Bashiir Maxamed
wanxaadhuflle@gmail.com
Bacda salaan, waxaan doonayaa inaan idiin soo gudbiyo dhacdo maqal iyo muuqaal ah oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo kaga cabanayo Madaxweynihii isaga ku wareejiyay xilkan culus uu ummadda u hayo maanta sannadkii 2010, kaas oo uu Madaxweynuhu sida fiinta uga qaylinayo isagoo leh waxa lay diiday inaan si xor ah u banaanbaxo oo aan u muujiyo dareenkayga dhabta ah ee aan xaqa distuuriga ah u leeyahay iyo weliba isagoo ka cabanaya rasaas ay ciidamada amaanku dul mariyeen 2009 waa sanad ka hor intaanu hanan ama ku fadhiisan kursigan maanta uu la liic-liicayo.
Haddaba waxa isweydiin mudan marka madaxweynuhu ka miidhaabay rasaas digniin ah oo ay Ciidamada aamaanku dul mariyeen banaanbixii sharci darada ahaa ee uu hor kacayay isagu ee weliba ku waajahnaa si toos ah Qasriga Madaxtooyada ee dalka looga taliyo sannadkii 2009, muxuu maanta madaxweynuhu ula yaabay oo gacan bir ah ugala hor yimi dhalinyaro mudaharaadaya oo ka cabanaya isla caddaalad daradii uu isagu ka tirsanayay maamulkii talada uga horeeyay ee Daahir rayaale hogaaminayay?,
muxuu ugu garaabi la’yahay madaxweynuhu caruurta iyo hooyooyinka ay xasuuqeen ciidamada Liyuu Police-ka Somaliland ee isaga ka amar qaataa?.
- Madaxweynaha xaalkiisu ma la jiifiyaana banaan baa la joojiyaana banaan?.
- Madaxweynaha arinkiisu ma halkii Rahii intuu Jiilaalka amaahda qaatay ee markii uu ka soo doogay roobkuna u da’ay ee meel kasta oo godan dhulka xareedu u buuxisay laga soo doontay amaahdii ama deynkii uu qaatay intuu badhaadaa guray yidhi: hele-hele bal waa cidaad miyir qab ugu timaadaanba !!.
- ilowshiiyo dhawaa ma umul baa, ayaan maqli jiray.
Calaa kuli-xaal waxaan leeyahay madaxweyne caruurtan iyo shacabkan gadoodsan ee aad awooda u isticmaashay iminkana aad ugu sii hanjabayso wax dheeraada ah kaama rabaan, intii aad adigu markaad mucaaradka ahayd ee aad u haraadanayd inaad mar uun kursigan ku fadhiisato iyo in la qabto oo ay dhacdo doorasho xalaal iyo xaq ahi bay kaa rabaan.
Madaxweyne haddaad ilowday bal wixii aad u soo martay kursigan kulul ee aad maanta isku dhacadiidinayso duruuf kastaaba ha keentee aan ku yara xasuusiyo sannad ka hor intaan laguu dhaarin madaxweynenimada dalka wixii aad ka tidhi ama kaga tiraabtay goob fagaare ah magaaladda Hargeysa ee nala daawo, waa intaas oo ay ficiladan qalafsan ee aad maanta ku dhaqaaqday wax kaaga bedalaane, maadaama ay yihiin kuwii aad adigu ka cabanaysay iyo weliba qaar aad buro dheeraysiisay.
ka Daawo halkan Hoose Madaxweyne Siilaanyo oo afka gacanta geliyay, cadaalad iyo Dimoqraadiyadna codasanaya sannadkii 2009.
This post has been viewed 337 times.







waaba sheeko mucaarad kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.