Qaybtii 2-aad: Taariikhdii Al Itixaad Al-soomaaliya| Qallinkii Suxufiga Sare Cali Cabdi Coomay B.A Journalism

Posted by on Dec 21st, 2012 and filed under Editorial, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Xubinimada  Al-ittixaadcoomay

Ururka si fudud xubin loogama noqon jirin , balse waxa mari jiray marxalado kala ahaa:

  1. Haawaamish: waa halka koowaad ee laga bilaabo xubin noqoshada ururka waana goobta lagu kala shaandheeyo , intaan loo qaadan xubinimada .
  2. Usro Khaarijiga: waa halka labaad ee lagu kala saaro kuwa xubin buuxda ka noqonaya ururka . may ahayn oo kaliya inuu qofku xubin buuxda ka noqonayo labadaa arinmood, balse wuxuu mari jiray qaar kale oo badan, oo qof lagu hubinayo inuu wax badan ka fahmo ururka iyo siraha looga baahan yahay inuu qariyo. xubnaha Al-ittixaad waxaa gobol loo aqoonsanaa kolka tiradoodu gaadho 650 xubnood oo heshiis lala galo, lana xaqiijiyo xubunimadooda.

Qaab dhismedka ururka

  • Gole shuuro oo ka kooban 36 xubnood, oo laga soo dhex xuley golaha fulinta.
  • Gudi fulinta oo ka kooban gudoomiyaha , ku-xigeenkiisa, xoghaynta guud, xafiiska maaliyadda , xafiiska jihaadka , xafiiska dibada , xafiiska sirdoonka iyo xafiiska goboladda.

Dagaaladii ay Al-ittixaad galeen

Shan dagaal ayey Al-ittixaad galeen, oo kala ahaa:

1. Dagaalkii araare ee ay la galeen U.S.C oo Gen.Caydiid ahaa.

2. Dagaalkii Gedo oo mar kale U.S.C. ahaa

3. Dagaalkii itoobiya ee Gedo

4.Dagaalkii S.S.D.F ee gobolada bari

5.Dagaalkii S.S.D.F ee saliida iyo laasqoray.

Bal aynu mid kasta faahfaahino.

1.Dagaalkii araare ee U.S.C iyo Al-ittixaad

14 april sanadkii 1991 ayay dagaalyahanada Al-ittixaad weerareen jabhadii U.S.C ee uu hogaaminayey Gen. caydiid buundada araare, waxay u dhowdahay degaamada jamaame, waxaana halkaa ku sugnaa ciidamada U.S.C oo uu hor kacayay Gen. maxamed faarax caydiid oo ku socday inuu gacanta ku dhigo jubooyinka. Ka hor dagaalka waxa jirtay wadahadaL, lagu dhexdhexaadiyo in Gen. caydiid iyo Al-ittixaad aanay gelin dagaal.
Waxaana dhexdhaadinayey  xubno ka tirsan madaxda sare ee ururka Al-ittixaad waxaana ka mid ahaa: Sh.xasan daahir aweys , sh.cabdilaahi ahmed sahal, sh.xasan calasow ,Dr. maxamed daahir aways waxay markii hore tageen magaaladda kismaayo , si ay ula hadlaan saraakiishii ciidamadda al-ittixaad waxay dhinacooda qabeen, waxay la kulmeen xubnihii ugu cuslaa ciidamada Al-ittixaad ,oo ay ka mid yihiin: Ibraahim xaaji jaamac (Afqaani), cabdilaahi raabi, xasan mahdi. waxay guddi dhexdhexaadinta u sheegeen waxay xal u arkaan oo ahaa:

1.In jabhadda U.S.C ee Gen. caydiid hogaaminayo ay dib ugu noqdaan muqdisho , kana noqdaan kismaayo, hadii kale waa noo dagaal.

Dhinaca maxamed faarax caydiid wuxuu talo ku soo jeediyay:

2. In Al-ittixaad iyo ciidamadoodu ku eekaadan xeergahooda.  U.S.C waxay ka helayaan amaan iyo inaan la soo fara gelin .

3. Hubka waaweyn ee ay haystaan waa inay soo wareejiyaan.

Guddidii dhexdhexaadinta ayaa arkay is-marin waaga, ka dib si hoose ayay uga baxeen arrintii taasina waxay keentay dagaal bilaabma. waxana la isku farasaaray araare. Ciidamada U.S.C waxa hogaaminayey Gen. Cabdi xasan cawaale (qaybdiid). Qacdii hore ee dagaalka waxaa laga xoog batay jabhadii U.S.C ee Gen. caydiid hogaaminayay waxaana laga qabsaday dhul waxooga ah, sababta keentay horumarka ayaa laga sheegay in dagaalyahanada Al-ittixaad ay ka tababar fiicnaayeen kuwa Gen.caydiid, waxaa kale oo jirtay inay haysteen kooxo ka yimid dalalka carabta iyo afgaanistaan oo tababarayaal ahaa.

waxa ururka Al-ittixaad dagaalka hogaaminayay col. Abu muxsin, Ibraahim Afqaani iyo xuseen mahdi oo ahaa dagaalyahanadii Al-ittixaad. dagaal rogaal celin ah ayuu caydiid ku qaaday Al-ittixaad waxaana mar kale bilaabmay dagaal culus, oo socday muddo dheer. Dhinaca kale waxa dagaalku ku soo biiray Gen.maxamed siciid xirsi moorgan , oo isagu u arkayay haddii Al-ittixaad guulaysataan inay gacanta ku dhigi doonaan jubooyinka waxaana dhabar jabiyay dagaalyahanadii Al-ittixaad. arrintaasina waxay keentay in laga xooga batay ururkii Al-ittixaad.dabayaaqadii April sanadkii 1991 ayuu Gen.caydiid oo wata jabhadii U.S.C ayaa gacanta ku dhigay kismaayo waxaanu xoog kaga saaray dagaalyahanadii ururka Al-ittixaad oo firxadkoodi galay raas-kambooni. halkaasina ayay isku urursadeen, xerana ka sameysteen. dhaawacyadii ururka Al-ittixaad qaar ka mid ah waxa laga dajiyay dekeda Boosaaso, oo wakhtigaasi ay gacanta ku hayeen wadaaddo afkaar ahaan taageersan Al-ittixaad.

Dagaalkii Gedo ee U.S.C iyo Al-ittixaad

Bishii shanaad ee 1992 ayay jabhada U.S.C dalka ka saareen maxamed siyaad barre, kana talaabiyeen xuduuda kiiniya. Ka dib waxay gacanta ku dhigeen goobo baadan oo gobolka gedo ah, marka laga reebo deegaano ay haysteen ururka l-ittixaad . ka dib General caydiid ayaa qorsheystay inuu gobolka gedo wada qabsado, ka dib urukii al-ittixaad ayaa ka war helay weerarka uu qorsheynayay General caydiid. Dhinacooda ayay ka diyaargaraw ka galeen. waxa la isku dayay in la dhexdhexaadiyo balse General caydiid baa ku gacan saydhay dhexdhexaadintii,  waxaanu weeraray goobihii saldhigyada u ahaa al-ittixaad. waxaana bilaabmay dagaal gadhaadh oo socday muddo saddex cisho ah. Kadib General caydiid ayaa xoog lagaga saaray gobolkii gedo, waxana lagu soo xeereyey baardheere oo ahayd saldhigii ugu waynaa oo General caydiid halkas ku lahaa.

Dagaalkii S.S.D.F iyo al-ittixaad ee gobollada bari

Galab ku beegnyd 18 june 1992 ayay ururkii al-ittixaad ku dhawaaqeen dagaal lala galo S.S.D.F oo uu hogaaminayo u ahaa Col. C/laahi yuusuf Ahmed waxaana dagaalkaa lagu war geliyey dagaalyahanadii ururka al-ittixaad ee ku sugnaa xeeryaha tababarka.19 june 1992 ayay al-ittixaad weerareen magaalada garoowe, waxaana bilaabmay dagaal culus oo socday muddo saacado ah, waxaana u suurto gashay dagaalyahanadii ururka al-ittixaad inay qabsaaan magaaladii gorrowe gabi ahaanteeba. waxaana laga sifeeyey jabhadii S.S.D.F waxa kale oo gacanta lagu dhigay madaxdii ugu sareesay jabhada S.S.D.F  c/laahi yuusuf iyo maxamed abshir.  ilaaladii gaarka u ahayd C/laahi yuusuf Ahmed iyo Maxamed abshir waxa laga dhigay wax la laayay iyo wax la qabtay. Ka dib dagaalkii oo socda ayay ururkii al-ittixaad madaxdii sare isku khilaafeen waxa laga yeelayo maxaabiista S.S.D.F laga qabtay iyo meesha lagu xidhayo. qaar ka mid ah baa soo jeediyey in la iska sii daayo maadamo oo laga adkaaday jabhadoodii, halka qaar kalena ay soo jeediiyeen in boosaaso lagu xidho oo la soo daayo.

La soco……………………………………………………………………………………………………………….
Cali cabdi coomay
calicoomay@hotmail.com
Suxufi, qoraa ah.
B.A in journalism
Hargaysa, Somaliland.


This post has been viewed 297 times.

Categories: Editorial, featured
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright