Golahii Wakiiladda Somaliland Oo Qarka U Saaran In Albaabada La Iskugu Laabo Iyo Kulan Ay Yeesheen Oo Natiijo La’aan Ku Dhamaaday

Posted by on Sep 17th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)–Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa kulan albaabadu u xidhanyihiin maanta ku yeeshay xaruntooda, kaasoo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi iyo ku-xigeenkiisa.

Lama oga ujeedada dhabta ah ee uu kulankaasi la xidhiidhay, hase yeeshee xildhibaano ka tirsan Golahaasi oo markii fadhigu dhamaaday Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagaga wada hadlay sidii laysla eegi lahaa habacsanaan shaqo oo soo waajahaday Golaha, taasoo sii siyaaday xiligan lagu jiro Ololaha doorashooyinka oo xildhibaano badan oo Golahaasi ka tirsani ku dhex milmeen loolanka doorashada, kuwaasoo qaarkood u ololaynayaan Xisbi Xaakimka, qaarna Ururadda kale ee ay ku jiraan.

C/raxmaan Cismaan Caalim oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha wakiiladda ayaa sheegay in labadii fadhi ee ugu dambeeyay ee goluhu fadhiisan lahaa u baaqdeen Koorom la’aan,isla markaana gaabis meel xun maraya ay gashay hawshii goloodu , iyadoo fadhiga shalay albaabadu u xidhnaayeena ka dhashay Koroom la’aan ku timi fadhigaasi oo markii la waayay, isu bedelay kulankan albaabadu u xidhanyihiin oo lagaga arinsanayo mushkilada la soo deristay Golaha iyo sida looga bixi karo.

C/raxmaan dheere waxa uu intaasi ku daray inaan wax natiijo ah laga gaadhin kulankaasi, isagoo rajo aan wanaagsanayna bixiyay inay maalmaha soo socda fadhiyadu buuxsami doonaan iyo in kale “kulankani wuxuu ka dhashay markii saaka kooromkii Goluhu buuxsami waayay, fadhiyadii horena u baaqdeen Koorom la’aan, taasi ayaa saaka(shalay)  Goluhu albaabada u xidhay sidii wax laysu waydiin lahaa, markaa kulanku sidaas ayuu ku yimi, wax natiijo ah oo ka soo baxayna ma jirto, laakiin wax badan ayaa laysku dhaafsaday”.

Xildhibaan C/raxmaan isagoo ka waramaya waxyaabaha kulankaasi laysku waydiyay waxa uu yidhi “arimaha laysku waydiiyay waxa ka mid ahaa in Xisaab xidhkii golaha la sameeyo oo mudo todoba sanadood ah aan Golaha la keenin, in Xeer hoosaadkii golaha oo ajandahan laga reebay inkasta oo uu kuwii hore ku jiray lagu soo daro si shir-guddoonka loola xisaabtamo, waayo shir-guddoonkii Goluhu laba bilood ayaanu golaha ka soo xaadirin isagoo magaalada jooga, waxaanu noqday hogaamiye xisbi oo Olole ku jira, markaa ma wadi karo Golihii ee waa inuu xilka ka degaa hadii kale shaqadii Goluhu way lumaysaa”.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Xildhibaanada qaar Xisbiyadii ayay ku milmeen iyo madaxtooyada, qaarna waxay leeyihiin hadii shir-gudoonkiiba Golaha aanu imanayn annaga xaq nalooguma laha in Maalin walba nala yidhaahdo soo xaadira, markaa arimahaasi oo dhan waa laysla eegay laakiin wax natiijo ah lagama gaadhin”ayuu yidhi.

Dhinaca kale kulankaasi intii kulankaasi la fadhiyay waxa dibada laga maqlayay buuq iyo sawaxan mararka qaarkood isla oogsanayay Hoolka dhexdiisa, kaasoo markii ay albaabka ka soo dareereen mudanayaashu u muuqday muran sababay in kulanka lagu soo kala kacay, iyadoo aan wax talo ah ama natiijo ah laga gaadhin.

Golaha wakiiladda Somaliland ayaa labadii sanadood ee ugu dambeeyay ee ay talada haysay Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo gaabis badan laga dareemayay hawshooda, taasoo loo sibir-saarayo inay ku timi faro-gelin siyaadeed kaga timi dhinaca xukuumadda, isla markaana Xildhibaanadii Golahaasi qayb ka noqdeen Golaha xukuumadda, kuna shaqeeyaan ajandaha madaxtooyada oo kaliya, iyagoo ka gaabiyay hawlihii kale ee loo igmaday.

Sidoo kale Habacsanaanta ku timi hawl-qabadkii Golaha wakiiladda waxa sii xoojiyay Ololaha siyaasadeed oo xiligan la galay, taasoo ay dhamaantood mudanaayasha saamayn ku yeelatay, isla markaana uu hormuud ka noqday Guddoomiyaha Golaha wakiiladda C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo isagu ah hogaamiyaha Ururka ugu cad-cad saaxadda siyaasada xiligan ee Wadani.

Xisbiga Kulmiye ayaa bishii hore shir hadhimeed u qabtay xildhibaadana kaga jira Golaha wakiilada kuwaasoo hogaanka xisbigaasi ka dalbaday inay u baxaan Goboladii iyo deegaamadii laga soo doortay si ay u soo dar-dar geliyaan hawlaha xisbiga Kulmiye, isla markaana abaabul hor leh ugu soo sameeyaan bulshadii soo dooratay si aanu xisbigu taageero u waayin doorashada soo socota ee Deegaanka, isla markaana uga siiban saaxada Xisbiyada.

Laga soo bilaabay wakhtigaasi xildhibaanadda Kulmiye ee Wakiiladdu waxay ku jiree Ololihii loo dirtay, waxaanay u kala baxeen goboladda iyo degmooyinka dalka, iyadoo ay qaar ka mid ahi gaadheen Goboladda Sanaag, Togdheer, Sool iyo Gabiley, kuwana Hargeysa ka wadeen hawshaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa todobaadkii hore Magaalada Laascaanood ka waday Olole siyaasadeed oo xisbiga kulmiye Musharixiin Golaha deegaanka uga qayb gasha loogu xulayay, sidoo kale xildhibaano kale oo isla golahaasi ka tirsan kana mid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo Xilka Waabeeye oo  ay socdeenn wasiiro xukuumadda ka tirsani ayaa Gobolka Sanaag mudo u joogay hawlo xisbiga Kulmiye leeyahay oo aan shaqadii Golohooda ahayn.

Sidoo kale Xildhibaano Reer Gabiley ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ee todobaadkii hore ku mashquulsanaa xulista musharixiinta Golaha deegaanka ee Gabiley ee xisbiga Kulmiye, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Ibraahim Kacaan iyo Xasan Cawaale Caynaan.

Guud ahaanba arimahan oo qayb ka ah waxyaabaha tabcaanka ka dhigay hawshii Golaha wakiiladda ayaa dhacayay intii uu furnaa Kal-fadhiga 19-aad ee Golaha Wakiiladda oo ah mid ay ku jiraan Xeerar aad u xaasaasi ah, isla markaana laga saaray xeerkii Kootada Haweenka oo isagana wali buuqiisu taaganyahay.

Marka dhamaan arimahan iyo kuwo kale oo aan war lagu soo koobi karin laysku soo miin-guuriyo hawl-gudashada Golaha wakiiladda ayaa u muuqata mid meesha ka sii baxaysa una baahan in wax laga qabto ama ay dalka ka dhacdo doorasho Baarlamaan oo deg deg ah, hadii kale waxa dhaawacmay tiir ka mid ah saddexda tiir ee Qaranku ku taaganyahay oo kala ah Golaha Fulinta, Xeer Dejinta iyo Garsoorka, kuwaasoo laba ka mid ah dhaliishoodu dibada taalo, kii saddexaadna yahay kan iminka qabsan kari la’ kulamadiisii Distooriga ahaa.

Xigasho Wergeyska Waaheen

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 342 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright