Musharaxiintii Golayaasha Deegaanka Somaliland oo isugu Biyo shubtey (Waraabe -u -taag iyo Bakhti- afuuf Qallinkii Fidhinle

Posted by on Sep 17th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Aduunkan Ilaahay -Subxaanuhu -watacaalaa uu salka u dhigay waxaa jira , wadamo aad u badan oo ku talaabsadey Horumar balaadhan oo la taaban karo.Waxa ay horumarkaa muuqda ay ku gaadheen markey si Dimuqraadi ah oo sharaf  iyo milgo leh  ay ku doorteen  hogaamiyeyaal huwam aqoon- qoto dheer,hawl karnimo iyo hufnaan,daacadnimo iyo aamin, xaq-dhowr ah oo ogol in lala -xisaabtamo  ( accountability).
 
Hadaba Somaliland oo ay Hore u soo martey 5 doorashooyin oo kala duwan, waxaa cadaatey  in siyaasada hada dalka lagu hagayaa ay tahay mid xaglisey oo  Maroorta, Waxaana  hada inagu soo fool leh Doorashooyinkii Golayaasha Degaanka. Waxaa muuqata in doorashooyinka degaanka ee la iclaamiyey Dhamaadka bisha November aaney ku socon dhabihii loo jeexay ee loogu talo galey. Su’aashuse waxay tahay Maxaa doorashadan marin habaabiyey?
Hadii aniga oo aan ku fogaaneyn  aan dusha ka-yara- xaadiyo waxaa marin habaabiyey saba-bahan  hoose:
1- Waxaa si badheedh ah loo baal marey shuruudo ka mid ah shuruudaha golaha Degaanka Qodobkiisa 5aad oo la doonayo in musharax kastaaba buuxiyo, Gaar ahaan waxaa laga dul-talaabsadey Qodobka odhanaaya waa in Musharaxu si rasmi ah u degan yahay Degmada uu iska soo sharaxayo. waxaa kala oo lagu tuntey Qodobka kale oo leh waa in musharaxu ku sifoobaa Xilkasnimo,Daacadnimo ,hawlkarnimo,iyo dhaqan wanaag bulshada dhexdeeda.
2- Waxaa loo badheedhay oo lagaleexdey Nidaamkii Xisbiyada badan oo ahaa nidaam ku dhisan wax- wadalahaansho kaas oo waafaqsan Dastuurka Somaliland iyo sharciyada xisbiyada ama arurada cusub u yaala.
3- Waxaa loo guuray oo loo gogol -xaadhey Xisbi beeleedyo  gacan- ku- rimis ah oo aan la garan kareyn Hogaankooda musharax , se uu hor boodaayo rag aan buuxin kareyn shuruudaha iyo sifooyinka hogaamiyenimo. kuwaas  oo iyagu ka leh dano shaqsiyeed u gaar ah ummdana aan tis u qaadi kareyn.
4- Waxaa Cid waliba aragtaa in Musharaxiinta ilaa iyo hada liiska ku jira ee doonayana in ay dhawaan ka qayb qaataan Doorashada Golashaasha Deegaanka, kuwaas oo badankoodu  caadeystey marka xafladaha loo qabanayo in ay isku jeni-qaaraan Calamada ururkooda ama xisbigooda , qoortana Gashada  Giraanta Faraawilka ah, aaneyse badan kooda jirin wax intaa ugu hooseeyaa haba-yaraatee  hase yeeshee  ay yihiin Musharaxiin teneg madhan ah oo la magac baxey  ( Waraabe -u- Taag ) kuwasoo muraadkoodu yahay oo keliya in ay  buuxiyaan numbarkii xisbi beeleedkooda. xanjona   ay ugu dhegisan tahay xawaalad  aan ka  fogeyn.
5- Waxaa iyana jira  Musharixiin siyaasad loola jeedo oo loo soo sharaxey iyada oo la doonaayo in Beel wax lagu yeelo ama loogu talogaley in lagu curyaamiyo musharax kale oo ay isku beel ka soo wada jeedaan, ku waas oo iyaga inta suuqa laga soo kaxeeyo  Bacadlaha looga soo lebiso lacagtana lagu xidheyna laga shubo iyagana lacag laaluush ah la siiyo , kuwaasi waxay  ku badan yihiin Gobolka Saaxil.Waxaana lagu Magacaabaa ( Pre-Paid) from batalaale.
                                                                                                                                  
6- Waxaa iyana jira Musharaxiin iska soo sharaxaya ururo Yar- Yar oo Gacan- ku rimis ah kuwaas loo gu talo galey in ay cidhiidh- sadaan deegaan aaney dhalasho ahaan ka soo jeedin, lakiin talo Beeleed ku socda, Beeshaas oo isku degaameysay dhowr bilood ka hor   3 Halaad oo igadh  ah oo ay dul keeneen  Degaan aaney ku abtirsan, Halahaasina aaney qabatimeyn degaankaa maadaama laga soo kaxeeyey degaan baad iyo caleen leh , laakiin ay ka go’an- tahay in ay si uun Golaha degaankaa wax uga helaan, Musharaxiintaa Noocan ah waxaa la yidhaahdaa ( Magan- U- Taag)
7- Waxaa Cad in Musharaxiin badani ka dul boodeen oo aaney soo marin shuruudihii Beeshooda ee beeleysnaa , kuwaas oo iyagana  Markii ay is sharaxayeen laga wada daawadey TVyada Somalida iyo Yutubka aduunka iyaga Xanjo ( chewing gum) calaashanaya  halkii ay ka hadili lahaa- yeen barnaamijkii wax qabad ee ay dadka degaanka ay metalayaan u soo ban dhigi- lahaayeen.kuwaas oo iyaguna la magac baxey ( Bakhti- Afuuf ) hore loo tijaabiyey.
8- Waxaa Cadaatey in aynaan ku dhaqmin Dastuurkii aynu qoraney, waxaa iyana cadaatey in aan lagu dhaqmin Xeer -dhaqameedkii iyo Xeer beeleedkii aynu ku soo caana -maalney.Waxaa Cadaatey in aynaan ku dhaqmin shuruucdii diinta Islaamku ina fartey.Taas oo aaney haba yaratee jirin wax sharci ah ama xeer ah oo shaqeynaya ama umada qabanaya oo kala hagaya, Waxaa dhamaan sharciyadii reer Somaliland noqdeen La- jiifiyaana – Banaan.Waxaana   ay Somaliland hada ku danbeysey meel uu shaqsi waliba uu muraadadiisa sida uu doono uga fushado.
Waar Wadanka yaa iska leh?  Muxuu ummadda u qaban karaa Musharax ( Waraabe -u-taag ahi)?
Ma waxa aynu ku faraxnaa Ufada iyo humaaga qabyaaladeed in ay si fudud inoo hafiso oo inoo biyo dhigaan.?
Ma waxa aynu dalka u horseednaa oo ku Hogaaminaa Siyaasad Cadaan ah oo Beeleysan oo aan is maqal iyo is toosin laheyn?
Hadaba Maadaama Qaabka doorashooyinka hada loo gelayo ay ka duwan thay habkii 2002, ee hada loo gelayo habka Liiska furan ( Open List system) taas oo qofka musharaxa ah toos loo dooranayo.
Waxaan Shacabweynaha Reer Somaliland aan Dareenkooda Taabsiinayaa in ay iska qabtaan iyagu, oo ay iska ilaaliyaan, iyaga oo si  qoto dheer uga fiirsadaan cida ay codkooda siinayaan. oo aaney marnaba u FOODIN Shaqsiyaadka Musharaxiinta (bakhti afuufka ah) ee hore loo soo  tijaabiyey ee leh baalka madow iyo boogo hore, Kuwa aan Mabda’a laheyn,ee ah (Pre-paid) . laba -wajiilayaasha dha-dhanka raaca ee ku caan baxey musuq-maasuqa hantida qaranka, kuna mamey dhul boobka hantida guud ee la baxey (Budhcad- Dhuleedka).
Kuwa khasbanaya in ay isku degaameeyaan Degaan aaney ka soo jeedin oo ka fog,jebiyeyna shuruucda xeerka doorashooyinka Golaha degaanka ujeedadooduna tahay ina ay khasab ku riixdaan kursi Degaan si ay u dhab-qiyaan Doorashada  una  khal-khaliyaan Nabadgelyada aynu ku faano ee aynu u  hurney dhiiga badan iyo maalka badan.
Wallahu -Aclam, Wa Billaahi Towfiiq.
A/Rahman Fidhinle
Intensive Personal Advisor
United Kingdom.
London

This post has been viewed 241 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright