Goorma Ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Professor Noqday Mise Fahansanyahay Akaadami Ahaan Shuruudaha Professor Lagu Noqon Karo Halbeegnews Baadhitaan Ay Ku Samaysay Aqoonta Madaxweynahu Heerka Ay Gaadhsiisantahay

Posted by on Oct 11th, 2012 and filed under Editorial, featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muqdisho (Halbeegnews)– Darajadda Professor waa darajadda ugu saraysa ee qof cilmi baadhe ahi gaadho marka uu wax ka barayo Jaamacadaha iyo kuuliyadaha culuumta takhasuska ah lagu barto waxaana akaadamiyiinta caalamiga ah ee gooya darajada dhinaca waxbarashada (Academic Grading) ay isku raaceen in noqoshada ama helitaanka darajada Professor loo maro Afar darajo oo ah waxbarashada akaadamiyadda kolba aad dooratay iyo afar jaran jaro oo kale oo ay tahay inaad ku gaadho takhasus si aad ugu danbayntii u hanan karto darajaddani Professor.

Haddaba waxaanu halkani akhristayaal idiinku sharixi doona yaa noqon kara Professor?

Maxaa Lagaga Baahanyahay inaad Professor Noqoto?

inagoo labada qodob si guud iyo si qoto leh u ictiraaqi doona ayaa waxaynu sidoo kale ku dabaqi doona Madaxweynaha Soomaaliya dhawaan loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo loo isticmaalo darajada Professor inuu yahay, Halbeegnews ayaa baadhitaan ku samaysay arrintani waxaananu doonayna inaanu runta dibadda soo dhigo una shaacino ummadda Soomaaliyeed xaqiiqadda inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Yahay Professor iyo inay tahay arrin been ah oo sifo aad u khaldan darajadani Madaxweynaha loogu isticmaalay.

Haddaba waxaynu ku horaynayna marka hore Darajadani Professor Sidee loo Gaadha

Dabcan nolosha akaadamiga waxbarasho waxay ka bilaabanta markaad gasho Jaamacadda waxaana badiba la qaata maado aad door bidayso (Your choosen subject) , darajada koobaad ee laga gaadho aqoonta jaamacadeed waxaa loo yaqaano Bachelor Degree oo afka soomaaliga ku noqonaysa (Darajadii Bilawga) oo loola jeedo bilawgii Akaadamiyadda badiba mansabkani waxaa lagu barta aqoonta maadada gaarka ah ee aad baranayso oo baahsan (scattered knowledge about  your field), darajadani waxaa la barta maadooyin kala duwan oo qaarkoodna si gaar ah ugu tacaluqaan takhasuskaad doonayso (Specific Profession) qaarkoodna ay yahiin qaar aad doonayso inaad fekrad ka hesho oo la xidhiidha maadada aad ku takhasusayso oo loo yaqaano (Minor subjects).

Darajada labaad ee Akaadamiyadda aqoonta heerka Jaamacadeed waxaa loo yaqaana Masters Degree ama afka soomaaliga ku noqonaysa (Darajaddii barista) darajadani badiba waxaa lagu qaata aqoonta la xidhiidha maadada gaarka aad u dooratay ee aad doonayso inaad ku takhasusto badibana maadooyinka Master Degree waxay aad ugu koobanyahiin takhasuskaaga marka loo eego darajadii koobaad ee Bachelor Degree wallow laga yaabe inaad barato maadooyin aan toos ula  xidhiidhin isla takhasuskaaga.

Darajada seddexaad ee Akaadamiyadda aqoonta heerka jaamacaddeed waxaa loo yaqaano MPHIL (Master of Philosophy) heerkani ama darajadani waxay guud ahaan ku saabsantahay takhasuskaaga inaad baadhitaan ku samayso iyo  inaad cilmi baadhis ku samayso takhasuskaaga (Research and Investigation about your choosen profession subject), in wax laga weydiin karo, inaad tijaabin karto aqoon ahaan iyo culuum ahaanba, badibana maadooyinka lagu qaato heerkani MPHIL waxay ku koobanyahiin isla takhasuskaaga tusaale ahaan haddii aad doonayso inaad ku takhasusto cilmiga Neurology oo ah cilmiga barashada Neerfaha bini’aadmiga wuxuu noqonaya inaad baadho qaabka loo dawayn karo qof xanuunada qaba inaad tagto goobaha caafimaad, inaad hesho fekero cusub oo lagu dawayn karo, inaad ka qayb qaadato hawlaha caafimaad ee socda.

Darajadda Afraad ee ugu danbaysa aqoonta akaadamiyadda heerka Jaamacadeed waxaa loo yaqaana PHD (Doctorate of Philosophy) Darajadani ama heerkani wuxuu gebi ahaanba qofka gaadha noqonaya qof ku shaqeeya takhasuskiisa, baadha, wax ka qora waxna ku kordhin kara ra’yi ahaan, wuxuu noqonaya qof la qaato ra’yigiisa isla markaana Jaamacadaha iyo goobaha cilmi baadhista ee takhasuskiisa ku kordhiya feker isla markaana laga qaato tallo.

Haddaba Qofku Markuu Gaadho Darajada PHD (Doctorate Of Philosophy) Siduu Ku Noqon Kara Professor Yaase Professor Noqon Kara.

Professor waa darajo laga gaadho dhinaca dhigista takhasusaad akaadmiyadeed ama inaad noqoto macalin jaamacadeed oo bara takhasusaad gaar ah (specific profession) haddaba si aad u gaadho darajadani Academic Professor loo yaqaano ama Bare Sare takhusus gaar ah waxaa loo mara darajooyinkani afarta ah.

1. Kaaliye Professor (Assistant Professor) Waxaa laga raba inaad ahaato kaaliye Professor muddo u dhexaysa 5-8 sannadood si aad ugu gudubto darajada labaad, heerkani wuxuu doorkaagu ku koobnaanaya inaad qaybta ama akaadamiyadda aad joogto ka caawiso Professor-ka ra’yi uruurinta, cilmi baadhista iyo dhigista casharada.

2.Isku Xidhiidhiye Professor (Associate Professor) Darajadani waa darajada labaad ee ku xigta markaad ka soo gudubto Kaaliye Professor ee aad ku soo shaqayso kaaliye Professor muddadaasi u dhexaysa shan ilaa sideed sannadood, darajadani labaad waxaa laga rabaa ilaa seddex sannadood inaad ku qaadato inaad diyaariso ra’yi iyo afkaaro cusub oo lagu kordhiyo takhasuska akaadamiyadda aad barayso

3. Professor: Darajadani waa heerka kala badha in lagu aqoonsado bare sare oo Jaamacadeed waxaana badanka loo ictiraaqa Full Professor, waxaana lagaga baahanyahay inaad u gudubto darajada afraad ee dhigista ama macalin ka noqoshada heer takhasusaad inaad joogto, heerkani waad qaadan karta darajada Professor balse waayo aragnimo ahaan wax badan ayaad u baahantahay inaad darajada ka saraysa aad gaadho

4. Distinguished Professor ama af soomaali ku noqonaysa Maskaxda Akaadamiyadda heerkani qofku wuxuu noqonaya qofka loo noqdo takhasuskaasi ee u noqda marjac isla takhasuskaasi waxna laga weydiiyo isla markaana qora buugaagta waaweyn ee takhasusaadka ah qora, waxaad tusaale ahaan aragteen buugaagta la barto ee culuumtu ku taallo dadka qora waxaa u badan badiba Distinguished Professor ama maskaxeeyaha akaadamiyadda Jaamacadeed

Haddaba Inagoo Intaasi oo Darajo Soo Maray Xasan Sheekh Maxamuud Ma yahay Profesor Haddiisa Aanu Ahayn Muxuu Sharciga Caalamiga Ahi Odhanaya

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay dhawaan, sida ku qoran qoraalka taariikh nololeedkiisa waxbarasho wuxuu waxbarashadiisii heerka Degree ku qaatay jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, sannadahii 1982-kiina waxaa lagu sheegay taariikh nololeedkiisa inuu shahaadada Master Degree ka qaatay Jaamacad ku taalla dalka India oo la yidhaahdo Phobal University.

Baadhitaankii Halbeegnews Muxuu Soo Saaray

Jaamacadda Phobal University waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu liita dhinaca akaadamiyadda dalka Hindiya waxaana sannadahii 1975-kii ilaa iyo wakhtiga la sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka qallin jabiyey ay ahayd kuuliyad nooca loo yaqaano (Institutes) oo bixisa shahaadooyin u dhigma Degree Grade.

Sannadkii 1992-kiina Maamulka gobolka Madhya Pradesh ee dalka Inida  ayaa aqoonsigii kala noqday Jaamacadda Phobal University ka dib markii lagu qabtay inay si qarsoodi ah u bixiyaan shahaadooyin foojari ah ama ay soomaalidu u taqaano (bug) (Bogus degrees), wixii intaasi ka danbeeyeyna Jaamacadaasi la sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shahaadada Master ka qaatay ma jirin meel ay ku taallana lama garanayo.

si aad u eegto Jaamacadaha iyo kuuliyadaha akaadamiyadda sare ee gobolka Madhya Pradesh ee Phobal ka tirsantahay ee dawladda dhexe ee India iyo gobolka Madhya Pradesh aqoonsanyahay iyo tirada liiska jaamacadahaasi oo ku qoran bogga dawladda gobolka Madhya Pradesh halkani guji haddii aad eegto kuma jiro habayaraate jaamacad la yidhaahdo Phobal University, marka Madaxweynaha ayeynu weydiin doona Jaamacadii uu ka qaatay Master Degree halkay ku taallo hadda iyo waxay ku danbaysay?

Diiniyin iyo Caalamiyan Maxay Tahay Inaad Sheegto Been ama Darajo aanad Lahayn

Diinta Islaamku way mamnuucday inuu qofku sheegto darajo aanu gaadhin, dhaqan ahaana markaad tahay qof xil umadeed oo weliba xilkii ugu sareeyey ee qarranka doontay inaad been sheegto waa xaaran, Madaxweynahu inuu Professor Level ama darajadda Professor oo aynu soo sharaxnay qofka noqon kara waxaa laga rabo inuu sheegto wuxuu ku mudan kara ciqaab inuu jabiyey sharci caalami ah (Breaching international Law by claimig a bogus level) taasi oo mudan inuu xilkiisa waayo isla markaana maxkamad la soo istaajiyo waayo wuxuu ka dhiganyahay qof aan la garanaynin oo mansab foojari ah sheeganaya.

Ceeb ayey ku tahay Madaxweynaha Soomaaliya inuu sheegto Professor ama uu aqbalo in loogu yeedho Professor waxaanay sidoo kale tani cay iyo aflagaado ku tahay dadka Soomaaliyeed ee uu hogaamiyaha u yahay oo uu mar been u sheegay imikana been u sheegayo mise tallow dadka Soomaaliya iyo dadka reer Xamar ayaa ka hella beenta iskuna madadaaliya beenta, waa hubaal inaan lacag Professor lagu noqon, isla markaana Iskuul inaad wax ka barto aanad Professor ku noqon karin, haddii xita aad Master Degree haysato ma sheegan kartid Professor.

Halbeegnews, Muqdisho

halbeegnet@gmail.com

 

 


This post has been viewed 13475 times.

Categories: Editorial, featured, today's top stories
Tags:

55 Responses for “Goorma Ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Professor Noqday Mise Fahansanyahay Akaadami Ahaan Shuruudaha Professor Lagu Noqon Karo Halbeegnews Baadhitaan Ay Ku Samaysay Aqoonta Madaxweynahu Heerka Ay Gaadhsiisantahay”

  1. Waayo Arag says:

    sifiican baad u kala dhig dhigtay, qof kaan horey u aqoona haduu baranayaa, lakin qalad ka waxa leh somalida weliba kuwa saxafada oo markiiba la booda prf, dr, eng. qof wuxusan ahayn in la siiyo amaan maahee waa cay iyo gef loo gefayo qof kaas,

  2. Yasin Isse says:

    wow waa kala dhig dhigtay, wixii caamo ahna waad ka jaahil bixisay, thanks alot.

  3. Bakari Amadu says:

    ha la daayo, 21 sano aad wax qodqodeyseen oo dadkii waa dhamaadey,,, fursad ha la siiyo Mr xasan, fursad lix bilood ah ha la siiyo…bal in uu ALLE waafajiyo si somalia dariiqa toosan u qabsan lahayd.
    regards.
    bakari amadu bakari.

  4. aday kuutaal sxb wa is dhibtay intaas oo dhan madaxweynaha aa ceeb u raadine adiga iyo qoraalkdaba cirka gala.

  5. Cabdikarim Ibrahim Saleban says:

    kkkkkkkkkkkk taasi waa bugtii reer xamarka wax kale maaha, waar nimankaasna been ayaan looga taag helayn, waa wada proffesor iyo Dr subxaan imikan kan Prime Minister ka ahna Dr.Abdi ayuu madaxweynaha laftiisu lahaa maalintii uu magacaabayey. Allow dadkan soo hadee wada beenta ah.

  6. A Weli says:

    QORAAGA ARTICLE WAA NIN AANAN WAXBA LA SOCON; OO AAN FILAYO INUU IS CAJABIYAY LAAKIIN JAAMMACADA WAY JIRTAA OO MAGACA AYAA LAGA BADELAY FADLAN LINKS FIIRI:
    http://en.wikipedia.org/wiki/Barkatullah_University
    AMA http://www.bubhopal.nic.in/about.htm.
    MID KUGUMA DIIDANI IN SOMALIDU ENGINEER, ENGINEER, PROF IYO DR aya si xun u isticmaasho ama ayna fahamsanayn, laakiin ARINKA MADAXWEYNAHA WAAD KU KHALDANTAY EE FADLAN RAALI GELIN KA BIXI

  7. hana says:

    waxaanba ka garanay raiisal wasaaraha uu noo soo xulay sidaad warka ku hayno waa nin muqayil ah, meeshana ay naagtiisa keensatay

  8. Ud says:

    appreciated for the long and boring article, however let me correct you boss; Bhopal University existed it was renamed as Barkatullah University (BU), and the president graduated at era when it was still known as Bhopal University (not even as you have written Phobal University). Fadlan waxaad hubto qor laakiin intaad isleedahay wax ceebee yaadan adigu ceeb la kulmin, diinta waxaa ku qoran in qofka ceebtiisa la qariyo hadayba dhacdo.

    Mahadsanid

  9. AH AH AH AH, Shiiq Shariif iyo Cali Mahdi ayaaba la taliye u ah, oo raiisal wasaaraha magacaaw yiri,
    kuwa iyagii horay u fashilmay ayuu ii taliya yiri, ilaalidii shiikh shariif ayaa wali ilaalisa, Caasha X Cilmi oo horay Shiikh Shariif u lumisay ayuu yiri keenso ninkaaga AH AH AH AH

    PUNTLAND WEEY KA RAYSANAYSAA 4TAAN SANO XUKUUMAD KU SHEEGA MAAMULADA KALE IYAGANA WAAN UGA DIGAYNAA

  10. AH AH AH AH, Shiiq Shariif iyo Cali Mahdi ayaaba la taliye u ah, oo raiisal wasaaraha magacaaw yiri,
    kuwa iyagii horay u fashilmay ayuu ii taliya yiri, ilaalidii shiikh shariif ayaa wali ilaalisa, Caasha X Cilmi oo horay Shiikh Shariif u lumisay ayuu yiri keenso ninkaaga AH AH AH AH

    PUNTLAND WEEY KA RAYSANAYSAA 4TAAN SANO XUKUUMAD KU SHEEGA MAAMULADA KALE IYAGANA WAAN UGA DIGAYNAA

  11. Abukar says:

    waa yaab yaabkiisa ninka sheegaya in uu soo baaray madaxweynaha heerka aqoontiisa kuna sifeeyay wax uu mudnayn waxaa dhihi lahaa hadiiba aad been iyo diinta wax ay ka qabto ogtahay marka hore waxaa haboon in aad nafsadaada fiiriso oo aad adiga is xisaabiso waxa aad ku sugantahay laakin diinta islaamka kuma jirto in qofka la raaraaco wax uu yahay dowladna matihid oo umada la raaciyay ee saaxiib naftaada la dagaalan qofkale laguuma dirsan
    intaa waa iga waano
    daragooyinka aqoonta aduunyo lagu qaato iyo tan diimeedba waa lagu kala duwan yahay hadii aad sidaas u ogtahy
    oo wadamada horay u maray iyo wadamada kale isku si looma maro darajooyinka tusaale ahaan talyaaniga iyo mareykanka isku professor ma ah ee saaxiib bal dib u eeg qiimeynta aad sameysay

  12. Magaca professor waa iska af macaansi, hadii soomaali oo dhan laga raadiyo professor sax ah tiradaas aad ayay u yartahay. Marka madaxwayne xassan qoslaaye aqoontaas malaha, laakin mid u dhiganta ayuu leeyahay oo qibrad ah. Marka odeyga halaga qaleeyo yaan lagu talax tagin!!!!!

  13. Shangaani says:

    idinka reer wuqooyi maxaa idiinka galey ,, maxaa rabtiin, anakaa dooraney , anakaa keeney, anakaa rabno,,, danahiina raacda, oo ictiraafka raadsada ha ku mashquulina madaxweynahayna..

    adios.

  14. dahir says:

    car wakaase ha yeelaan war meesha wax kalaa yaala aanan garanayn qoraaga waxaan ka codsan lahaa hadii uu owoodo inuu ka diyaarayo primister cabdi wali aan ogaanee fargiga u dhaxeeya labada nin horaa looyir lacagtu masamayso dadnimadaada

  15. Gaandi Fateh says:

    Is this how we practice freedom of speech?

  16. Huseen says:

    Waa runtaa, waxaas aad soo qortayna waa wax cilmi ah oo qof walba oo yaqaan sida wax loo barto uu ogyahay, ama ogaan karo wanad ku mahadsantahay. Lakiin Saaxiib ma ogtahay in ayna arintu madaxweynaha kaliya koobnayn, arintani waxay saamaynaysaa oo kale Gudoomiyaha baarlamaanka ee hadda Jawaari, R/wsaaraha oo ah nin labadoodaba aad iyo aad uga cilmi nyar oo la Dr. Cabdi Shirdoon.

    Waxaa kale oo lagaa rabaa inaad iyaga u dabaqdo qoraaladaas rag badan oo nasoo marey oo Pro. ahaa Sida Cali Geedi oo asna ka baxay Kuliyadda Xoolaha, ka diba takhsus aan u maleynayo inuu ka hooseeyo Masters kasoo qaatey Talyaaniga, waxaa kaloo ay tahay inaadan iloobin, Dr kale iyo Pro badan oo ku jira siyaasiinta Soomalida wayna badanyihiin qaarkood xitaa waxaan ka shakasinahay inay jamacado soo mareen marka ku wada dabaq.

    waana ku salamayaa

  17. Cabdi cali says:

    Waad ku mahadsan tihiin halbeegnews hawshan aad qabateen, Arinkan been abuurka ah ee madax waynuhu sheegtay waa inlugula xisaabtamaa

  18. Anonymous says:

    ASALAMU CALAYKUM DHAMAAN. si fiican ayaad u soo bandhigtay wuxuu yahay PROFESSOR. Dalka runta keliya lagu dhaqi kara beentu waa ceeb waana xaaraan suaal haadan idin waydiiyo yaa sheegi kara Bsc kuliyada uu ka qaatay ee ah jaamacada ummada somaliaya madaxweyne xasan sheekh ma dhaqalaha , ma sharciga taas lafteeda xita lama hubo , ta INDIA waa been Master-kaas ma jiro.

  19. jama says:

    qoraalka wiilku soo qoray ceeb ma leh waxaase ka masuul ah madiaha isaguna maxay ahayd inuu beeniyo oo yidhaahdo ma ihi professor.

  20. Title lada xamar baa lagu bixiyaa Cabdikariim ee ha inoo soo xawilaan inagana. kkkkkkkkkkkkkk

  21. hanad says:

    yeah this is what i call
    investigative journalisim. Qoslaaye bacaad cidla ah ayuu fadhiyaa thanx for your enlightment article well done wariye

  22. Abdinasir Ismail says:

    Anigaba Professor ayaan ahay lkn ma sheekto ka dib markii aan arkay kuwii marfishka London xitaa in ay Professor isugu waceen

  23. hanad says:

    qofku afkiisa waxuu ka sheegto waxaan kaga qanci ognahay waxa cadaynaya ee muujinaya inuu yahay waxuu sheeganayo, Hadii uu keeni waayo waxaan uga markhaati kici karno oo cadayn ah waxay lamid tahay inuusan ahayn siduu noo sheegtay runta waxay ku jirtaa inaad cadayn kartid waxaad tahay

  24. Nura says:

    Alaylehe tafaasiil dheer ayaad ka bixisay macnaha PROFESSOR Mr. Dhiridhaba, afkaaga caano lagu qabay, reer xamar oo dhami waa wada beenaalayaal , waxay wada sitaan shahaadooyin wada bug ah ilaahay idiinma naxariisto.

    Waxaan been ahayn kuma shaqaystaa reer xamarku ale idin cadaab, waxaasaanu la midawnay, iyagaa xumaanta iyo qudhunka maanta meelo badan oo wadanka s/land jirana laga soo bartay

  25. Hassan Osman says:

    Aad ayaad u dadaashay LAAAKIIN DADAAL rufiyaanimo ku salaysan maxaa macnaha ah MAXAASE ADIGA oo faaiido ah aad ka helaysaa nin arimihiisa in aad daba kacdo adigase yaa ii baar ku yiri dulinimadaada ….ALLOOW KUWAAN SOOMALI MA AHEE SOOMAALI CUSUB KEEN.

  26. aqoon ahaan hadii la eego madaxwayne Hassan Maaha Prof oo bahasha waxa lagu hela marka waxa usoo sharaxay weriyuhu aad marto.laakiin Maadaama somalida aqoonta cilmiga maadika ah ku yaryahay ninkastoo Jaamacad dhigtay ama dhigtay xataa BSc aan haysan oo aan gaadhin Masters waxay odhanayaan waa prof. Marka isugu meel uu yidhi prof baan ahay ma maqal ee dadka ayuunba la jeclaaday isna Kama biyo diidin…………

  27. cigale says:

    Wuxuu ku soo gabagabeeyey ma reer xamarkaa beenta ka hela?Waa meel ka dhac in aad 3 milyan iyo ka badan reer xamar ah in aad af lagaadeeyso.Kaagan qoray waxaa ka soo jeedaa meel kale.Mise qabyaalad baad durbaan u tumeysaa.Garanay waa taas .

  28. saciid says:

    hadii naaag looga dhigay wasiirka koowaadna wali mawaxbay sheegayaan war isku xishooda qoraa micnihiisa hadaad taqaanaan waxaan kuma hadasheene qof miyi kayimid gagaalkii sokeeye kadib ayaa prof kasheekaynaayo saw cajiib maaha tankale qaab wax dadka loogu sheego ayaa jiro ee fadlan soo baro websaadyada kalana ha af lagaadeyn inlayn waa dad wax bartay waxyaabahaan waa kuwii lagugu yaqiinay

  29. Deqa Arog says:

    qofwax uun ahayn in uu sheegto waaceeb waanad mahad santahay soo bandhigidaada aad noosheegtay wariyenimadu waataas.

  30. Deqa Arog says:

    qofku waxuu yahay in lasheego cayma aha ee waxaa ceeb ah wax aadan ahan inad sheegato.

  31. RUNSHEEG says:

    MADAXWEYNE BEENLOOW AH WAXAA LAGU KALA GARAN KARAA 3 BILOOD GUDAHOOD EE AAN KA WAR DHOWRNO

  32. abdurizak says:

    waxaan aqriyay qoraalka uu sameeyay qofkaa wariyaha sheegtay, aniga aad ula yaaban garaadkisa liita iyo sida uu aqoonta uga araddanyahay, ayaan yaabay markaan commentskiina aqriyay soomaaliyey. Sababtoo ah sidda uu wax u qiimeeyay waa qaldantahay i dont care hassan shikh in uu prof yahay iyo in kale lkn waxa aa qorteen ayaa ka qaabdaran ee is aqriya oo idinku wax barta. Qoladdiinaan wax qorey baan u jeedaa.

  33. Asli Dualle says:

    MASTER AYAY SHEGEYEN MALINTI LA DOORTEY MA PROF. AYAY GEEYEEN DADKAN WAA XADARIYIIN WALALEHEN RER SOUTH SOMALIA KKKKKKKKK

  34. foos says:

    waxaan aad kaaga mahadinayaa sida cilmiyaysan eed dadkan u fahamsiisay ee midwalba injineerka , dotoorka , profesoorka isugu yeero iyagoon haba yaraatee cilmigan in dadbadani darajadaas qaadashadeeda ku indh iyo dhagabeeleen. hadii cidii darajo been sheegataba og yihiin in ladaba galyo sidan oo kale ninwalbaba runta ayuu ka sheegi lahaa waxbarashadiisa, waana darsi u noqondoonta dadkan darajada wada toshay , janaraalka , macalinka,
    iwm. ku sii wad waxaad u hiilinaysaa dadka cilmiga leh waxaana ka naxaya inta rabto iney been ku qaraabato( RUN RAG KAMA NIXISO) hal wax uun baan ku darayaa oo ah inaad ka dhaafto reer xamarka ee guud ahaan u dayso adoon cidna magacaabin dhinaca reer waqooyigaba waxaa lagu xantaa (WAX WALBABA WAAN DAADIYAY).waxaaan ahay reerxar asalkana reerwaqooyi , marka labada dhinacba in waxlagasheego majecli.

    THANK

  35. Anonymous says:

    aniga ma ogi xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan waxbarashada madaxweynaha lkn waxaan ka fahmay qoraalkaan in uu yahay qofka qoray nin ka xun jiritaanka umadda soomaaliyeed iyo sababta uu u leeyahaydadka reer xamar muxuu ka rabaa bal.. isaga aqoontiisa yaa og horta jaahilka.

  36. Waxa aad soo qorteen see u rumaysanaa noo sheega

  37. Abdirahman H Dhiblawe says:

    Writer ka Waa Fiicnaay qoraal kiisa Laakiin Markii danbe ayuu qabiil isku badalay Markuu dhahay "mise tallow dadka Soomaaliya iyo dadka reer Xamar ayaa ka hella beenta iskuna madadaaliya beenta," Waxaa kaaga ficneed in aad Somali ku ekaato Damn Tonight You wasted 5 minute in my life.

  38. Ustaaad Dhiblaawe Somaldia waxeysan hubin oo cadeen aysan u heynin bee dadka ku xagxagtaan bro

  39. haa bro Weli xata kala ma oga oo wax ma soo aqrinba qofka qoran maxaa yeelay Bhopal University ayaa la dhihi jiray markuu Madaxweynaha ka baxayey gadaal dambe ayaa magaca laga bedelay oo Barakatullah University loo bixiyey sxb wax inaysan ogeyn oo jaahiliyiin yihiin ayey u badan tahay

  40. Ahmed caqil says:

    Walalayal somali waxa ay tirahdaa hubsimo hal baa la sistaa wax hubsada jamacada u madaxweynaha ka baxay waxa la oran jiray phobal university waxana loo badalay barkatullah university isla ciwanka jamacadaha ay soo sareen ayey ku jirtaa alumni notable ka jamacada ayuna madaxweynuhu ku jiraa wana master madaxweynaha faculty of education ayuuna ka qalin jabiyay simad university ayuna prof. Ka noqday mudo dheer e aflagadada ka daya madaxweynaha ninki rabana tariqdisa ha baro

  41. qarar waxasa laga dhaha

  42. NAMA says:

    waxaan ahay arday jaamacad dhigta run ahaantii qaabka qoraha wax u dhigay waa qaab wanaagsan lkn Ma ogi in arinkaan run yahy iyo in kale(Arinta madaxweeynaha)>>>>>>>tan kale aan la yaabanahy ayaa ah maxaa keenay in arinkaan hadda la falanqeeyo dad badan ayaa horay daraja eeyan la heeyn u sheegtay tuseele ahaan ninka la yiraahdo (C/raxman faroole ee puntland ) waxa uu sheegtaa in uu yahay Dr. dadka meeshaa joogana weey ugu yeeraan maxaa wax looga dhihi waayay anagoo la socona in ninkaas wade gaari ka ahaa Australia>>>teede kale jaamcad hadeey bur burto ma waxeey la micno tahy in ardaydii ka qalin jebisay o dhan eey iyana weeynaayaan darajadii eey ka qaateen jaamacadaas hadeey arintu saa tahy waxii jaamacad Ummadda ka qalin jabiyay waxooda waa wax kama jiraan >>>>> isbadalka hala taageero qabyaaladana haleeska dhaafo Assholes >>>>

  43. Asha Abukar says:

    Ayaanle walaalkiisa. halbeg xagu suxufinimada ka soqatay kkkkkkkkk

  44. Asha Abukar says:

    Dhiblaawe walaalkiis si wanaagsan ay diinteena islaamka sharaftaleh na barayso ayaad wax u micneysay, jazakumalahi qeyran.

  45. Dalmar says:

    Qoraalkaaga runtii aadbuu iigu socday muddo articlada baarista ah ee aan aqriyay kuwa ugu wanagsan yuu ila yahay bilawgiisu.
    ILaa aan ka gaaray qaybtaada gebagabada , waxana aad u qaadan waayay in qof cilmi ka muuqdo oo sidaas wax u soo diyaariyay uu waliba sheegaya inuu rabo wax la maldahay caddeeyo inuu xaq daroodo,
    Tusaale waxad sheegtay jamaca jiritaankeedi iyo inay wax si noqden, lakin hadana wax cadayn ah jamacadii ama dawlad kama haysid inaysan degree bixin.
    Tan kale diinta aad ku halqabsatay iyo sharciyada qoraalkuba waxay jidaynayaan intaanad qofka xakumin inaad.
    bal warsato isagana mana aadan samyan oo aadbayna xadgudub kuugu tahay.
    inta akadib waxad ogaata baristaadu waa qabyo ama si aad madaxwaynaha u dulmiso yaad iska indha tirtay.
    Professor aduunka wuu ku kala duwanyahay wadamada qaar qofku waa inuu PHD haysto qarkoodna waa inaad university , institut ama xata collage aad wax ka dhigto sida wadamada Portugal France etc,(taa hadaad u fiiriso waa proff madaxwaynuhu amaba si kale somalia ama east africa way ka duwanaa kartaa adunka kale).
    inta akadibna waxaad muujisay inaad caadiafad aa reer gobol u qabto oo ummad dhan baad si been abuur ah u aflagaadaynaysaa.
    waxaase inta kasii yab badan aqristayaasha qaarkood casabiyaddu ka indha saabtay islaamnimo iyo somalinamaba.
    Hadii dadkeena wax bartay ay sidaan wax u qoraan jahiiliinteno siday noqonayaan markaa?
    allah ba asomali u maqan!
    ASC

  46. maasha allah bro Abdisamad Ahmed sidaan usii wad dadaalka lagula jiro jahliga iyo kuwa qalinka beenta ah ku qaraabanayo ee umadda isku diraya thanks bro ilaahey xal waara hanoo sahlo

  47. Ahmed says:

    Arinta uu sheegay websitekaan waxaan u arkaa xaasidnimo. Jaamacada Popal University waa Jaamacad jirto. Arinta Professorka ma mala socotaa Professor Dalxa wuxuu heesytaa Master Degree waxaana loogu yeeraa Professor, Professor Ibbi sidoo kale. Maadaama u madaxweeynaha Jamaacad wax ka dhigi jiray saas ayaa loogu yeeraa Professor. Marka waxaan jeclaan lahaa Soomalida waxeey jeceshahay in eey dadka ceebeeyaan. tana kuma sii jirto waa ninkii masuulka ka ahaa Soomaaliya oo dhan. Marka waxaan leeyahay haka waan toobo qofka soo qoray maqaalkaan.

  48. waxad bal markale ku soo celidaa ujeedaad dhabta ah ee ad olajeedo arintaa waxii anka qabno ayan kula wadagi doonahe

  49. Asc dhamaan aqyaarta, Waxan filayaa waa laga fiicanyahay in lagu mashquulo waxbarashada madaxweynaha waxaa muhiim ah waxa uu qabto.Haddii professor yahay oo uusan waxbo qaban cilmiga uu soo bartay waxba muusan tarin.Marka aan ka wada sugno waxa uu sameeyo ama ku soo kordhiyo xalada wadanka.

  50. Yusuf Amin Bin Bishir says:

    KKKK Sola kuwaas sidaad u fiirineyso in aad ku dayato aan ka baqaa .

  51. waa run professor ma aha ninkani. run hadii larabo

  52. MAXAMED CABEY WAAN KU SALAAMAY SXB

  53. Osman Yerow says:

    kkkkkkkkkk

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright