Waxaan halkan ku darayaa baaqyada iyo camaaraynta isdabajoogta ah ee ku socota maamulkan macangaga ah ee aan madax iyo mejo toona kala lahayn. Maamul aan la garanayn waxa uu uga jeedo iska horkeenka bulshada reer Soomaaliland. Waa aragtaan maanta gobol aan qaylo dhaan ka taagnayn mi jiro, beelihii deriska ahaa ee walaalaha ahaa manta dagaal ayey qarka u saaranyihiin in ay isku dhuftaan, halkii aynu sagaashamadii taagnayn ayeynu taaganahay.
Maamulkiina waxa uu noqday maamul reer u taliyo oo dantii guud ee qaranba debeda u tuuray. Maamul tuuray wixii laga xishoon jiray, dhaqan loo lahaan jiray iyo kala dambayntii dawladnimo. Markaan dib u jileeco ururkii dib u xoraynta Soomaaliland ee uu hogaamiyaha ka ahaa Siilaanyo, imika ayuunbaan ogaadaay ama xaqiiqsaday wixii la sheegi jiray iyo sababaha carqaladeeyey halgankii . Waa aragtaanoo ilaa malinti la dhaariyey ilaa maanta dalku dagaal, iska horkayn, qabyaaladii oo la cadaystay, nin jeclaysi, iyo cadaalad daro ayuu ku jiray, walina socota.
Wasiiradii looga fadhiyey in ay danta qaranka u shaqeeyaan ayaa reero iyo dano gaar ah u xuubsiibtay, maqaal iyo labatoona laguma soo koobi karo cadaaladarada, qabyaalada la cadaystay ee wadanka aafaysay ee uu hormoodka ka yahay maamulkan dantii guud gabay.
Waa ayaan daro wadaadkii (Siilaanyo) loo hiiliyey ee doorashadii lagu doortay ee bulshada Soomaaliland u hanqaltaagaysay oo islahayd Siilaanyo wuu isbedelay oo maaha kii Jabhadii, oo imika khibrad ayuu helay iyo waayo aragnimo, dalka iyo dadkana wuxuu ku dhaqi doonaan cadaalad iyo horumar, maantaana waa aragaataan beelihii Soomaaliland oo dhami xabad ayey isla hor fadhiyaan, oo reer, reer aaminayaa ma jiro. Waxaanaan qaabaan in aanay fari ka qodnayn ujeedada uu maamulkani ka leeyahay wadankan.
Waxaan ku soo koobooyaa qoraalkan in kan ilaahay nabadgelyo inagu dhaafiyo, sharkiisana ina dhaafiyo iyo waxa ka soo fowle.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Axmed Maxamed Saleebaan
This post has been viewed 552 times.






