Magacaabista XAMARJE Mar Kale Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabay Badhasaabka Maroodi-Jeex, Ma HIIL Baa Mise Waa HAGARDAAMO? Qalinkii:Mubaarik Maxamed Careef

Posted by on Dec 22nd, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

weligay sed quudheed

anna qaadan maayoo

qalanjada faraha dheer

wax la qaybsan maayo…..hadraawi

Aduun yada nin noolow maxaa aragti kuu laaban ayay soomalidu ku  maahmaahdaa  waxaan xalay u qaadan igu noqday wareegto uu madaxweyne siilaanyo ku magacaabayay  badhasaabka gobolka hargaysa oo uu u magacaabay axmed cumar xaaji c/laahi ooo ku magaca dheer xamarje  oo ahaa badhasaaabkii hore ee gobolka hargaysa oo xukumadu ku eedaysay   in uu lunsday raashin caawimo ahaa oo dalka cumaan ay ugu soo deeqday dadka masaakiinta ah iyo agoomaha reer Somaliland, taasi oo uu mudo dhowr bilood ah uu xabsiyada Hargysa iyo Madheera ugu kala xidhnaa mu aamaraad laga soo abaabulay xafiiska samafalka madaxtooyada oo hoostaga marwada madaxweynaha.

Xamarji aaa xabsiga laga soo daayay dhawaan kadib markii waxba lagu waayay, taasi oo aan ilaa hada raashinkii la lunsaday oo ay madaxtooyadu kow ka ahayd aan sharciga la hor keenin, xukumadda Siilaanyo ayaa dugsanysa musuq maasuq, eex, qaraabo kiil iyo iyada oo dadka shicibka ah ee isyidhaa dareenkooda muujiya xabad la dhacda oo xasuuqda

Isku soo wada duuboo soo celinta badhisaabka gobolka Maroodijeex waxa ay cadaynysaa in madaxtooyadu ay iyadu farsamaystay raashinkii danyarta loo keenay, taasi oo ay horeba u cadayd in aan Xamarji aanu wax musuq maasuq ah iyo lunsi raashin uuna midna galin oo lagu wanjalaayay.

Hadaba  Magacaabista XAMARJE, Mar Kale Madaxwayne Siilaanyo u Magacaabay Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex, Ma HIIL baa Mise Waa HAGARDAAMO?

Hadaba markaan isku dayay in ay maskaxdaydu furfurto su’aashan kana baraan dagay ayaan ogaaday  in macaaabista xamarje  aanay ahayn HIIL se tahay HAGAR DAAMO  xidhay godkii maayarka caasimada hargaysa ama booskii maayarka caasimada hargaysa  heli lahaa eng yuusuf warsame siciid.

Qalinkii:Mubaarik Maxamed Careef

Hargeysa/Somaliland.Mubaarik Careef


This post has been viewed 728 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright