun ilaa baar ah ula hadlo waxay igu odhan jireen “Waxaad arkayso ma arkayno ee xukuumadda aynu dhinaca qabsano “  Siciid Ilkajiir isagu wuxuuba iigu henjabay inuu gabayo iyo geeraaro igu jawaabi doono haddii aanan joojin ka hadalka Xukuumadda Siilaanyo, Waxyaabahii iigu yaabka badna waxay ahayd markii shirkii London Siilaanyo aqbalay inuu ka qayb gallo ayaan la xidhiidhay niman wasiiro ah oo aan caqli ku oga waxaan ku idhi waar haddii midkiin khaldamo miyaydaan wax is qabta oo is dhaama oo Siilaanyo u caqli celiya lahayn ka ugu dhaw ayaa igu yidhi ama iigu jawaabay “Dawladda cidhifka la wada haystaaye cidhifkaaga hayso”

Waxaasiba Ha Isoo  Maraan Eh Maxaa Igaga Dara

Akhriste aan taariikhda dib u celiyo waa xagaagii sannadkii 2005-tii waxaan ku soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, xiisadda siyaasadeedna cirka ayey ku shareerantahay waaga waxaa taagna muran ku saabsana sidii loo qaban lahaa doorashada golaha wakiiladda Somaliland oo dhawr jeer dib u dhacday.

Maalmaha aan ka hadlayo waxaa xarunta xisbiga KULMIYE gudaha u gallay ciidamo hubaysan oo la sheegay inay ka raadinayeen gudaha xarunta qallab la sheegay in idaacaddii Siilaanyo samaystay ee Horyaal la odhan jiray, gelinkii danbe ayaan u raacay Guriga Siilaanyo Hargeysa ka degena niman siyaasiyiin ah waxaanay ii sheegeen inay iskaayo soo barayaan Axmed Siilaanyo, saacaddu waa 16:00 gallabnimo ku dhawaad gudaha guriga Siilaanyo waxaad mooda inay geeri ka dhacday waxaa dayrka dhex tuban tiro aan ku qiyaasay sodameeyo haween ah, waxaa qaarkood ay dhafoorka ku xidhanyahiin maryo jawiguna wuxuu u muuqday mid xiisadaysan.

Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo wakhtiga ahaa Guddoomiyahii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo marka aanu wada soconay ayaa igu yidhi “adeer bal iska sii yar fadhi aanu anagu ka horayno eh” balse Oday Xaashi oo ku ag dhawa ayaa yidhi “waar inanka soo dejiya waynu wada geliye” markii taladii la isku raacay inaan gudaha u raaco ayaanu gaadhigii ka degnay marka Axmed Xaashi Oday gaadhi yar oo kale ayuu wata gudaha ayaanu guri kaabado dhaadheer leh u koray, gurigu wuxuu leeyahay barande shaqlan, waxaa dhex yaalla kuraas qaaci ah waxay indhaygu qabteen Axmed Siilaanyo oo macawis cad oo uu xidhna intuu laalabatay meel bawdada iyo badhida u dhaw geeyey, dabadeedna marna kacaya marna fadhiisanaya waxaa hortiisa yaallay quraarad madaw, markii aan qoorta geliyey qolka ayaa nin meesha fadhiyey intuu soo booday wuxuu igu yidhi “inadeer dib u yar noqo”

Dabadeedna naxdintii ayaan dib u istaagay ninka odayga ah oo markii danbe iskugu kay sheegay magaciisa Cabdikariim Xinif ahaana xoghayahii maaliyadda ee xisbiga KULMIYE ayaa wuxuu si deg deg ah iigu yidhi “Odaygu cirku marayaaye dibadda inoo saar” .—–

Akhriste La Soco Qormada ta  Xigta Todobaadka Soo Socda

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)

London, UNITED KINGDOM

diridhaba@gmail.com


This post has been viewed 1057 times.

Categories: Editorial, featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright