Faallo: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Maamulkiisii Waxay Noqdeen Waan Is yar Gamaarshoo Dadka Waan U Gabanayee Mar Dhaw Ayaan Is Galaya, Wajiguna Is Guraya, Indhahana Gayaxaya

Posted by on Mar 7th, 2011 and filed under Audio & Video, featured, somaliland news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

London (Halbeeg)–Way igu adkayd inaan mar uun ka hadlo ama taabto dhibta iyo dhiiladda aan sacabadu qarin karin ee sida heeryada u dul hoganaya Madaxtooyada Somaliland, dabcan Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u leeyahay aqoon wanaagsan, waxaan inbadan u hayey karaamo iyo sharaf badan, waxaan bidaayey inuu noqon doono haldoor, hogaan, horyaal, halgame lagu haraad baxo, Waxaan inbadan ku hawaawiyay kuna riyoon jiray habeen iyo maalin in ilaahay i tuso Axmed Siilaanyo oo ah Hogaanka qarranka Somaliland, markay noqoto yididiiladda iyo yaboohidda siyaasaddeed, markay noqoto niyad jab dhallin aan ka mid ahay ay ka qaadeen Xukuumaddii fadhiidka ahayd ee Rayaale Waxaan ku hiloobaayey inay indhahaygu arki doonaan Ruug cadaa siyaasadeed oo Geeska Afrika noociisa oo kale ay yartahay in la hela inuu ka yaxyaxi doono kana fogaan doono calaamadaha lagu yaqiin siyaasiga cuqdad nafsigu hayso (nepolistic Politician)

Waxaan Islahaa maankayguna aanu marnaba ka fekerin inuu Axmed Siilaanyo ku dhici doono wuxuu ka xishooday qof faqri ka ah nolosha siyaasadda oo aan ula jeedo Madaxweynahii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, markaan eego ee aan ifafaleeyo isla markaana aan xaraf xaraf dib ugu  noqdo warsaxafadeedyadii, shirarkii jaraa’id, hadaladii fagaraayaasha iyo weliba doodahii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo jeedin jiray waayadii uu mucaaridka ahaa waxaan weli naftaydu la amakaagsantahay, caqligayguna qaadan kari laayahay, damiirkayguna xamili laayahay inaan arko Madaxweyne Siilaanyo oo maanta kambuulka u fadhiya Wuxuu Daahir Rayaale Kaahin 8 dii sannadood ee uu hogaanka qarranka hayey ka xishooday, haddaba Maxaan la yaabay, maxaan ka amakaagay, maxaa caqligaygu weli qaadan kari laayahay, waxaan doonaya inaan Bal guud mar is bar bar dhig ah ku sameeyo waayadii Mucaaridnimo ee Madaxweynaha haatan iyo wacdiga maanta uu ku jiro

  • Weli Caqligaygu Wuxuu Qaadan Laayahay Inanyar oo Aad Adeer U Tahay inaad Kadinka Dhigato oo Masiirkii Qarranka Uu Ku Amar Ku Taagleeyo

Siyaasi wax ku bartay dunida ilbaxda ah ee ku shaqaysa hannaanka dimuqraadiga ah ee ku dhisan caqliga iyo aqoonta kama suurtagasho inuu kambuulka gurigiisa laga soo galo uu dhigto inan yar oo uu adeer u yahay haba dhacde haddana u dhaqmaaya qaab aan waxba ka gedisnayn sidii Wiilkii uu dhallay Maxamed Siyaad barre ee la odhan jiray Maslax Maxamed Siyaad Barre, wallow aanan ahayn dadka qaabkiisa siyaasiga ah aan cidi uskageed oo taageera ah u haynin Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale ayaa maalmahii uu Siilaanyo xilka hogaanka dalka ku guulaystay waxaan hadaladiisa ka xasuusta mar uu shir jaraa’id Hargeysa ku qabtay “Saaxiibkay Siilaanyo waxaan ka talinaya inaanu kadinka gurigiisa laga soo gallo aanu dhigin inan uu adeer u yahay oo magaciisa ku tacadiya” wakhtigaasi Cawil waxaan u haystay uun hadalkiisa mid aan ka duwanayn kuwii uu hore u akhriye jiray balse xaqiiqdii waxbaa iiga soo baxay Soomaalida waxay tidhaahda “Kor waayeel waa wada indho”.

Axmed Maxamed wuxuu ka xishoon waayey inuu xita xil aan xeer iyo dastuur dhigayn u sameeyo Wiilkaasi uu adeerka u yahay ee u dhaqmaaya sidii Maslax Maxamed Siyaad Barre, maalmahii xilkaasi la magacaabay intiina ka war haysa waxaan kaga hadlay warbaahinta in xilkaasi uu yahay mid aan dastuurka qarranka meel uu ka soo gallayo aan la garaynin, waa marka hore eh Dastuurkeenu wuxuu si cad u iftiiminaya waaxaha Dawladda, Baarlamaanka oo la isku yidhahdo Guurtida iyo Wakiiladda, waa marka xigta eh Xukuumadda oo la isku yidhaahdo Madaxweynaha ku xigeenkiisa iyo golaha wasiiradda waxaa kale oo dastuurku uu si wanaagsan u sifaynaya Garsoorka, Waxaa lagu magacaabo Chief Of Cabinet waxaa damiirku diiday waxay tahay Madaxweynow magacani ma haayadba, ma xil wasaaraddii madaxtooyada bedelayba haddiiba uu bedelay maxaa loogu sheegi waayey Digreetadii lagu magacaabay awoodahiisa isla markaana golaha wakiiladda loo horkeeni waayey ansixintiisa.

Qaarbay waxay ku odhanayaan Xukuumadda shacabka doortay waan ogsoonahay in shacabku doortay laakiin miyaanay ogsoonayn in shacabkii doortay shallay ay maantana afka gacanta ku hayaan, anigu Chief of Cabinet uma aqaane Jujuubiye ayaan u aqaanaaye wuxuu maraya heer uu wasiiraddii awood u leeyahay inuu saamayn ku yeesho hawshooda waxaa ugu danbeeyey in Xisaabiyahii guud ee qarranka oo ah xil qarran oo golaha wakiiladdu ansixiyeen oo ka darajo sareeya xilkani Jujuubiyaha aynu maanta arkayno inuu warbaahinta u sheegay in cidda xilkii ka qaaday uu yahay Jujuubiye (Chief of Cabinet).

Siyaasaddii Arrimaha Dibadda

Wallee qalabka Dareenka Ah

Heesaha qumbuladda ah

Uma qubo dhugmo-la’aan.

Ninkii qarranka  Khaayima
Qar Hadduu Ku Soo Dumo
Walle Ciidda Kama Qodo
Walle Qalin Daraalaha
Dambi Qaranka Laga Gallay
Kama Qariyo Wadhatada
Walle Qoonta Mililka Leh
Qaarka Sare Ma DhayDhayo
 

 

Dabcan waxaa ii faan ah oo aan ku faanaya maanta inaan ahaa qofkii ugu horeeyey ee duurgalay isla markaana khashifay Shir dhawaan lagu qabtay tuulo yar oo la yidhaahdo Steyning oo ku taalla Degmada Galbeedka Susux oo lagu qabtay xarun lagu magacaabo Wilton Park, Anigu waxba odhan maayo Wasiirka arrimaha dibadda waayo Waa shaqeeye la dirtay una adeegaayey loo shaqeeye waxaanse ogsoonahay in Aadamaha ilaahay abuuray uu kala dabci iyo dabeecad duwanyahay bini’aadmiga qaarba garaadkoodu u samaynyahay inay wax unkaan feker iyo falagna la yimaaddaan, qaarna waxay u samaysanyahiin in la diro oo waxay dunnida reer galbeedku u taqaan (Yes Man) marka Maxamed Cabdilaahi Cumar waxba ku tiiq tiiqsan maayo, waxaa sida daruurta inoogu cad halkay masiirkeenii umadnimo iyo qaranimadii dalka la dhigay 20 sannadod waxay ummaddaasi yar iyo weyn ku caano maashay in xita la dul maray in aan cidna waxba laga weydiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaa u muuqatay intiinii akhriday ama dhegaysatay su’aalahii ay mudanayaasha golaha Wakiiladdu weydiinayeen inuu ku higooday isla markaana uu iska difaaci kari waayey isagoo u muuqday sida Islaan sarajooga ku atixiyaadsanaysa, waxaa Maamulka Axmed Siilaanyo bilaabay inuu caqliga ummadda tijaabiyo waxaana ayaan darro ah in ummadda dhan laga soo qaaday sida jaahilo aan u fekerayn siday iyagu u fekerayaan, Waxaan anigu aaminsanahay in arrintaasi dhacday ee fashilantay ay ahayd tijaabo isla markaana waxaan gacantayda maanta ku haya boqol sir oo kale oo maalinteeda iyo wakhtigeedaba aan la sugi doono, waxaase ayaan darro ah Mujaahid ku taami jiray inuu dalka iyo dadka u dagaalamay inuu maanta ku jiro jihaad kale oo ah inuu shacabkii uu ka dhashay iibiyo, waxaase ka ayaan darro badan nimankii xoog iyo xoolo waxay ummaddu lahayd ay gelisay ee golaha Wakiiladda qaarkood yaanan isku darina ay noqdeen sida Lax indho la’aan goobinaysa oo aad moodo in laabahooda ay ku qarsoonayeen cadaawad gamuurtay oo Somaliland ay u qabeen qaarkoodna aan ogahay inay u hanqal taagayaan Xamar

Waxaan ka dhiiloonaya naftayduna isku ciilkaanbinaysa in masiirkii qaranimo, umadnimo, dalnimo, dadnimo, Somalilandnimo ee mustaqbal iyo magac waxaynu lahayn aynu u huray maanta lala barbar dhigay maamul goboleed 20 bilood magac u yaal u unkana oo xita meel uu ka jiro aan la garanaynin oo lagu magacaabo Galmudug, waxaa ayaan darro ah weliba kuwii khaayinimada dadka iyo dalka ka gallay ee ay ahayd in sharcigu qabto maamuus ka xayuubin iyo xadhigna la isku raaciyo ay maanta ku taamayaan kuna faanayaan in ay guul ahayd in meel lala fadhiisto Khaayimul qarran dadkiisii iyo dalkiisii khaayimiay  oo dastuurkii iyo qaranimadii la baal maray, waxaan ogahay in Shir ka dhacay Guriga Maxamed Cabdilaahi Oomaar wasiir ku sheega arrimaha dibadda ee Villa uu ku leeyahay magaalada London kulankaasi oo dhex maray isaga iyo Maxamed Cabdilaahi Cumar  wixii la isku yidhi iyo wixii la isku weydaarsadayna waxaan la sugi doona wakhtigeeda

  • Arrimaha Gudaha Wasiirkii Arrimaha Gudahu wuxuu Noqday Sida Gabadhii Heestay Ee Tidhi Walle Nin Daar Ku Jira Darruur Ma Arke Ileen Xallay Roobkiiba Da’ayey

Waxba Odhan maayo maanta halka siyaasaddii arrimaha gudaha dalku marayso taariikhdaana dib u sheegi doonta balse ummadda reer Somaliland inta magacayga iyo muuqayga taqaan waxaan ka tacsiyadayna shacabkii aan ka dhashay ee reer Hargeysa sida aad moodo salfdudaydnimada ee loola badheedhay in loogu tacadiyo inay yahiin dad cariishyo ku dhex nool Gaboose miyuu iloobay haddii uu fooq laba dabaq ah ka so tooso in danyarta Hargeya ay cariishyo iyagoo ku nool ay ka qalbi qanisanyahiin, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxaan u hayey cisi iyo sharaf badan waxaanan ka mid ahaa dadka ku faani jiray in Somaliland isagoo kale leedahay waxaase niyad jab igu noqday inuu Gaboose la mid noqday sidii ninkii ku heesay Nin Daar Ku Jira Daruur ma arke Ileen xallay Roobkiiba da’ay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose haddii uu noqday anigu daar cad baan ku jiraaye dadka cariishyada ku jira ayaan ku caayaya waa ayaan darro u dhaafi maayo Wasiirka in aan idhaahdo ilaahay ha ku soo hadeeyo, Maxamedowse u malayn maayo inaad aad sidaasi kaga dhabayn riyadaadii ahayd inaad hogaamiye dalka ka noqoto.

Kalshaale

Waxaan marka hore tacsi u diraya ehelkii, qarabadii iyo umadda reer Somaliland ee ay ka baxeen dhammaanba halyeyadii ciidamaddda qarranka Somaliland ee naftoda ku waayey dagaalkaasi, waxaan ilaahay uga beryaya inuu naxariistii janno fardawsa  ka waraabiyo ilaahayna xaasaskoodii iyo ubadkii ay ka baxeen ka dhigo qaar aflaxa oo aabayashood taariikhdooda ku suntan, waxaan sidoo kale Tacsi u diraya dhammaanba intii ku dhimatay ee isku adeerka iyo abtiga ahayd, ee isku ilmaabtiga iyo seediga ahayd Dagaaladaasi ka dhacay Kalshaale.

Anigu Fekriyan waxaan qaba in dagaalkaasi ku yimid Maamul xumo iyo siyaasad la’aan, inaad xasuusataan iyo inkale mooyaane 20 maalmood markii uu Axmed Siilaanyo uu Madaxweynaha ahaa waxaa si indho iyo dhego la’aan ah Buhoodle meel duleedkeeda ah u tagay Seddex Suldaan oo sheegay inay iyagu matalayaan masiirkii dawladnimo ee Somaliland waxay sheegeen inay  heshiis la galleen dadka reer Somaliland ee deegaanka Buhoodle in ciidankooda Somaliland laga soo qaado, anigu waxaan aaminsanahay maalintaasi ayey talladu sinbiriraxatay, labadii maamul ee Cigaal iyo Rayaale ee tallada dalka iskaga danbeeyey waxaa uga yaallay gobolada beriga siyaasad cad oo ku dhisan Somalilandnimo.

Xukuumadda Siilaanyo waxay ku dhawaaqday Gogol heshiis nabadeed in la iskugu yimaado balse waxaa ayaan darro ah in haddana markaad baadho ee aad ka daba tagto xaqiiqada aad ogaanaysay in qaabka ay xukuumaddii qaranku lahaa ay gogosha qaban qaabadeeda u waday ay ahayd qaab qabiil oo beelo gooni ah la iskugu keenaayo, Wuxuu Maamulku iloobay in gogoshu tahay mid dadka reer Somaliland u furan isla markaana gogoshu tahay gogol qarran ee aanay ahayn gogol qabiileed, wuxuu sidoo kale Maamulku iloobay in gogosha aanay isku soo hor fadhiisanaynin qabiilo ee ay isku soo hor fadhiisanayaan reer Somaliland.

Ugu Danbayntii

Anigu waxaan u malaynayaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyahii aan aqaanay ee aan inbadan hor fadhiistay ee aan fekerkiisa iyo doodiisa inbadan aan maqli jiray inaanu ahayn Qofka imika dalkii ka taliya, Waxaan yaaba markaan arko guddiyadani la magacaabayo ayaan wax is idhaahda Madaxweynaha ma waxay ka tahay go’aan qaadasho la’aan mise waxay ka tahay inuu ka ordaayo in la yidhaahdo Madaxweynahii talladii ayuu maroorsadayo waa kaasi talladii guddiyo u magacaabaya.

Waxaa Talladaydu tahay Madaxweynow adiga qarranku ku doortay Waxaana lagu doortay Mandate, shacabkii ku doortay waxay ku doorteen in wixii dastuur ummaddu lahayd sidooda loogu dhaqmo, waxay ummaddu ku dooratay in laga koro siyaasaddii ku dhisnayd qof jeclayso, shakhsi jeclayso iyo ehel jaclaysi, waxaad Madaxweynow aaminta inaad tahay Madaxweynaha dalka oo dhan ogowna Madaxweynow haddii aad u dhaqanto sidii inan yar oo gurguurad barad ah in dadkii shallay ku doortay ee Mandate-ka siyaasadeed ku siiyey ay ka niyad jabayaan.

Madaxweynow waxaan ogahay inaanu damac siyaasadeed oo danbe aanu ku  laabnayn balse falsafadaadu tahay inaad taariikh ummadda uga tagto lagugu xasuusto laakiin haddiiba damacaagu ahaa sidaasi ma arko dariiqeed, Madaxweynow lixdii bilood ee aad hogaanka haysay waxay talladii dalku u muuqata inaad heshiis cid gaar ah la gashay ee aanad ummadda reer Somaliland u wada shaqayn, Madaxweynow waxaan ku leeyahay waxaanu nahay dadkii ku doortay ee shallay ka doorbiday Rayaale, waxaan cod dheer kugu leeyahay Madaxweynow

  • Waa ayaan darro in Gurigii Madaxtooyada ee aad ka talinaysay laga soo cawdo isla markaana ay kugu adkaato inaad si cadaaladda ah uga garnaqdo masuuliyiintii aad xilka u dhiibtay, Waa ayaan darro in aan maanta ka yakh-yakhsiyooday akhriska waraaqdii aad xilka kaga qaaday Xisaabiyahii guud ee Qarranka bal u fiirso ma u qalmaan qaar af madaxweyne ka soo baxa waa laga soo cawday, waxaan aaminsanahay haddii ay sidaasi ku sii socoto in tallada qarranku ay gacantaada ku burburi doonto isla markaana aad baal madaw taariikhda ka geli doonto
  • Madaxweynow Siyaasaddii arrimaha dibadda dalka shaki badan ayaa ku geedaman dadkuna adiga ayey farta kugu fiiqayaan waxaan ka codsan lahaa inaad shakiga iska maydho isla markaana Wasiirkaaga sharcigii iyo xeerka ummadda ku gafay aad xilka ka xayuubiso haddii kale waxay ku galli doonta taariikh aan weligeed duugoobin.

Shacabka Somalilandow idinka dalka leh, waxaan idinkula talinaya inaan la idinkala qoqobin waxaynu nahay ul iyo diirkeed, waxaynu nahay qarran mugdi gacmahooda iskaga saaray gallayna dariiq aynu maanta saxa iyo khalad ku garan karno, Waxaynu dhammaanteen nahay masuul inagana dalkeena leh, shakhsiyadaha moodaya in ay dalkii hantiyeen waxaan xasuusin lahaa inay shallay maalin ahayd berrina ay maalin kale tahay.

Waxaan ku soo gunaanadaya Hadalkii Taariikhda gallay ee haddana dhaboobay ee qiimaha iyo qaayaha badna ee Xoriyad u dirirkii weyna ee Madawga Maraykan Martin Luther King waxaanan hadalkiisa dhex gelinaya riyadda dalkayga (The Dream Of Somaliland)
I

  • Mr. President No, no, we are not satisfied, and we will not be satisfied until ‘justice rolls down like waters, and righteousness like a mighty stream.’”
  • I have a dream that one day this nation will rise up and live out the true meaning of its creed democracy without nepotalism, democracy with law and order respects the constitution of the nation
  • I have a dream that my children’s childen  will one day live in a nation where the Politician rules for the interest of his people not to sell the country behind the closing doors.”
  • I have a dream that one day on the red hills of Somaliland from the East to the west a young generation without political egocentric full of ambition love of their country sits together and serves their nation understanding the dignity and the honorary which has been given.
  • This is our hope. This is the faith that I go back to the somaliland with. With this faith we will be able to hew out of the mountain of despair a stone of hope. With this faith we will be able to transform the jangling discords of our nation into a beautiful symphony of brotherhood. With this faith we will be able to work together, to pray together, to struggle together, to survive without recognition and beacon as a recognised nation.”
  • Mr.President Now is the time to lift our nation from the quicksand of racial injustice to the solid rock of brotherhood. Now is the time to make justice a reality for all of us
  • Let freedom ring. And when this happens, and when we allow freedom ring—when we let it ring from every village and every hamlet, from every state and every city, we will be able to speed up that day when all of us —men and women, young and old, western and eastern, —will be able to join hands for the interest of our nation, for the strugle of our country and serve with honest and dignity May Allah Bless Somaliland

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Halbeegnews, London
diridhaba@gmail.com

 


This post has been viewed 2224 times.

Categories: Audio & Video, featured, somaliland news
Tags:

3 Responses for “Faallo: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Maamulkiisii Waxay Noqdeen Waan Is yar Gamaarshoo Dadka Waan U Gabanayee Mar Dhaw Ayaan Is Galaya, Wajiguna Is Guraya, Indhahana Gayaxaya”

  1. Awesome article over again. I am looking forward for your next post;)

  2. A. Iman says:

    Qof muwaadin ah waxa uu xaq u leeyahay in uu dhaliili karo maamulka ama madaxda wadanka haddii uu saluugo sida ay wax u maamulayaan balse personal attack ama cay waa xaaraan, waxaan se aad u la yaabanahay in markii Daahir Riyaale madaxwaynaha ahaa waxkasta oo internetyada lagu soo qoro dadka badankoodu taageeri jireen balse madaxwaynahan waxa uu kaga duwan yahay haddii aad wax ka sheegto kun guulwadeyaal ayaa soo baxaya oo waxay doonaan ku hadlaya iyaga oo aana garanayn sababta ay u difaacayaan, maha aha dad ka mid ah xukuumada markaa jirta, bal talow sababtu maxay tahay?????????????

  3. Cabdiraxman says:

    Diridhaba.
    Ma qabo in saxaafada Somaliland uu ku jiro weriye leh qoto dheeraan weriyenimo.
    Ilaa wakhtigii aad pakistan Joogtay, mid ay tahayba waan akhriyi jiray maqaaladaad qorto.
    Waxaan ku sababayenayaa sitatan.
    Kuwa qaba inaad tahay weriye reer guuraa ah oo marba ka howlgala website. Ha ogaadeen in aan weriyuhu ahayn nacamleh (Yes man ) “.

    Waxaan ka qaybgalkii Wasiirkii Dibeda S.land shirkii dhowaan lagu qabtay Lodndon, akhriyay maqaal aad ku qortay Hadhwanaagnews, maqaalkaas oo aad si cad wax u sharaxayso..
    Nin la yidha Munir Cigal oo isna ka hawlgala shebekadaas, ayaa isna war beena oo uu ku marin habaabinayo caamada ( waxma garatada) ku qoray maqaal uuku horboodayo xukuumada, leeyahayna Wasiirku wuu ka hadlayay goobta.
    Hadii aad ahaan lahayd Mr yes man, maad qorteen maqaalkan.

    Waxa kale oo aan ogaa sidii aad u tilmaami jiltay boogihii xukuumadii dhacday ee Riyaale. Kuwa moodaya inaad tan bun ka dhimayso, Candhuuftooda dib ha liqeen.

    Weriyenimadu waa taa Diridhaba.

    Cabdiraxmaan
    Oslo, Norway

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright