Hargeysa (Halbeegnews)– Warbixino iyo xogo ay shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews si rasmi ah u xaqiijisay ayaa tibaaxaya in labada shariikadood ee isgaadhsiinta ee xaruntoodu tahay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ee Telesom iyo Somtel ay cododka iyo wada-sheekaysiga dhex mara masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan iyo dadka kale ee ay ka mid yahiin siyaasiyiinta mucaaridka, suxufiyiinta iyo kuwa madax bannaan ay u duubaan oo ay u gudbiyaan xarunta madaxtooyada.
Halbeegnews oo baadhitaan laxaadleh ku samaysay 24kii saacadood ee ugu danbeeyey arrintani ayaa waxaanu ku ogaanay in labada shariikadood SOMTEL iyo TELESOM ay xarunta madaxtooyada u gudbiyaan codod duuban oo ku saabsan telefoono ay masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta Somaliland ay iskugu gudbiyaan marka ay adeegsanayaan khadka telefoonadda labada shariikadood.
Fadeexadda ugu horaysa ee arrintani ayaa soo shaac-baxday qormadii maanta ee Boobe Yuusuf Ducaale Wasiirkii hore warfaafinta Somaliland uu ku sheegay in nin lagu magacaabo Cabdicasiis Aadan Habane uu ugu yimid xafiiskiisa isagoo ku wergeliyey in Wasiirka madaxtooyadu uu hayo cod duuban oo ku saabsan Wasiirka warfaafinta oo la xamanaya Xirsi Cali Xasan qof kale.
Arrin tani oo kale ah waxaa noo xaqiijiyey 11 toban masuul oo shabakadda Halbeegnews ay si gooni gooni ah ula xidhiidhay oo ku saabsan arrimahani masuuliyiintaasi qaarkood oo hadda ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo halka qaarkoodna ay xilalkii ay hayeen iskaga tageen qaarkoodna laga qaaday.
Masuul ka tirsana Xukuumadda oo ay shabakadda Halbeegnews dhacdadani wax ka weydiisay ayaa wuxuu yidhi “haa walaal way jirta arrintaasi arrintani in telefoonadda la dhegaysanayo oo labadani shariikadood u gudbiyaan madaxtooyada waa arrin hadda soo baxday laakiin badiba masuuliyiinta dawladdu mar hore ayey ogaayeen, anigu markii aan xilka iska casilay waxaan ogaaday in telefoonkayga habeen iyo maalin la dhegaysan jiray waxaan ku ogaan jiray sidaan khadka ugu jiro ayaa waxaa soo dhex geli jiray guux dabadeedna waxaan maqli jiray cod qof kale markaasan degdeg telefoonka u dhigi jiray, waxaan isticmaali jiray khadka telefoonka gacanta ee shariikadda Telesom” ayuu yidhi masuulkaasi.
Marwo kale oo iyaduna ka tirsanayd xukuumadda ayaa tidhi “qof ka shaqeeya xarunta madaxtooyada ayaa ii sheegay in Xirsi loo soo gudbiyey telefoon kasta oo aanu diro ama naloo soo diro wixii aanu ku sheekaysanay, arrintanina waa arrin weyn oo fadeexad ah, in sirta iyo macluumaadka u gaarka ah masuuliyiinta xukuumadda iyo siyaasiyiinta kale loo basaaso xubno xukuumadda ka tirsani waxay caddaynaysa waa marka hore kalsooni darrada xukuumadda haysata” ayuu yidhi masuulkaasi.
Sarkaal ka tirsan ciidamadda Militeryga Somaliland ayaa sheegay in ay arrintani iyagu si xoog ah uga war helleen ka dib markii seddex masuul oo ciidanka qarranka ah la bedelay “way jirta arrintaasi waxaanan ku sheegaya markii Jidhif xilka laga qaaday wuxuu telefoon kula hadlaayey saraakiil ciidanka ka tirsan, hadalkii ay ku wada hadleen ayuu Xirsi toos u weydiiyey” ayuu yidhi masuulkaasi.
Hawl wadeen ka tirsan mid ka mid ah labadani shariikadood ayaa u xaqiijiyey Halbeegnews in xubno hoose oo ka tirsan shariikadahani ay toos ugu xidhanyahiin xarunta madaxtooyada iyagoo ku duuba cododka aalladda computerska isla markaana iyagoo duuban ay si todobaadle ah ugu gudbiyaan wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan
Masuulkani wuxuu u sheegay Halbeegnews in xubnaha aad telefoonadooda loo dhegaysan jiray ay ka mid ahaayeen Wasiiraddii Maaliyadda ee hore Maxamed Xaashi Cilmi iyo Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe, waxaa sidoo kale xubnaha la dhegaysto ka mid ah madaxda xisbiga KULMIYE.masuulkani wuxuu Halbeegnews u xaqiijiyey in xubnaha la bartilmaameedsado ay ku jiraan xubnaha mucaaridka ah sida Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMMADDA Maxamed Cabdi Gaboose iyo madaxda xisbiga UCID, waxaa sidoo kale ku jira wasiiro, agaasimayaal, suxufiyiin iyo xubno kale oo fartu ku godantahay oo ay madaxtooyadu dano ka leedahay.
Fadeexadani iyo Kalsoonida Labada Shariikadood Ee Somtel iyo Telesom
Arrintani in la dhegaysto telefoonadda masuuliyiinta dawladda u shaqeeya iyo weliba siyaasiyiinta kale ee ay labada shariikadood intay cododkooda duubaan u gudbinayaan madaxtooyada gaar ahaana wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan ayaa ah mid ugub ku ah taariikhda siyaasadda Somaliland iyadoo xad gudub ku ah dastuurka Somaliland oo si cad u mamnuucaya iyadoo ah arrin xasaasi ah oo lidi ku ah arrinta xuquuqul insaanka qofka bini’aadmiga ah oo isaga wixii u gaar ahaa loo basaasayo qof kale, waxay sidoo kale arrintani fadeexad ku tahay labadani shariikadood oo cododka iyo wada hadalka dadkii ay u adeegayeen u kala basaasaya.
Halbeegnews ayaa arrintani baadhitaan laxaadleh ku samayn doonta waxaanu ka dalbanayna madaxda labada shariikadood ee Somtel iyo Telesom inay ogolaadaan baadhitaan madax banaan oo ku saabsan arrintani.
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 3461 times.







waa yaab wana wax ku cusub dalka soomaliland in qof telfoonikiisa ladhagaysto oo loo geeyo madaxtooyada dabadeedna lagu edeyo waxaan leeyahay sharkadahaa sida sameenayaa ilahay ka cabsada diintu ma ogala , dastuurka soomalilandna madhigayo.