Kiis Xasaasi Ah Oo U Dhexeeya Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan Iyo Waaxda Socdalka Britain Oo Dhawaan Ka Furmaya Maxkamadda Socdaalka Britain U Qaabilsan (Immigration Tribunal court) Kaasi Oo Ku Saabsan Baasaboor Wasiir Xirsi Leeyahay Balse Magac Kale Ku Qoranyahay Khaalid Maxamed Jaamac

Posted by on Nov 4th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

London (Halbeegnews)– Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xasan iyo waaxda Britain u qaabilsan socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha ee loo yaqaano (UKBA) ayaa kiis xasaasi ah oo ku saabsan baasaboor uu Xirsi wato uu dhawan  uga furmaya maxkamadda socdaalka iyo jinsiyadaha dalka ingiriiska ee loo yaqaano (UK Immigration Tribunal Court).

Kiiskani ayaa yimid ka dib markii Xirsi Cali Xasan uu sifo khaldan ku qaatay baasaboor magac kale ku qoranyahay kaasi oo uu Xirsi Cali Xasan mar dalkani boqortooyada ingiriiska baasaboorkaasi ku degena ka hor intaan loo magacaabin wasiirka madaxtooyada Somaliland.

Sida warar xogogaal ah aanu ku hellayno Baasaboorkani Wasiirka madaxtooyadu haysto oo ah baasaboor ingiriis ah ayaa qofka ku qoran waxaa la yidhaahdo Khalid Mohamed Jama waxaana la sheegay in baasaboorka qofka lahaa uu markiisa hore ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yemen, sannadkii 2010-kii ayaa xog ay heshay waaxda socdaalka ee dalka ingiriiska ayey ku xanibeen baasaboorkaasi.

20-kii November sannadkii 2010-kii Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan oo wakhtigaasi safar ku wehelinaayey Madaxweyne Siilaanyo safarkaasi oo ay kaga soo baxeen magaalada Addis Ababa ayaa waaxda socdaalka ee madaarka Heathrow waxay Xirsi ku dhex qabteen gudaha madaarka Heathrow isagoo ku safraayey basaboorkaasi waxaana wakhtigaasi wasiirka laga reebay wefdiga madaxweynaha oo ka koobna wasiiradda arrimaha dibadda, qorshayta qarranka iyo marwadiisa Aamina Weris.

Sida aanu xogta ku hellayno waaxda socdaalka ayaa wakhtigaasi wasiir xirsi su’aalo ku dhex weydiiyey gudaha madaarka su’aalahaasi oo ku saabsana arrimo la xidhiidha baasaboorka uu ku safrayo, dhawaan badhtamahii sannadkani ayaa safaaradda ingiriiska ee magaalada Addis Ababa ay xanibtay wasiirka madaxtoyadu mar uu doonaayey inuu u soo safro magaalada London oo uu kaga qayb gallaayey shirkii wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya waxaana ay ku keentay wefdigii uu la socday inay muddo ku sugaan magaalada Addis Ababa.

Safarka Xirsi ee Haatan

Sida Halbeegnews xogta ku hellayso Wasiir Xirsi ayaa hadda safarkiisani wuxuu ku saabsanyahay arrimo la xidhiidha baasaboorkani oo hadda wakhtigiisii dhacayo, isagoo Wasiir Xirsi u yimid Britain in baasaboorka loo jidididiyo waxaana uu ballan la lahaa maalinti arbacada ee todobaadkii hore garyaqaan (Solicitor) dhinaca socdaalka ah oo xafiiskiisu ku yaallo xaafadda southhall ee waqooyiga galbeed ee magaalada London.

Sida aanu xogta ku hellayno Wasiir Xirsi ayaa lacag badan ku bixiyey in garyaqaankaasi uu kulanka maxkamadda oo dhawaan la filayo inay dhacdo uu isagu u matalo goob joog ahaan, waxaana safarkiisu uu qaadanaya muddo todoba maalmood ah isagoo seddexda maalmood ee soo socda ku laaban doona Hargeysa.

Wasiirka madaxtoyada Mudane Xirsi Cali Xasan ayaa sidoo kale warar aanu hellay tibaaxayaan inay su’aalo weydiiyeen waaxaha sirdoonka dalka ingiriisku arrimo la xidhiidha shakiyo ku geedana in muddo ah.

Dhinaca kalana warar aanu hellayno ayaa tibaaxaya in weriyayaal ka tirsan labada wergeys ee Daily Mail iyo The Sun oo ka soo baxa dalka ingiriiska  warka arrintani xiiso badan u qaba ay baadhitaan ku hayaan isla markaana dhawaan boggaga labada wergeys lagu soo daabici doono arrintani, iyadoo la filayo inay labada wergeys ciwaan uga dhigi doonaan Wasiir Somaliland ah oo magac been abuur ah baasaboor British ah ku haystay

Halbeegnews, London

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 3735 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Fatal error: Uncaught CurlException: 6: Resolving host timed out: api-read.facebook.com thrown in /home1/halbeeg1/public_html/wp-content/plugins/seo-facebook-comments/facebook/base_facebook.php on line 825