Marka hore waxaan halkan ka salaamaya warbaahinta xorta ah ee Somaliland oo si mug leh oo qaaya leh ugu heelan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogan inay ka haqabtiran wixii dhacdooyin ah ee dalka guud ahaan ku soo kordha , waxaan kale oo salamaya bulshoweynta Somaliland meelkasta oo ay jooganba.

Inta ka dib, waxaan qalinka u qaatay maanta inaan hambalyo la soo koobi karin hawada u mariyo labada geesi ee Berbera ( Ramaax iyo Abdalle) ee sida raganimadu ku jirto u diiday inay u guulwadeyan xukumada Silaanyo oo imika loo yaqaan NEW FAQASH ama Faqashta Cusub ee Somaliland qabsatay, kuwaas oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii ay Berbera u qaybin lahaayeen. waxaan leeyahay taariikhda ayaa idin qoraysa halka aad iska tagateen foolxumada, ducufiga iyo liidnimada uu siilaanyo gobolka la rabay isaga oo doonayay inuu farogeliyo sida ay doorashada maayorku iyo kuxigeenkisaba ay u dhacayso gobolka saaxil bulshada degana u kala qaybiyo, waayo haddii reerkiisa xita la doonayo kursi ma ahayn Silaanyo inuu awooda dawlada ugu ololeeyo ee waxay ahayd arrin u taalay golaha degaanka berbera oo ay qayb ka yihiin haddii ay doonanba waa u dooran lahaayeen. haddba, waxa ayaan daro ah in siilaanyo oo ah hogaamiyaha faqashta cusub in u tafoxaytay in reernimo ka door bido qaranimadii Ummada reer somaliland meel ay joogtba ku doortay.
This post has been viewed 628 times.







prof : saed A. du, ale maansha allah aad baan kuu salaamayaa waxaanan ka hellay fikirkaaga saliimka ah ee ku aadan siyaasada qarranka.
waxaan usoo jeedinayaa saeed duaale iska ilaali luqada aad isticmaalayso waayo wadanka xaq bay ku leeyihiin dadka aad sheegayso waana muwaadiniin berberana maaha meel qabiilee magaalo qaran degaankana wax bay kuleeyihiin oo gobolka saaxil dhinac bay kadagaan magaaladana hore ayaa loogu dagaalamay in dib loogu dagaalamo maha laakiin markii cigaal xukumayey dalka may caytamijirinee way ogolaayeen adiguna inaad ogolaato weeye markaaga in siilaanyo xukumo dalka hadii ay qaldamaana waa in lasaxaa laakiin inaad faqashkusheegto maaha waa qalad habarjeclona mamtalaan nimanka maanta dalka haysta ha ucaayin qabiil reer sheekh isxaaqa waa laga yaaba in qaar udifaacaan in siilaanyo yahay habarjeclo laakiin waa qalad inaad qabiil dhan aad caydo.