Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wa barrakatu

Waxaan salaan Sharaf iyo Qaderin mudan Hawada u marinayaa dhamaan bahda Saxaafada xorta ah, Gaar ahaan Shabakada Caalamiga ah ee Halbeegnews.com ee bulshada u sahashay in qof walba fikirkiisa iyo mawqifkiisa u soo gudbinkaro si aan xajiin iyo xamaasad lahayn.
GOGOL DHIG :-
Hadii aan U daadego Ujeedadayda aan manta Qalina u qaatay waxaad ka fahmikartaa akhriste Ciwaanka Qormada oo ah (NIN WIXII HUNGURIGIISA MARAY HIIFAY WAA QADAF ) oo aan gaar ahaan ula hadlaayo ninka magiciisa layidhaahdo Abdinazri Isse Macalin oo shabakada HADHWANAAGNEWS Thursday, December 20, 2012 ku daabacay Qormo lamagac baxday “Maayarka iyo Badhasaabka BURCO Siduu Ka yahay Ceeri-gaabo iyo Berbera??? by Abdinazri Isse Macalin”. suhaybciise-143@hotmail.com
DULUCDA QORMADA:-
Qormadan oo uu kaga hadlaayey A/nazri Habka maamul ee Gobolka Togdheer oo qaarkii isbedalay halka qaar kalena la dhawrayo isbedelkooda Maalamaha fooda innaku soo haya Ayaa u muuqata guud ahaanba mid uu Ka marin habaabay xaqiiqada jirta iyo Siyaasada iyo dhaqanka u degsan (4) Afarta Beelood ee wada dega G/Togdheer Gaar ahaan (2 da )Beelood ee iska leh deegaanka ugu balladhan ee Galbeed iyo Bariga Gobolka taas oo ka hor imanaysa Sharcigii ay ku heshiiyen Beelaha wada dega gobolka Togdheer Ka dib Dagaalkii sokeeyahay ee sida weyn u saameeyey Gobolkan.
Tan iyo markii Laga soo doogay Dagaalkii sokeeyaha ee mudada dheer ka socday Dalka gaar ahaan ku sii daba dheeraaday Gobolada Saaxil , Togdheer iyo Sanaag Ayaa Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer Ahna Caasimada Labaad ee S/land loo sameeyey Gudoomiye Gobol , Xoghaye Gobol iyo Maayir Degmo, Xoghaye Degmo masuuliyiintan ay dawladu ay ka soo magacdhabtay ayaa dhamaantood ka soo kala jeeday (4 ta)Beelood ee dega Gobolka Togdheer.
2002 markii doorashadii ugu Horaysay ee abid ka dhacda S/land Qabsoontay taas oo ahayd doorashadii Golaha deegaanka Ayaa waxa cod Aqlabiyad ah ku heshay maayirka degmada Burco Beesha Galbeedka Burco oo heshay 13 xildhibaan, islamarkaa maayir loogu doortay Mudane:- Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir) oo ka soo jeeda Beesha Galbeedka Burco (H.Y) , iyada oo beeshani Horena gacanta ugu haysay xilka Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo uu ahaa Mudane:- Cali Cabdi Hurre (Cali Bile)oo isna ka soo jeeday isla Beesha Galbeedka Burco.
Mudadaa wax yar kadib ayay dawladii wakhtigaa jirtay ayada oo tixgelinaysa Nabada iyo wada noolaanshaha Beelaha Ku dhaqan Gobolka Togdheer waxay xilkii Gudoomiye nimo ka Qaaday Mudane:- Cali Cabdi Hurre (Cali Bile) oo ahaa Gudoomiyihii Gobolka isla markaana waxa xilkii gudoomiye nimo lagu wareejiyey Mudane:-Cabdi Xuseen Dheere oo ka soo jeeday Beesha Bariga Burco (H.Jeclo) taasuna waxay Tusaale fiican u tahay cidda manta ku doodaysa Beel kaliya ayaa wada yeelankarta Gudoomiyaha Gobolka iyo Maayirka degmada, waxaan leeyahay ma waxa weeyaan qof dhashay intii ka dambaysay 2002 oo aan ogayn in maamulka Gobolku ku salaysan sanyahay Talantaali ama iska soo horjeed , Takale Hadii ay tahayba wax qaldan oo Caddaalada ka fog, markii aad qaadanaysay miyaad hilmaamtay mise waxay ahayd ciyi lasiiyey cid gaar ah?, waxaan u arkaa ama ay iila muuqataa inaanay meesha ku jirin sabab looga leexan karo wixii laysku afgartay Mursi somaliyed ayaaa ahayd (Balani Aabahaa ka wayn ama Axdigu Buuraha ka wayn)
Hadaba U jeedada aan u soo qaatay Halku dhegan ayaa ah mid si buuxda u taabanaysa Qormada uu walaalkay daabacay taas oo aan ku sifeeyey nin ilawsan wixii uu qaatay miyay xumaayeen mise way wanaagsanaayeen!?. ( NIN WIXII HUNGURIGIISA MARAY HIIFAY WAA QADAFE, HAREERBAABU ISAGA WEECIYAA WAXAAN HABOONAYNE) .
Waxa lamid ah Gobolka Togdheer oo isna Habka maamul qaybsi uu ku qotomaa nidaamka Beelaha dega Gobolka Maroodi Jeex iyo Caasimadiisa Hargeisa oo ah Xarunta Guud ee looga taliyo J.S/land .
Fiiro Gaar ah :-
Gobolada Sanaag , Saaxil iyo Awdal Hadii aan ka hadlo waxa jira sababo looga gaar yeelay Gobolada kale ee dalka taas oo ku salaysan Xaalada Ammaaniyo ta deegaan ahaaneedba .
1. Gobolka Sanaag iyo Caasimasiisa Ceerigaabo waxa halbeel loo wada siiyey maamulkeeda Guud (Badhasaabka iyo Maayirka) waxa saamayn ku yeelatay xaalad Amaan ee Gobolka, Guud ahaaan Gobolka Sanaag Ayaa waxa deegaankiisa wadaag (4) Beelood oo kala ah “Warsan Geli, Habar Yoonis , Dhulbahante ,Habar Jeclo” Beelahan ayaa Labo kamid ah ay sifiican u taabacsanaayeen qadiyada s/land Tan iyo wixii ka dabeeyey 1991 kii Halka Beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante aanay marnaba sibuuxda u taageerin Qadiyada S/land ee Gooni isutaaga ah, taas oo ay weheliso Xaalada Amaan ee Afarta Beelood dhexdooda oo aan fiicnayn (is aamin la,aan) iyo Dawlada S/land oo Xataa aanay gacantaba ugu jirinta inta Badan Gobolka Sanaag , ka dibna dawladu waxay door biday oo ay ku tiirsatay Beeshii ugu awooda badnayd Gobolka oo ahna mid ka mid ah labada beelood ee taabacsanaa Qadiyada Somaliland taasna ilaahay mahadi haka gaadhee waxay u eegtahay in imika lagu guulaystay oo Gobolku hada uu soo wadgelaayo gacanta J. S/land.
2.Gobolka Saaxil waxa jirta sabab aan la dhaafi Karin oo ah in Gobolka Saaxil Ay wada degaan (3) Sadex beelood halka Beel kaliya ay leedahay deegaanka Gobolka 70% Taasina waxay sababtay in Beesha Ciise Muuse oo ah Tan ugu Bad ay qaadato Labada masuul ee ugu sareeya Gobolka Saaxil , maadaama ay s/land aasaas utahay Habka dib u heshiisiinta Beelaha iyo Madax dhaqameedka
3.Gobolka Awdal oo ay wada degaan (3) Beelood ayaa isnaWaxa Aqlabiyada deegaan ee ugu Balaaadhan iska leh Beesha Sama-roon oo leh 85% halka labada Beelood ee kalena ay Qayb sadaan 15% ka soo hadhay .
Tusaale Uma noqon karaan gobolada la sheegay Gobolka Togdheer, mana jiro Gobol la sharci ah Gobol kale waayo Nabada iyo Dimuqraadiyada waxa maamushay Shacbiga reer S/land iyagoo u qaybsan Gobolo, Degmooyin iyo Qabaa,il ka dibna waxay ku heshiiyeen inay dhistaan dawlad Hagta ……. Ilaahay Mahadii.
Qalinkii :- Eng. C/samed X. Axmed X. Diiriye (Eng.Sanka)
Xaaji_diiriye@hotmail.com
This post has been viewed 303 times.






