Hargeysa (Halbeegnews)–Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay in tan iyo muddadii ka dambaysay Shirkii Magaaladda London loogu qabtay Soomaalida 23-kii February ee sanadkan 2012 inuu Madaxwayne Axmed Siilaanyo dhabo khaldan u Jeexay Mustaqbalka Siyaasadeed ee dadkan iyo dalkan, kaas oo Tilmaamay inuu Madaxwayne Siilaanyo ku Ceeboobi doono sida uu u Maamulo Siyaasada Xukuumadiisa ee ku Wajahan Amuuraha Somalia hadii aan wax laga badalin Geedi socodka Arimahaas. Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Xalay Wargeyska Haatuf Waraysi Khaas ah ku siiyey Khadka Telefoonka isaga oo Hargeysa ku sugan, kaas oo sidoo kale Nasiibdaro ku tilmaamay Kharashka badan ee ku baxay qurxinta Dayrarka wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumada oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay ku mashquulsanayd, ayaa ku taliyey inay Haboon tahay in dhaqaalahaas wax loogu qabto dadka reer Somaliland ee Kalyuhu fadhiisteen ee lacagta looYabooho, isla markaana aan awoodin inay iska bixiyaan Kharashka Mishiinka Kaliyaha Sifeeya oo aad u badan.
Eng Xaashi waxa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda looga baahan yahay Xiligan in dakhliga dalku sare u kaco maadaama oo Caqabadihii Xiligiisii hortaagnaa wax iska badaleen oo aanay jirin wakhtigan, kaas oo Tibaaxay inuu ka Nasiib wanaagsan yahay Wasiirka isaga badaley ee Mr Samaale oo uu tilmaamay inuu la kulmay wakhti Carqalado badan laga hordhaqaajiyey Wasaaradaas. Ugu horayna isaga oo arimahaas iyo kuwa kale oo taabanaya Isbedelada Siyaasadeed ee wakhtigan ka dhacaya Somalia, waxa uu yidhi “Cidkasta oo reer Somaliland ah oo is tidhaahda waxbaad Xamar ka noqonaysaan oo tagaa waxba kama noqonayaan ee horta taas ha ogaadaan, isla markaana inagana waxba inaguma yeeli karaan, inaga iyo Madaxda la dooranayo ee Somalia-na waxaynu ku kala duwanahay inagu Cod ayaa la qaaday oo Distuurkeena ayeynu cod aqlabiyad ah ugu codaynay, waxa kale oo Codka dadka ku yimid Madaxwaynaha iyo dawladda maanta Somaliland ka talinaysa. Dadkaas aynu soo sheegnay ee Xamar aayar iska tagay waxay ilaaween ayaan u malaynayaa in dawlad-nimada iyo Xornimadda Shacbiga Somaliland haystaan in dad badani u dhinteen, una Aduunyo, Waalid iyo Caruurba waayeen”.
Eng. Maxamed Xaashi mar wax laga waydiiyey sida uu u arko Isbadalada wakhtigan ka socda Muqdisho iyo Madaxwaynaha Cusub ee loo doortay Somalia saamaynta ay Somaliland ku yeelan karaan, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Somalia shalay ayuun baa Madaxwaynaha cusub loo doortay ee xilimaynu isku dhararinay? Ma iyadaaba la hubo inay dagi doonto iyo in kale sawtan shalay oo ugu dambaysay Madaxwaynihii la dili gaadhay ee Qaraxyada lala beegsaday Hotel-kii uu deganaa. Markaa aniga Fikirkayga waxaan qabaa yeynaan Buun-buunin arimaha Somalia oo dad maanta wax isku yar hagaajinaya oo aan wali Tashanin wax aanay ahayn yeynaan ka dhigin inagu, ilayn inagu 21 sano ka hor ayeynu Tashanay oo aynu dalkeena goosanay iyaguna shalay ayey markii ugu horaysay Madaxwayne Muqdisho ku doorteen, mida kale dadkiibaa yaacayda Warbaahinteenu ha ka waantowdo cid Xamar tagtay oo dadkan Qiimo ku lihi ma jirto kuwii dadkeena ugu Liitay ayaa Xamar jooga oo aan waliba inaga ina matalin iyaguna way ogyihiin inaanay Somaliland matalin kuwa Muqdisho joogaa”.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi mar uu ka hadlayey Xasuuq ba’naa dadka reer Somaliland loo gaystay 21 sano ka hor, waxa uu yidhi “Gobonimo maaha inaynu iska ilawno Xasuuqii dadkeena loo gaystay, isla markaana aynu Walaalaheen nidhaahno kuwii Xasuuqay dhawr iyo Afartankii dhalinarada Aqoonyahanka ahaa ee JAZIIRA lagu gumaaday iyaga oo loo laayey Isirnimo. Markaa si dadkeenu u xasuustaan wixii la badey, isla markaan Koonfuri-na u ogaato inaanay Xeer lahayn waa in Xabaalo Wada-reedkii dadkeena ee meel walba buuxa dadka la xasuusiyo, mida kale goormaynu iska ilawnay Nimankii Magaalooyinkeenii iyaga oo Camiran aynu ka Qaxnay Bililiqaystay. Walaalahan ay sheegeen Kuwa Madaxda inoo ahi miyaanay ahayn kuwii ina Xasuuqayey, anigu waxaan ugu necbahay dadka ninka yidhaahda Walaalaheena Soomaaliyeed, isla markaa waa in Xukuumadda talada haysaa ay Xabaalaha dadkaas la xasuuqay meel la iskugu ururiyo si dadku iyo Caruurteena yaryari ay u Xasuustaan. Kuwa Xamar jooga maanta ee aynu Caashaqsanahay waa kuwii joogay markii dadkeena Diyaaradu duqaynaysay ee Xeebta Jaziira-na Haybta ay yihiin loo Xasuuqay Aqoon yahano aan waxba galabsan oo inaga mudan inaynu Xusno oo aynu Xasuusano iyaga iyo kuwii dalkan u shihiidayba”.
Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi mar uu ka hadlayey Dhalinyarada dalka iyo sida ay u moogan yihiin Xaalada Wadanka, waxa uu yidhi “Cida Maanta dalka ka seexatay waa Dhalinyaradii Wadanka oo aan ogayn inay yihiin kuwa u hadhaya dalkan ee xumaantiisa iyo wanaagiisaba dhaxlaya, iyaga Axsaabtii Mucaaridka iyo Ururada cusuba wax ay ka odhan karaan khaladka dawladu samayso ma jirto oo waa Xiligii doorashadda oo way Habranayaan Madaxda Ururadu oo waxba ma odhan karaan. Mida kale Nimankan Musharixiinta ee aamusanina waa Kursi doon uun oo hadii ay rag wanaagsan yihiin xumaanta dalka lagula kaco ayey ka hadli lahaayeen oo Ninka Musharaxa ahi marka uu ka aamusan yahay khaladaadka xukuumadu samayso waxay noqonaysaa uun inuu Raali kala yahay oo aanay dalka Lexejeclo ka haynin, isla markaan waxa ay cod ku doonayaan waa reer Hebel taasina maaha mid inaga iyo dadkeena toona anfacaysa. Carqaladaha cusub ee dalka sii ragaadiyey waxa ka mid ah oo la laayahayba cid Mucaarid ah oo dhamaan Mucaaridkii oo dhami wuu baaba’ay, run ahaantii taasina Somaliland danteeda maaha.
Mida kale waxa loo baahan yahay in dhalinyarada Somaliland Midawdo oo ay khaladka ay xukuumadu samaysaba ay tidhaahdo jooga halkaas ayaad wax ka khaladeen ayaa loo baahan yahay, maadaama oo dadka Mustaqbalku ka lumayaa ay yihiin dhalinyarada, isla markaana waa Xoogii iyo Aqoontii Wadanka markaa waa inay Saamayntooda ku yeesheen Masiirka dalka, isla markaana waxaanay iyagu badalmin ma badalmayo. Markaa arintaas waxaan ku soo koobayaa dhalinyaradu shaqadeedii ha qabsato oo yaanay dalka ka seexanin ilayn maanta waxbay barteen oo Jaamacado ayey ka soo wada baxeene, isla markaana halka wax ka qaloocdeen ha ka hadlaan ilayn hadii dalkani baaba’o iyaga ayuu kaa ba’ayaaye”.
Maxamed Xaashi Mar uu ka hadlayey isku Milanka Siyaasada Somaliland iyo Somalia mudadii xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Madaxwayne Siilaanyo sida uu u socdo Shirkii London wixii ka danbeeyey Khalad wayn ayuu galay, waayo waabaynu ka goosanee maxaabaynu kala fadhiisani, mida kale hore ayaa loo sheegay in Somalia lala hadli karo marka ay timaado dawlada shacbigeeda matalaysa oo ay soo doorteen taasina maaha mid aynu maanta ku arkayno Muqdisho. Run ahaantiina sida ay xukuumadu wax u wado Siilaanyo wuu ku ceeboobayaa”.
Eng. Maxamed isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabaya su’aal ku saabsanayd maadaama oo uu xukuumadii Rayaale mar walba Daraasayn jiray dakhliga dalka iyo sida loogu Tagri falo waxa uu Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo uga hadli waayey Dakhliga iyo Kharashaadka dawladda, waxa uu yidhi “Arimahaas maalin dhawayd ayaan maqaal (Article) ka qoray imikana midbaan wadaa, laakiin waa in la is waydiiyo meeye dadkii waxan baadhi lahaa halkay qabteen, oo dhalinyaradu yey arimaha dalka ee khaldan yey ku halaynaysaa. Laakiin markii aan ka hadli jiray Arimaha Dhaqaalaha wakhtigii xukuumadii hore, Ina Rayaale iyo Intii la socotayba markaad isku gayso Tuug isku tagtay ayey ahaayeen oo Xisbigii jiray ee UDUB-na way baabiiyeen, run ahaantiina dawladdii Ina Rayaale may sii jirteen hadii aan July 2010 laga wareejin Taladda dalka oo Afar bilood ayuu Mushaharkii isku gaadhay Shaqaalihii iyo Ciidamadiiba, isla markaana hadii ay bil dambe waxaas oo dhami isku gaadhaan way dhici lahayd. Mida kale Nimanka Xisbigii UDUB wadi kari waayey ayeynu ka sugi jirnay inay dawlad-na wadaan”.
Maxamed Xaashi mar wax laga waydiiyey waxa uu kala Socdo Dakhliga dalku mudadii ka danbaysay markii uu ahaa Wasiirka Maaliyada inuu kordhay iyo inuu hoos u dhacay, waxa uu yidhi “Anagu Xaaladda dhaqaale ee dalka meel aad u hoosaysay ayaanu ka soo qaadnay oo waxaanu nimid iyada oo Qasnadaha iyo Baanankuba Haawanayaan oo aanay Gambo ku jirin, isla markaana Ciidamada iyo Shaqaalaha dalwadu aanay dhawr bilood Mushahar qaadanin. Alxamdulilaah Ilaahay wuu nagu asturay oo waanu Xalinay Carqadahaas oo dhan, isla markaana dakhligii dalka kor ayaanu u qaadnay, markaa maba aha in la yidhaahdo dakhiligu ma sare ayuu u kacay ee waa in uu sare mar walba u kaco, sababta oo ah Wasiirka hada ee Maaliyadda C/casiis Samaale aniga wuu iga Nasiib wanaagsanaa oo System iyo iyada oo wax walba la hagaajiyey ayuu yimid markaa waxaynu ka filanaaba waa in dakhliga dalku Sare u kaco”.
Wasiirkii hore ee Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi mar wax laga waydiiyey sida uu u arko Dayrarka Quruxda badan ee ay Wasaaradaha iyo hay’adaha dalku ku mashquulsanaayeen mudooyinkii ugu danbeeyey sida uu u arko, waxa uu yidhi “Bari dhawayd waxaynu maqlaynay iyada oo la leeyahay dadkii Kaliyaha loo sifeynayey ayey lacagtii lagu sifaynayey qaali ku noqotay oo qofka marka la yidhaahdo saddex jeer ayaa laguu sameynayaa oo midkiiba $70 yahay ma karayo runtii, isla markaana waatii lacagta loo ururinayey si loogu sii wado shaqada uu Hayo Mishiinkaas dadka Kaliyuhu istaagaan Kaliyaha u sifeeya. Waana wax laga xumaado marka la leeyahay $120,000 ha lo Yaboohiyo Mishiinkaas, markaa anigu waxaan qabaa inta dadka loo Yaboohayo lacagtaas inay ka fiican tahay in lagu dabaro lacagta Dayrarka cusub ay ku samaysteen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladu sababta oo ah Gidaarka waxa ka qiimo badan dadka, markaa Lacagta Gidaarka lagu Qurxinayo waxa kaga Haboon in lagu dhaqaajiyo Mishiinka Kalyaha Sifeeya ee loo Yaboohayo lacagta”.
Xigasho Haatuf
Halbeegnews, Hargeysa
halbeegnet@gmail.com
This post has been viewed 483 times.






