Waxa ah wax aad loo layaabo ama afxumo ah hadalka ka soo yeedhay Muuse Bixi oo ah Nin la jooga geel ninkale lee yahay, Kaaga siidarane hadalka Muuse Bixi waxa uu hadalka yidhi isagoo isleh, ku beer laxawso reer Awdal oo ay is Xaal ogyihiin, se wuxuu illaaway waxa soomalidu ku maah maahdaa “meesha aad Ninka ka qaadato Nin baad dhigtaye Ogow”!!!
Hadaba waxa aan u sheegayaa Muuse Biixi, Qofka hogaamiye doonaya waa in laga helo sadex Calaamadood oo u Horseedi kara in uu ka guul gaadho ujeedadiisa, ama ku hagi karo himiladiisa siyaasadeed ee uu doonayo in uu ka midha dhaliyo, sadex daas oo kale ah:-
1. Cadaalad
2. Kalsoonida
3. Samir iyo Dulqaad
Sadexdaa qodob ee aanu soo sheegay ayaa waxa ay gundhig u yihiin qofka illahay lamaagay in uu ummad u noqdo hogaamiye, cullumada ku takhakhusay cilmi nafsiga ayaa waxa ay yidhaah daan qofka laga waayo calaamadahaas aanu kor ku xusnay in aanu noqonin hogaamiye. hadaba inagoo isbarbar dhigayna sumadahan illahy ku manaystay dadka uu la doonayo in ay noqdaan hogaamiye bal aan qiimayno Muuse inagoo ka duulayna sadexdan qodab:-
CADAALADA: Somalidu waxa ay ku maah maahdaa Ninka aad kaba haaga ka tolonayso ku wiisa ayaa la eegaa, Muuse Biixi Haduu cadaalad yaqaano waxa uu qaranka u soo celin lahaa Guryihii Dawlada iyo beerihii ciidanka asluubta ee uu 21 kahor qabsaday ee uu illaa maanta aanu soo wareejin ee uu intifaacsado ayuu mar uun garrow shiiyo intuu keeno odhan lahaa waa iga celis, Markaa cadaalada Muuse Biixi waataa taagan sidii markii Xamar la boobayay Aqaladii dawlada ( Aniga ayaa ugu Hortaab saday).
KALSOONIDA: Kalsoonidu waa shayqaaliya oo qofka u horseeda in uu ka guulaysto duruufa badan oo qofka noloshiisa ku xeeran taasoo u sahasha in uu gaadho yoolka uu lee yahay shaqsikasta hadaba Muuse ma la odhan Waa nin naftiisa ku kalsoon, jaawaabtu waa maya oo maah maah soomaliyeed ayaa tidhaahda Layligu Biyaha Korkiisa Saaran ayuu ka didaa taas waxa aan uga jeedaa Ninka gudoomiya Kulmiye sheeganayaa Waa ninka markuu Bari qabanayana Mohamed Kaahin sii kaxeeyo marka uu Boorame qabanaya Saylici sii kaxeeyo ee aan illaa iminka garan bal isaga kalidii in uu meel maro xitaa qofna hasoo wayee, waxaasna waxa u sabab ah Kalsooni Darnaan naftiisu cadaysatay.
SAMIRKA IYO DULQAAD: Samirka iyo Dulqaadku waa shay aad uqaaliya oo illay ku manaystay qofka uu la jecel yahay guusha aakhiro iyo ta aduunkaba, Waa ninkii yidhii maalintii kulmiye laga helay doo rashada madaxweynaha ee hore inagu dhaqaajiya oo nin waloo ka mid ah kulmiye hakeeno 25 inan aynu meesha ku qabsanee, ee uu ka diiday Mudane Maxamuud ahmed Siilaanyo yidhi aniga qori caaradii iigu qaban maysaane orda meesha ka kala dareera !!!! Waa qiso dhacday oo dhaba, Markaa su aashu waxay tahay ninka noo caasa malagu aamini karaa maysayrka dalka iyo dadka? Shaki kuma jiro in Muuse Bixi ka Arradan yahay Samirka Iyo Dulqaadka.
Waxa aan kuu sheegayaa muusow hadaad is tidhi reer Awdal hadal Shashafo uga dhig Codka reer sanaag Maaha Shashafo ee Farsamo kale keen.!!! Turn Another Way!!!
Gabogabo: “” Lagu mood Muusow Libaax laa yaana oo Madhiyay reeraha Mase Noqotay mulucii Ku jiray meesha ciida leh”
Mohamoud Mohamed Artan
London UK
This post has been viewed 423 times.






