Sc Wr wb dhamaan warbaahinta samaha jecel ee dadka u siman.
waxa kale ee aan salaamayaa inta aragtida wacan ee dal iyo dadba u damqada een qabiil u guclayn.
Aan hoos u daadago dulucda hadalkayga, marka hore waa iga su’aale Madaxweynaha aynu dooranay ee Siiraanyo dalkii ma waxa uu ka dhigay Gashaantidii dhoof u taagan? waxaan uga jeedaa hablaha inaan caayo uma jeedo ee qaarbaa aaminsan haba waalaadee hadii ninku baasaaboor dibadeed haysto in uu dhaamo ka dalka jooga, ama ujeedkeedu yahay ku dhoof hadhow aad ka orodide, waxa aan uga danleeyahay marka aad u fiirsato inta xilalka ka haysa xukuumada Siiraanyo waxa ay u badanyihiin Qurba joog waliba intooda badan qoysaskoodu wali ku noolyihiin dacalada dunida, kagaga darane waliba shaqooyinka ay soo qabanjireena kuwa maanta dalka somaliland gudihiisa kaga shaqaysta iska daa xil loo dhiibee xafiisyada dowlada lagama furo, Madaxweyne hadaad qurba jooga caashaqsantahay ama qaadhaankii aad ku howlgashay ku soo ururiyeen ood abaal gud uga dhigayso hada dalka iyo dadkuba inaad u tudho ayay ahayd! Mida kale Khadar Taxi-gan aad u magacawday Maareeyaha guud ee Tv-qaranka waxa uu ku fashilmay Qaybtii london oo imika 8bilood furan isaga oo waliba Khiyaameeyey Ummadii somaliland khiyaamadaasina ay tahay inuu ku sharciyeystay shirkad isagu leeyahay oo Somaliland wax u soo duubta balse qaranku aanu lahayn sida kuwa gaarka loo leeyahay oo kale, waxa uu ku baanaa Somaliland ma dal la aqoonsanyahaybaa hada garoo dadkuna waxay u haystaan Tv-goodii qaranka waxa kaga daran dhaqaalaha uu ku socdaana hada garoo waakii Wadanka haday kiro tahay, masruufkooda iyo isaga oo ku naasnuujiya dadka ku xeeran oo qoyskiisa ka soo jeeda Madaxweyne ka fiirso, Khadar Jamhuuriya aqoonla’aanka ka muuqata ee xaga maamulku waa ninka shaqaalihii oo aanu wali baran kula dhex dhacay Digniin iyo eri intoodii badnayn!!! wayga su’aale Somaliland miyaad tahriibinaysaa? kaga darane dadka noocaa aqoon ka ahi way ku kashifeene horta maamulka soo bar kaad caashaqsantahay, waana kuwa aad ku doorsatay aqoonyahanka Boobe yuusuf oo mudadii yarayd ee uu hayey waxbadan oo qaar sanado joogay aanay qaban qabtay. Khadaro waa ninka xafiiskii london isku shaabadeeyey isaga iyo Maqaarsaarkiisu maantana aad tidhi waan ku madaxbanaaneeyey horta halkuu ka bilaabayo waa inuu dadka kala dareeriyo Afar isaga qoyskiisana soo buuxiyo si uu ceebihiisa ay ugu qariyaan, balse waxaanu ogayn in warbaahin ay tahay alle kuma asturo.
Dhubuq dhubuq hore dhabanahays danbay keentaa. Umada u cadeeya halkaad ku wadaan wadanka ileen waatanoo Khiyaamo dibad laga soo bartaybaad wadankii ku dhaqaysaane.
waxaan ku soo koobi lahaa Oday Siiraanyo xiligii wax tagay iyo talo la waydiin lahaa baynu sidii nin xooga madaxka dhiganee dalka isha ha lagu hayo hoostuu ka holcayaaye. kana fiirsada ma u kuurgala Tv-qaranka qaybta Uk waa Dusha ka Tv-qaran hoosta ka shirkad gaara?????????? ka dalka gudihiisa sidaasuu ku socdaa hadaan laga soo gaadhin.
Warsan Nuur
warsan4u@hotmail.com
This post has been viewed 421 times.






