Maah maah soomaaliyeed ayaa tidhaahda (Geeljire geela waada jiraa hadana waa kala jiraa )
Ku darsoo Duqa gar adagow________Waxaanu haysanaa wiilal goba .oo diidi kara waxa adiga kula quman
Waa masuulkii labaad ee kasoo jeeda G/saaxil ee shaqaduu dawlada u hayey ka door baday inuu ka daadago kadiba markii la yidhi beesha madaxwaynaha qasab ku deegaamee………….thanks Ramax&Abdala
Waxaan caawa dusha kala soconay dhaqdhaqaaqa laga wado madaxtooyadu
Waxa hada wararka nasoo gadhayaa tibaaxayaan in xil kaqaadis iyo dib umagacaabid lagu sameeyey labada gobol ee isku xiga dimuquraadiyaduna ka hirgashay waa gobolka maroodi jeex iyo gobolka saaxil
Maroodi jeex waxa dib loogu magacaabay Ahmed A/laahi hamarji halka saaxilna xilkii laga qaaday badhasaab ramaax loona dhiibay xoghaye cali gadheer oo uu ramaax maamulayey intay xukuumadan cusubi jirtayba.Waan hubaa insha alaah markay reer beriberi bari kusoo toosaan cali gadheer ayaa idiin badhasaaba ,qaar way xanaaqayaan oo iyaguna fadhigay ka kacayaan oo waxay odhanayaan deeqda ilaahay lagama quustee mar haduu caligii mawliciga ahaa ee dawlada hoose ku lulaan jiray uu saakaba kursigii badhasaabkii oradka badnaa ku fadhiisanayo …………………cawralaay cago
Inta kale ee wax fahmaysaana waxay il dheer uyeelan doonaan in waxay xukumadan isku nuuga ihi soo wado inay Dacawo heeryaysanina xoghayaha dawlada hoose usoo magacaabi doonto .i
Hadal iyo dhamaan shacabka reer saaxil ee gobta ahi way ujedaan sida ay wax usocdaan ,bogaadin iyo qadarina way uhayaan hada badhasaab ramaax waxaanan filayaa inaanay labadaa shakhsi ee la isku a badalay isku karti iyo dadaalba ahayn ,hase ahaatee wakhtigaa xusi doona
Waxaan hadalka kusoo gaba gabayn doonaa ………….Hala feejignaado shacabyahaw gobta ahi sheekadu waxay maraysaa dhul duruge?
Prepared:Abdiqadir Yool
Down street London
This post has been viewed 1384 times.







good topic wa runta ninkan waalan dadkamiyo dalka halaga qabto.