Salaanta Islaamka kadib Waxaynu ogeyn in rag badan oo reer Somaliland iska casileen Dawlada Maanta jirta , Ragna in ay is yidhaahdeen is casila oo u sheegeen xukuumada maanta jirta ayaa laga codsaday in aanay is casilin oo ay xukuumadu maslaxday, kadibna mudo yar dabadeed dhabarka laga taabtay oo la casilay.
Runtii waa sunaha dawladnimada in uu madaxweynuhu madaxda qaranka magcaabo ama uu shaqada ka bedelo, taa maaha taynu diidanahay, ee waa iyada oo umada reer Somaliland ay cadaatay in madaxda qaranka ninkii is yidhaahda wax toosi ama la yimaada aragti ka duwan mida ay qabaan dhalinyarada ka talisa madaxtooyarada qaranka six un oo milgaha dadnimada iyo ta qaranimada midna ku jirin loola dhaqmayayo.
- Waxaynu xasuusanaa hadaladii Wasiir Dr Maxamed Cabdi Gaboose marka uu xilka ka tegeyey ee ahaa Madaxweynuhu waa nin wanaagsan laakiin casaabad baa ku xeersan oo aan dantiisa wadin
- Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu yidhi aniga madaxweynaha waanu is aragnay isaga iyo marwadiisa waxa ay iga codsadeen in aanan is casilin, habeenkii iigu danbeysay wanaag baan ku kala nimid , hadana sidan aad aragteen baa dhacday.
- Agaasime Maxamuud Raage Ibrahim waa ninkii sida dheer u tiraabay waxaa hadaldiisa ka mid ahayd Madaxweyne Qaranka iyo 2 wasiir kala dooro, madaxweyne waxa kudaba ruclaynaya dhamaan maskaxdii iyo garabweyntii reer Somaliland oo aanad dan iyo heelo ka lahayn.
- Agaasime Jaamac Axmed Maxamed oo ah maanta Xildhibaan Somaliya ah , waxa uu kaga tegey ciil iyo cadho markii uu waayey meel uu talo mariyo, laguna yidhi Xafiiskaa uun fadhi.
- Ugu danbeyn Wasiir Boobe Yuusuf Ducaale waxaa ku shinbira waaqleeyey dhalinyaro, oo inta aan la eryin sida dhuxul wareysigiisa ku bixiyey yidhi ninka aan horyaal ahayn baa la eryayaa, waxa uu boobe isna yidhi Madaxweynaha iyo Marwadiisa ayaan wada Hadalnay oo igu yidhi wiilasha soo celi , ana waan ka diiday, Waayaabe maxaa marwadan marwalba dooda raga dhexdhigay?
Hadaba maxaynu ka dheegan karnaa arimahan in aan Madaxweynihii la doortay aanay talada gacantiisa ku jirin ee sidii Boqor Raabi iyo Boqor Buurmadoow sheegeen Caruur iyo Haween ay hantiyeen masiirtii umadan. Waxa naxdin weyn leh sida dareenka umada arinkani ugu weyn yahay, waxaa wax laga xishoodo ah , aana ku fiicnaynayn milgaha Dawlad nimo in Wasiir lagu eryo waxa aad xilka ka qaaday Agaasime Waxeedyo, Waxaa sunaha dawladnimada ku xun in Marwada Madaxweynuhu ay dhex cararto go,aanada Madaxweynaha , sida ay cadeeyeen Xaashi iyo Boobe oo ah rag ku suntan taariikh dheer oo halgan, maantana inooga baahan hiil aan ahayn mid gacan ka hadal ah.
Waxaan kusoo afmeerayaa arinkani waa cad yahay, Hogaankeenii waxaa galay tashuush iyo Buuq , waxaa loo baahan yahay Wadatashi iyo in shir guud reer Somaliland isugu yimaadaan.
Waa run dhaqanka iyo milgaheenaha midna maaha in haweenka wax laga qoro, laakiin maanta tani tii way soo dhaaftay oo ragii baa wada dhaawac ah oo la naafeeyey, uma baahnin Khadiijo Macalin 2. Walee hadii aan arinkan wax laga qaban meel dheer baynu qaranimada ka dooni doonaa
Hadaba maxaa isleedihiin waa lagu badbaadin karaa Qarankan ilayn golayaashii ragii joogay waxay noqdeen Xaabo?
Cabdirisaaq Gaadaco.
Hargeisa, Somaliland
dulmidiida@hotmail.com
This post has been viewed 582 times.






