Gudida Arrimaha Gudaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Xeerka Sirdoonka Oo La Sheegay Inay Xukuumadu U Ololaynayso In Wax Laga Badalo

Posted by on Oct 10th, 2012 and filed under Audio & Video, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa, October 10, 2012 (Halbeeg) – Guddida Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Xeerka Sirdoonka Somliland oo ay Guddidaasi kala shireen Taliyaha Ciidan Sirdonka, kaas oo la sheegey inuu Taliyaha Ciidanka Sirdoon Jaamac Bootaan ka codsaday inay Guddidu qodobada qar ka saaraan Xeerka, taas oo ay sheegeen inaanay waxba ka jirin arintaasi.

Xog-hayaha Guud ee Guddida Arrimaha Gudaha Golaha wakiiladda C/raxmaan Maxamed Maamac (C/raxmaan Xoog) oo Maanata shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland oo uu ku wehelinayey Xildhibaan C/kariin Aw Cali Shabeel, ayaa waxa uu sheegay inaanay wararkaas waxba ka jirin oo ay wargayska Haatuf oo warkaasi qoray ka rabaan cadaynta warkaas.

Isaga Oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan shirkan Jaraa’id u qabtay inaan warkaas beeniyo, waxaan iudiin sheegayaa inaanuu warkaasi ahayn mid xaqiiqo ah, waxaan idiin sheegayaa inaanuu taliyuhu naga codsan wax ku saabsan xeerka in laga saaro, waxanu la hyeelanay shir aanay warhbaahintu waxaba ka ogayn oo aanuu ku ballanay inaan warbaahinta la siinin, waayo waa hay’ad sirdoon oo looma baahna in warbaahinta la geliyo.”

C/raxmaan Xoog oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray“Agaasimaha Sirdoonku waxa uu la mid yahay sida hay’adaha kale ee Madaxa bannaan, laman ansixiyo oo sharciga ayaa dhiga, wargeysku ma sheegin meesha uu ka soo xigtay, waxaana cad inuu warkaasi yahay been la dhoodhoobay, mar qudhana afkiisa kamay soo bixin ka saara xeerarkaasi, waxanu ka codsanaynaa inay xaal siiyaan qolada wargeyska haatuf taliyaha Ciidanka Sirdooon, anagna waxba maxkamad gayn mayno.”


This post has been viewed 1114 times.

Categories: Audio & Video, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright