Hargeysa (Halbeegnews)– Sannnad kasta bisha December waxay Halbeegnews furta daaqad ay fursad u siiso dadka reer Somaliland inay u codeeyaan shakhsigooda sannadka 2012, shakhsiga ugu wanaagsan sannadkani 2012 ka waxaanu u samayn doona abaal gud shahaado ah anagoo idinka idin matalaynana waxaanu abaal gudkaasi gacanta ka saari doona shakhsiga aad codkiina siisaan.
Haddaba Liiska hoos ku xardhan waxaa soo xulay xubno aanu u xil saaray waxaanu idinka codsanayna inaad codkiina siisaan shakhsiyaad is leedahiin wuxuu u qalma inuu yahay shakhsigii sannadka 2012 oo hadda sii dhamanaya, waxaanu shaacin doona natiijadda 28 December, waxaanu dabadeed daabici doona qofkaasi taariikh nololeedkiisa anagoo samayn doona shahaado qurux badan kuna guddoonsiin doona madal ay warbaahintu joogto
CODKAAGA sii qofkaad bidayso inuu wax ka bedelay nolosha dadka reer Somaliland inuu u qalmo inuu noqdo qofka ugu fiican ee wax idiin qabtay, ugu abaal gud qofkaasi inaad ka dhex muujiso dadka Halbeeg Awards

Abaal-marintani Waa Ta Aanu Guddoonsiin Doono Shakhsiga ku guulaysta waxaana hoosta ku xardhanaan doonta magaciisa iyo Halbeegnews The Somaliland Best personality of the year 2012 waana dahabi
Shuruudaha Cododka
1. Qofna ma codayn karo wax laba jeer ka badan waxaana qabanaya systemka IP addresskiisa
2. Looma ogola dadkii xulay shakhsiyaadkani inay iyagu cod dhiibtaan.
3. faalladda iyo wax ka sheega shakhsiyaadkani way reeban yahiin ilaa inta codku soo baxayo waananu tirtirayna anagoo ixtiraamayna shakhsi walba hayalkiisa.
4. Shakhsiyaadka iyaga loo codaynaya way ka reebanyahiin inay isku codeeyaan
Waana Kuwan Shakhsiyaadka Aanu Idiin Soo Xulay Ka dhex Dooro Shakhsiga Ugu Wanaagsan Oo Codkaaga Dhiibo
5. Waxaau suurtagalinay in natiijaddu ay muuqato oo uu qofku arki karo shakhsi kastaaa codkiisa anagoo ula jeedna inay noqoto mid xor oo xallaal ah (Free and Fair Voting)
[polldaddy poll=6743805]
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 1888 times.







viva aadan siiro.