Xukummadda Maanta Taladda Dalka Haysa Maxaa ka soo baxay? Qallikii Cismaan Cawad

Posted by on Dec 22nd, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Saddex arrimood oo  is-xukunka Africa naafeeyey ayaa ka muuqda xukummadda Mudane Axmed Maxamed Maxamud.silanyo

1.Tir-tiridda asxaabta macaaridka aha

2.Tir-tiridda Golayaasha dawliga aha

3. Awood  xukunka wadanka oo tiro-yar gacanta u gasha

Akhriste, saddexdda arrimood miyana maanta ka muuqan xukumadda maanta wadanakan Somaliland ka talisa?

Xukummadda Mudane Axmed Maxamed Maxamud , waxay ku dhaqaaqaday in marka u horeysa la waayo labaddii Xisbi ee wadanku lahaa oo ka lahaa UDUB IYO UCID , waxay xukumaddu geed-sare iyo mid hooseba u fuushay in ay tir-tirto labada xisbi waxayna ku guulaysatay baa’bintii Xisibigii UDUB, Ogow, Qarnimadda wadan waxaa sal u aha jiritaanka xisbi toosiya marba xukunka cida haysa  (waa xisbiga talada hayee), addunyadda horumartay waxay eegta sida wadankaasi u qadariyo ha’yadaha dawaliga ah (institutions)  ee wadanka ka jira sida Xisbiyadda macaaridka ah.

1. Mudane Axmed Maxamed Maxamud wuxuu kale oo uu ku guuleystey tir-tiridda Golayaashii Dawaliga aha, Akhristee, goormaa kugu danbeysey Golahii Wakiiladda ee Somaliland (Parliament), waxaa jeebka ku qaatay Gudoomiyhii Golaha Wakiiladda Mudane Cabdillahi Ciro, wax uu maanta yahay Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka aha ee WADANI, waxaynu ognahay inuu Mudane Ciro galay olole xoogan oo uu ku soo saaray xisbiga maanta uu madaxada ka yahay ee WADANI, waxaa uu ka tegay ama aan idhahado uu albaabada u xidhay Golahii Wakiiladda oo aynu wada ognahay muhiimadda uu wadanka u leeyahay, waa Gole sharci-dejin.

2. Waxaa is-dhex-galay Dawaladdii, Golahii Wakiiladda iyo Goalhii Guurtidda. Tusaale waxaa dhacday doorashaddii degaanka Nov 28, 2012, Xukummada ayaa lahayd go’aanka in doorashadda degan lagu galo jaanta-rogan (aqoonsi la’aan) labada gole ee awooda la qaybsanayey waa kku raaceen, taasi waxay keentay in labada xisbi ee la reebay XAQSOOR iyo UMMAD ay soo ban-dhigeen cadymo cad oo muujinaya heerka uu gaadhay musqmaasuq iyo wax is-dabo-marintu.

3. Arrinta saddexaad waa awood wadanka oo ku koobnaata tiro-yar oo dad ah ama ninka wadanka ka ah Madexweynaha, waxaa muuqta in haddi awood wadanka laga qaado hay’adaha leh qaybtoodda sida:  Xisbiyadda macaaridka ah, Golayaasha shacri dejinta, iyo Golaha Guurtidda in wadankaasi uu wadankaasi khatar ku jiro, waxaa tusaael fiican inoo ah wadankii la odhan jirey Somalia. Markii xukunkii galanta u galay tiro-yar oo dad aha waxaa uu ku danbeeyey cidna looga sheekeyn mayo. Indhaheena ayaa inoo macalin ah.

Waxaan xukummadda maanta uu madaxdda ka yahay Mudane Axmed Maxmaed Maxamud uga digayaa in saddexadda arrimood ee naafeeyey xukummadaha Africa ka taliya ay maanta ka muuqda xukummadiisa, sida awgeed, waa inuu indhaha fura oo hareerihiisa eega.

Osman Awad

waaba2003@yahoo.ca


This post has been viewed 256 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright