Qarrankii Somaliland Waxaa Ceebeeyey Xukuumadda Siilaanyo Ee KULMIYE Xaalkuna Waa Baroorta Orgiga Ka Weyn Reer Saaxilna…. Qallinkii Rashidda Suleiman Jama

Posted by on Dec 24th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

penMaqaalkaygani waxa uu ka turjumayaa,, oo faah faahinayaa, lafa gurayaa,, waxa ka socda somaliland..wax jirana waan sheegayaa oo aan been ahayn, oo aan nin necbaysi ahayn, oo aan cidgarabsiin ahayn runtii soomaliland waxay shacabkeedu isku qanciyaan inta ugu badan in ay illaaliyaan nabadgeliyada ay ku naaloonayaan,  waxay uga tanaasulaan waxyaabo badan oo dhabar jab ku ah jiritaankooda nololeed waxay waxbadan ku illaawaan iyagoo dub u xasuusta noloshii loo soo maray nabadgeliyadan aan qofkeli ah gacantiisa ku keenin, waxay ilaabaan waxyaabo badan oo ka soomara cida xukunka u haysa oo ay isku  qanciyaan badanaaba mar hadii  xilku aanu noqonaynin daayimal abadan inagaa dooranaye aan u samiro waxii inagu dhaca mudadaa kooban ee ina soomaraysa.
Jacaylka aad jeclaato qof in uu maruun xukunka fuulo waxa ay ku tusaysaa waayaragnimo badan oo kaa qarsonayd waxay ku dhaxalsiinaysaa laba meselo labadaba masalo waxay sheegayaan,
1-qofka oo aanad aqoon ulahayn in aad ku barato xilkiisa uu markaa qabto ee aad u dooratay wanaag in uu ku yeesho
2- in uu xilkaa aad u dooratay xumaantadiisa lagu barto oo  lagaga tashado waxii laga yeeli lahaa arinkaas,
Hadaba waxa maanta taariikhdii somaliland halmar isku rogtay meel ceebaheeda iyo halka ay ku leedahay  dhaliilaha ay hal mar debeda u soo wada baxeen  mudadii koobnayd ee uu SIILAANYO  xilka hayay, waxa in badan umadu is waydiisaa
oo  ay isku qanciyaan waa oday gaboobay ama da’a ah ee waxa waalaya wiilal yar yar ,  waxaas iyo waxaan dhaamin aya laysku qanciyaa, waxa caalamka ka talin jiray hadana ka taliya qaar ka cimri dheer ka da’a wayn oo ka cilmi hooseeya waxay u taliyaan qoomiyado afafkoodu kala duwanyihiin, iyagoo siyaasad iyo dublamasinimo ku wada ayay u taliyaan.
Ama ceeb hakaga degaan ama sharaf iyo cisi hakaga degaane waa wax laga war qabo taas maanta taalaaanigu ma qabo rayiga ah siilanyo waxa uu garan la’ayahay waxyaabaha wadanka kasocda ee qaladaadka badan keenaya ee qabiilaysiga keenaya ee iska horimaadka keenaya ee shacabkii walaalaha ahaa nacaybak ku kala abuuray maanta  ee beelo beelo in loo shiro keenay ayaanu war ka qabin  waa wax aan maanka nadiifta ahi yeeli karin ama qaadan karin
Mar maaha,, oo laba maaha,, oo sadex maaha, inta soomaliland uu siilanyo minjaha u xaabinayo ee uu isku dayayo in uu waxba kama jiraan ka dhigo  DIMUQURADIYADII SOMALILAND, waxyaabah qaarkood waa wax laga xishoodo in umadu keligaa kusoo eegto, waxa muuqata arimaha uu siilayo wado in ay tahay doqonta usha agteeda kudhufo hadii ay garan waydan go’ga u geli  maaha maamulnimo,, maaha hogaaminimo,, maaha halgamaanimo, xitaa maaha oo ma odhankaro cid gaarah ayuu necebyahay ninkan odayga ahi,  sikastaba waxa uu wax isugu deyeyaa la joojiyaan banaan la jiifiyaan banaan, oo aan uga jeedo  dadkani dhinicii loo eryaba way qaataan ee sidaad doonto ka yeel laakiin tani maaha tii layeeli jiray somaliland waxa aad ladamacsantahay kaa yeelimayso,  QABIIL WAAD KU EEGTAY OO dhawr meelood ayay kaag suuro gashay markii aad aragtay in qabiilkii  kuu hirgalay ayaa waxa aad doontay in balamo hore loo faa fiyay oo madaxdhaqameedka qaarkood ka dhawajiyeen oo ahayd balan aad cid lagashay in aad kaga dhabayso, aan kuyar hakano mansooyinkii hadraawi midkamid ah oo aan inyar ka soo qadano
-Hadaan suuban loodayn sumadeeda dhalshada
-kalasooca labdaas, sinji dooristeedaanxumaha lagasalgaadhan
-Hadii foolsab waabkiyo  
  lagu wado far iyo suul
  waxa aadmi solikara
   In siyaasad lagu furo nin kuseexday waa yaab,,,,
 
-Noloshuna kasamir iyo ha sabayso maahee 
 sifo lagu daryeeliyo suxul lagu ilaashyo 
 sacablagu horjoogiyo sunta malabka laga lulaydaa 
 hiyi lagu sarbeebaa,,  ,,,,,,,,
Tii hore way kuu hir gashay in aad fur furto somaliland DASTUURKEEDII, tii labadna WAY KUU HIRGASHAY OO AH QABIILAYSIGII aad somaliland dib ugu celisay, tasadexaad oo aad laba midkood qaadato in aad BEESHADA meelkasta ka soo jeediso oo ay kuu hirgasho hadii ladiidana aad QARANKA SOMALILAND ku burburiso waa labadaas meselo ta kuu taalaa.
Golaha deegaanka ee GOBOLKA SAAXIL maxuu kaga duwanyahay kuwa gobolada iyo degmooyinka kale maxuu nusqaan ah ee uu kaga jiraa GOBOLDA KALE IYO SOMALILAND DHAMAANTEEDAB, hadaba hadii aad hore ugu guulaysatay in aad maamusho qaybo hore oo aad ku najaxday halkan aad maanta ciyaarta dheer ka ciyaryso  jaan dheer ayaad ciyaarysaaye jiib baa lagugu jawaabayaa.
BADHASAABKA GOBOLKA SAAXIL, waxa uu xilkiisa ku wayay soo maaha yeel reerkayga, waa sharaf daro awalba aad shaadhkeeda xidhnayd balse waxa aad doonaysaa maaha xilkaas oo waa BAROORTU ORGIGA KA WAYNE,, REERKA CIISE MUUSE MADAXA ISU GELI OO ah ha kuu bananato jagadii aad doonaysay iyo IN SOMALILAND dagaal ka dhaco oo aad kordhsi raadinayso, labadaba hoo jawaabtooda.
1- Horta reerka CIISE MUUSE layidhahdo  way kadheertahay in maanta uu adiga awadaa isugu yimaado iyo cidkale toona  Maah maah somaliyeed baa waxay tidhaahdaa Ninba halkuu degi jiray dani ku haysataa, CIISE MUUSE maalintii uu ku arkay ujedadaada iyo  waxaad soo wado ayuu go’aankiisii meeldhigtay, siyaasada aad RAMAAX KAGA QAADAY XILKA ee aad XOGHAYIHII dawlada hoosena ugu magacawday xilkaas waa badheedh cadan ah oo aad weli xil ugu raadinayso ninkaagii,  hadaba ciise muuse Hal hadaf ayay taagan yihiin waana DAN IYO DUCO,  helinamaysid BERBERA waxaad ka wadana  kadhicimaayaan.
2- Korodhsiga aad rabto in  intuu SOMALILAND dagaal ka dhaco aad ku qabsato ama aad doorasho soo socota kaga sii ordayso  MAYA BAA LAGAA YIDHI ee waxa ku haysata LAACA ARAGTAYE LAAGA MA OGTAHAY, midkalena way ku haysata waxaan kuu shegayaa in aanay somaliland marlayba adiga SIILANYO AHAAN aan nina ninka kale qori u soo qaadan doonin oo aanu fikirkiisa ahayn ee aan kuu sheegay in adiga lagu odhan doono MUDANE XILKU WAA MEERTO, taas ayaan kuu sheegay , sababta oo ah waxaad tahayba waa lagu bartay.
Adigaana is cunay oo shaly markaad mucaaridka ahayd ee aad qaylinaysay waxyaabihii aad umada u sheegaysay ee aad ku dhawaaqaysay, waxa ku jiray hadalo xanaf leh oo dadku mudooyin iswaydiinayeen hadan waxa lagu illaawaayay waar maanta aan siino xilkaa xilkiina waxa uu dhalay TOLAY YAA REER HEBELAAY,, macal asaf waxa aan aad udiidaynaa oo aad nooga walaaciyay ceebaha somaliland iyo sumcadarada aad usoo jiidayso balse sug waxyar halkay kaag guurto adiga somaliland inta aad isleedahay adigu ka guur ,,,,
Waxaan ku soo gaba gabaynayaa  shacabka reer somaliland gudo iyo dabadba HALAQABTO SIILANYO  mid uu laqabiilyahay ayaanu rejo usoo wadin mid uu ka qabiil yahay ayaanu rejo usoo wadin  dhulkii iyo aradkii illahay somaliland u dhaliyay ayuu maanta doonayaa in uu cimritegey ceeb ugu sabootiyo ee  hala qabto oo  inbadan ayaa la dhawaaqay ee yaan maanta laga hadhin waxa uu wadaa maaha cid xil u doone waa waxkale doon
WABILAAHI TAWFIIQ
 
RASHIDA SULEIMAN JAMA
Sweden

This post has been viewed 534 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright