Abaal la’aanta madaxwayne siilaanyo wuxuu ka shabahaa adeerkii TIMIR DUCAALE. Qormadii 1aad

Posted by on Sep 17th, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Muddo saddex iyo toban maalmood ah ayaan socdaal ku joogay magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer waxanay ahayd intii u dhaxaysay 3/09/2012 – 15/09/2012 hadaba markii aan tagay magaalada burco waxay ahayd markii ay xiisadu ka dhex allosnayd madaxwayne siilaanyo iyo reer gabiley ee xilkana laga qaaday boobe yuusuf ducaale oo xilkaa hayey mudo sadex bilooda iyada oo horena loo ogaa qaabkii xilka looga qaaday taliyaashii ciidanka qaranka ee genal tani iyo general jidhif arimahaasi oo markii la isu geeyey muujin kara colaad gaar ah oo uu madaxwayne siilaanyo u hayo reer gabiley hadaba 04/09/2012 oo ahayd maalin salaasa ah ahaydna maalintii labaad ee aan burco ku sugnaa ayuu I casuusmay nin aanu saaxiib nahay oo ka tirsan madaxda gobolka qadadii ka dib markii aanu qaadka soo qaadanay waxa uu igu war galiyey in aanu fadhiisanayno guri ay fadhiistaan rag ka kooban bulshada qaybaheeda kale duwan oo qabiil walba leh oo xataa ay ku jiraan ganacsato soomaaliyeed, siyaasiyiin, abwaano, aqoonyahano iyo madaxda dhaqanku oo ka soo kale jeeda gobolo kale duwan.

Maah-maah soomaaliyeed baa jirta oo tidhaahda reer magaalku arinkiisa kaftan buu ku dhamaystaaye waxaa markiiba bilaamtay dood ku saabsan waxa ay tahay aanada uu madaxwayne siilaanyo ka daba socdo reer gabiley waxa markiiba hadalka qaatay oday ka soo jeeda bariga burco waxaanu ka waramay qisada soo socota isaga oo yidhi reer gabiley waxay ka soo jeedaan beesha subeer awal xiligii doorashadana saddexda xisbi umay qaybsan  sidii beelaha kale ee dhamaantoodaba waxay codka siiyeen Axmed siilaanyo halka uu maanta la marayana waynu arkaynaa waxyaabihii sababay in codka reer gabiley uu meel qudha wada marana waxa sabab u ahaa buu yidhi waxaa jiray shir ay reer gabiley iskugu imaadeen oo ay ku go’aansadeen in ay codkooda siiyaan axmed siilaanyo maadaama uu qabo inan subeer awal ah.

Iyagoo ceeb u arkayey in ninka inanta ka qaba ay mar labaad ku dhacdo sinbiriraxasha kale soomaalidu waxay isku maamusto ama ay isku qiimayso waxa ugu sareeya xididnimada waxaanu sheegay in uu madaxwayne siilaanyo abaal la’aanta ka matalo adeerkii timir ducaale ka dibna waxa uu ka waramay qisada soo socota waxaanu yidhi, horaantii qarnigii labaatanaad waxa jiray nin la odhan jiray timir ducaale oo adeer u ahaa madaxwayne siilaanyo isaguna waxa uu xidid la ahaa beesha subeer awal sida madaxwayne siilaanyo oo kale waxaanu ka mid ahaa ragii gabayaaga ahaa ee xiligaasi jiray waxaanu seedi u ahaa oo uu walaashi qabay nin ka mid ahaa ragii ku suntanaa sugaanta soomaalida waana gabayaagii caanka ahaa ee ay sayid maxamed cabdile xasan iskala dhaceen shaan-shaan waa cali jaamac haabiil timir ducaalena waxa u qabay faadumo jaamac haabiil.

Hadaba waxaa dhacday in timir ducaale horantii qarnigii labaatanaad uu hargaysa ku dilay nin sacad muuse ah oo reer samatar ah ingiriisku xiligaasi qofka uu dil ku xukumo waa la daldali jiray ee rasaas laguma dili jirin timir ducaalana markii ay arintu ku cadaatay gumaystihii ingiriisku wuxuu ku xukumay daldalaad cali jaamac haabiil waxa uu u arkay gunimo ka wayni in aanay jirin in seedigii hortiisa lagu daldalo hubka ugu wayn ee xiligaasi gumaystaha ingiriiska lagula dagaalami jirayna wuxuu ahaa gabayga cali jaamac haabiilna ingirisku wuxuu siin jiray tix galin gaara geed iyo geed gaabanba wuxuu u fuulay in uu xabsiga uu dil sugaha ku yahay seedigii timir ducaale ka sii daayo, waxaanu ku guulaysatay cali in uu duhur dharaareed gacanta midig qabsaday oo uu ka saaray seedigii xabsigii iyadoo reer samatarna soo tuban yihiin oo aan wax maga la siin si wanaagsan ayaanu u anbabixiyey seedigii oo u diray reerkiisii isagoo sahay fiicana siiyey.

Hadaba nasiib darro timir ducaale markii uu reerkiisii tagay ee uu muddo kooban joogay ayuu gabay cay iyo aflagaado ah u soo diray seedigiisii godobta uga galay tolkii ee daldalaadana ka sii daayey cali jaamac haabiil talaa ku ciiltay oo mar wuxuu eegay ragii ay xigtada ahaayeen ee uu gobobta ka galay mar kalena waxa uu eegay abaal la’aanta timir ducaale mar kalena wuxuu gartay in wixii uu markii horeba ugu hiiliyey aanay meesha ka bixin ee ay wali yaalaan waxaanu cali isku qanciyey in aanu timir ahayn nin uu ka buux-buuxsan karo waxaanu cali jaamac haabiil tiriyey gabay uu ku muujinayo abaal la’aanta timir ducaale waxaanaynu ka soo qaadanaynaa inta ugu muhiimsan ee arintan kusaysa waxanu yidhi.

Tol la’aan dheh reer samatarkaan tiirka qabadsiiyey    

tacab ba’ay dheh maantaba haduu timir I caayaayo                     

wax saan timiroow kaaga tagay faadumaad tahay ninkeedii.

Halkaa markii ay maraysay waxaa hadalkii qaatay nin ka mida ganacsata waawayn oo reer gabiley ah waxaanu yidhi anagu haddii aanu nahay reer gabiley waxaanu taagan nahay halkii cali jaamac haabiil madaxwayne siilaanyona waxa uu taagan yahay halkii timir ducaale daahir riyaalena wuxuu tagan yahay halkii ay reer samatar maalintaa taagnaayeen aamino warisna waxay taagan tahay halkii ay faadumo jaamac haabiil maalintaa tagnayd hadaba anigu gabayada ma aqaano haddii se aan maanta gabyayo waxaan odhan lahaa ilayn oodi ab ka dhawe.

Tol la’aan dheh ina riyaalahaan timirka qabadsiiyey  

tacab ba’ay dheh maantaba haddii timir I caayaayo     

wax saan axmedoow se kaaga tagay aaminaad tahay ninkeedii.  

Cabdirisaaq Suudi Nuur
Tel: 4425243
Hargaysa Somaliland


This post has been viewed 419 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright