Sir Halbeegnews Heshay: Xukuumadda Siilaanyo Oo 22 Maxbuus Oo Falal Argagixiso Ugu Jiray Xabsiyada Somaliland 11 Ka Mid Ah Sii Daysay Akhriso Qabiiladda Iyo Magacyada Kuwa La Sii Daayey Wasiirka Madaxtooyaddu Dedaal Intee Le’eg Ayuu U Gallay Sii Dayntooda

Posted by on Aug 26th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Hargeysa (Halbeegnews)– Intii u dhexaysay sannadahii 2002-dii ilaa 2010-kii waxaa Somaliland ka dhacay falal argagixiso iyo hawl-gallo ay iska kaashadeen ciidamadda sirdoonka qarranka Somaliland, Booliiska iyo ciidanka Militeryga kuwaasi oo lagu soo qab-qabtay hogaamiyayaashii iyo xubno maleegaayey falal argagixiso xubnahaasi oo tiradoodu dhanayd 22 Maxbuus waxaa gebi ahaanba ku guulaystay in la soo xidho oo xabsiga la dhigo xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin.

22-ka Nin ee xabsiyada ku jiray ayaa waxaa lagu xukumay xeer Number 222 xeerka ciqaabta guud ee Somaliland kuwaasi oo ku xukuno xadhig u dhexeeya 20 sanno ilaa xabsi daa’in waxaana falalkii lagu so qab-qabtay ka mid ahaa

1. Ninkii Jarmalka ahaa ee lagu Afduubay Magaalada Ceerigaabo horaantii sannadkii 2002-dii

2. Dilkii jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa loogu gaystay muwaadniniintii kenyanka ahaa

3. Dilkii loo gaystay Lamaanahii Britishka ahaa ee Dugsiga Sheekh wax ka dhigaayey

4. Dilkii loo gaystay Haweenaydii Talyaaniga ahayd Anelina Toneli ee aas-aastay dugsiga indhoolayaasha Boorama

5. Dilkii loo gaystay Ninkii Swiska ahaa Duleedka Koonfureed ee caasimadda Hargeysa agagaarka hudheelka Star sannadkii 2003-dii.

6. Hawl-galkii lagu rabay in lagu qarxiyo goobahii codbixinta doorashooyinka Somaliland sannadkii 2005-tii doorashadii golaha wakiiladda.

7. Hawl-galkii ka dhacay magaalada Dhoqoshay ee lagu soo qab-qabtay kooxahii argagixisada ahaa ee doonaayey inay qaraxyo ka fuliyaan Somaliland sannadkii 2003-dii.

8. Qaraxyadii lagu le’eday ee bishii October 2008-dii ka dhacay caasimadda Hargeysa ee lala beegsaday xarumahii madaxtooyada, haayadda UNDP iyo Safaaradda Ethiopia ee magaalada Hargeysa

Haddaba Sidee Loo Sii Daayey 11 Maxbuus Oo Ka Mid Ah 22 Maxbuus Ee Lagu Qabtay falalkaasi

Tan iyo bishii July sannadkii 2010-kii markii xukuumadda Siilaanyo tallada dalka la wareegtay ilaa maanta waxaa xabsiyadda laga sii daayey 11 ka mid ah 22-kii maxbuus ee falalka kor ku xusan lagu soo qabtay isla markaana lagu xukumay xeerka ciqaabta guud ee argagixisada qarranka Number 222, waxaanu halkani idiinku soo gudbinayna magacyada xubnahaasi la sii daayey iyadoo aan habayaraate la sheegin sababta loo sii daayey iyo xubnahaasi oo hadda qaarkood ku biireen  waxaana magacyada xubnaha la sii daayey ee 11 ka ah 9 ka mid ahi ay ka soo jeedaan Beesha Habarjeclo ee Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeedo  badiba nimankani ayaa ku sugan goobaha alshabaabku ka taliyo dalka Soomaaliya waxaanay kala yahiin magacyadooda iyo qabaa’ilkoodu  sidani:

1. Sheekh Mubaarig Diiriye Xaaji Axmed Habarjeclo Solo-madaw

2. Cumar Axmed  Waa Habarjeclo Axmed Faarax reer Badeed

3. Cali Diiriye Cumar Habarjeclo Cimraan

4. Ibraahim Jaamac Axmed Habarjeclo Reer Raage

5. Cabdiraxmaan Warsame Xayd Habarjeclo Cimraan

6. Cabdirisaaq Cabdilaahi Cali Habarjeclo Axmed Faarax reer Badeed

7. Maxamed Yuusuf Xirsi Habarjeclo Cimraan

8. Mukhtaar Siciid Axmed Doodi Habarjeclo reer Daahir

9. Jaamac Xasan Aadan Habarjeclo reer Biniin

10. Muuse Cali Yuusuf Habaryoonis Isaxaaq

11. Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil Akisho.

Sida kor ka muuqata 9 ka mid ah 11 Nin ee la sii daayey ee xukuumadda Siilaanyo dib xorriyadoodii oo aan shuruud lagu xidhin ugu soo celisay oo ku eedaysana falalka argagixiso waxay beel ahaan ka soo jeedaan beesha Habarjeclo oo Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeedo 11-ka kale ee ku xidhan xabsiyada Somaliland 7 ka mid ahi waxay ka soo jeedaan beelaha Somaliland halka 4-ta kalana ka soo jeedaan dalka Soomaaliya, taasi mac-naheedu waxay tahay ma jiro qof ka soo jeeda beesha Habarjeclo oo hadda ugu xidhan gudaha xabsiyadda dalka arrimo argagixiso dhammaana 9-kii maxbuus waa la soo wada daayay, .

Arrimaha cajiibka ah ee warbixintani aanu baadhitaanka ku samaynay muujinaysa ayaa ah in Ninka lagu magacaabo Ibraahim Jaamac Axmed oo ka mid ahaa 11-ka nin ee la sii daayey kana soo jeeda beesha Habarjeclo reer Raage maalintii xabsiga laga sii daynaayey waxaa lagu qaaday gaadhi uu leeyahay wasiirka madaxtooyada Somaliland isla markaana waxaa  qaaday oo gaadhiga gacantiisa ku waday nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xaaji Cali Xasan (Gadh-weyne) oo ay walaalo yahiin  Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan oo isaga laftigiisa Cabdiraxmaan Gadhweyne wiil uu dhallay ka mid ahaa kooxaha sirdoonka Somaliland ku daba jireen wiilkiisaasi oo dhawaan isagoo la daldalay maydkiisa lagu arkay guri ku yaalla caasimadda Hargeysa.

Xog sir ah oo Halbeegnews ay dhokomanti ahaan ku heshay ayaa tibaaxaya xidhiidho fog oo ka dhexeeya xubnaha 11 ka ah ee xorriyadoda loo soo celiyey ee falalka argagixiso lagu hellay iyo Wasiirka madaxtooyada Somaliland, iyadoo xogtaasi iftiiminayso inuu wasiir Xirsi Cali Xasan uu qayb weyn ka cayaaray sii dayntooda

Waxaa isweydiinleh cadaaladda intaasi le’eg ee 22-kii nin ee mar lagu wada xukumay xeerka ciqaabta guud ee argagixisada xeer number 222 isla markaana dalka ka wada gallay danbi isku mid ah ee qaarna lagu sii daayey haybta ay ka soo jeedaan qaarna ay xabsiyadda dalka ugu jiraan ilaa maanta  isla xeerkaasi taasi oo muujinaysa cadaalad darrada xukuumadda Siilaanyo heerka ay le’egtahay, waxaa taasi ka sii yaab badan in badiba ragga la sii daayey ay maanta dib ugu laabteen kooxahii xagjirka ahaa oo ay badankood ka tirsanyahiin xarakadda Alshabaab kuna suganyahiin dhulka ay ka xukumaan dalka Soomaaliya iyagoo daqiiqad kasta khatar ku ah ammaanka Somaliland iyo dhammaan mandaqadda geeska afrika.

Halbeegnews waxay dhawaan shaacin doonta 11-ka kale ee ku hadhay xabsiyada dalka magacyadooda iyo qabiilooyinkooda, waxaanu sidoo kale shaacin doona dhokomantiyo sir ah oo gacanta noo soo gallay, kala soco Halbeegnews

Fiiro Gaar Ah

Halbeegnews marnaba si gaar ah uma bartilmaameedsanayso qabiil iyo gobol gaar ah, keliya waxaanu samaynay baadhitaan cadaalad ku dhisan anagoo dhinac walba ka eegnay, dhammaan shucuubta Somaliland meel kasta ha ku noolaadeen eh way noo simanyahiin waxaana ay naga wada mudanyahiin ixtiraam iyo qadarin, hayeeshe wixii xaqiiqa ah ee jira meel kasta iyo cid kasta oo uu ka soo jeedo waxaa naga ballan ah inaanu shaacino.

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com


This post has been viewed 12851 times.

Categories: featured, today's top stories
Tags:

14 Responses for “Sir Halbeegnews Heshay: Xukuumadda Siilaanyo Oo 22 Maxbuus Oo Falal Argagixiso Ugu Jiray Xabsiyada Somaliland 11 Ka Mid Ah Sii Daysay Akhriso Qabiiladda Iyo Magacyada Kuwa La Sii Daayey Wasiirka Madaxtooyaddu Dedaal Intee Le’eg Ayuu U Gallay Sii Dayntooda”

  1. caydhiye M.M says:

    WAA WAX LA YAAB LEH IN DADKII DAMBIILA YAASHA AHAA QAARKOODNA LA SII DAAYO QAARKOODNA XAABSIGA LAABTA U SII DAAYAAN,
    BALSE WAA WAX LOOGA TAGAAYO REER KA AY MAANTA XUKUUMADU KA SOO JEEDO WAANA DHITO U TAALA HABARJECLO OO DHAN OO AY KA GALEEN BEELAHA KALE EE SOMALILAND WADA DEGA

  2. Tifa-tire,Mudanayaal iyo Akhriste,
    Muddo intee le’eg bay sii socon kartaa caddaalad darrada illaa heeerkaa innagu gaadhay maamul aynu xilka doorasho ku siinnay 2 sanadood horteed.Horena waxa loo joogey oo run cad oo taariikhiya ah in Hoog iyo Halaag lagu muto hab dhaqameedka noocan oo kale ah, caddaaladdana layska laliyo hase yeeshee guushu ay mar walba raacdo shacabka la dulmiyay, ka xilkii loo dhiibtay wax ku dulmiyayna if iyo aakhiroba ku cadaabmo,kuna dambayso
    Ta Alle iyo doonista Shacabka.Ninkii heesayna wuxu yidhi “QAAR KAA HORREEYOO HODANAA NA DHAAFAY KUWA HADHAYNA DABADAA LA HUBSAN DOONEE”.

  3. jama says:

    taasi waxay cadaynaysaa inaanay dawladi jirin oo ay ta faroole la mid tahay ,waxay kaloo xoojinaysaa inay fikradda soomaaliweyn sax tahaye waar soomaalideena aan wax la qaybsano ileen iyagaba qabiil baan kaga cabanaynaye

  4. sheekh says:

    MASIIBAA DHACDAY, SARE IYO HOOSBA WAA LOO CADEEYAY MUSQMAASUQA IYO QABIILO KUDHAQANKA KA SOCDA MADAX TOOYADA IYO NINKA AYNU XILKA U DHIIBANAY MARKAA ARINTANI WAA FAALO MALAE EE ILAHAY HALABARYO ,

  5. Rooble Axmed says:

    Weger, waar wax kale meesha keena, waxaasi sheeko maahee, ma dadkii qaranka duminayey ayaa la sii daayey. Haddii taasi cadaato, meesha ha laga qaxo.

  6. Farah says:

    Qoraaga Halbeeg News waxaan ka codsanayaa inaad soo raaciso qodobad a y ku jkala eedaysanyihiin Raga la sii daayay, iyo reaga xidhaniba, si aad u sugto Cadaalad darro iyo cadaalad iyo cidd aad gaar u doonayso si loo kala sunto, lona kala ogaado.

  7. Farah says:

    faalooyoinkan ama aragtiyahan ila a shalay w axa laga saaray ilaa 2 aragtiyadoo, w axaan leeyahay qoraayada halbeeg news, maxada uga saaraysaa, aeagtidayaha qaarkood, miyaanadse ogayn in aan aan websaydo badan iyadoo dhamaystiran in aan ku qori karo, iyo xogo dheeraad ahba, w axaan kusoo koobayaa.
    cadaalad darro ma difaacayo, haday jirtona ma taageersani, mana taageerayo, mana filayo 8in qof damiir lihi taageerayo,
    halbeeg news qoraayadeda waxaan leeyahay.
    Ha noqonina qaar dadka ama beelaha qaarkood gaar u bidhaansada, hana noqonina qoraalkoodu kuwo uu caadifad iyo cid fogayni ku dheehan tahay.
    runtana iyado dhamaystiran qora,
    aniguna ma ihi ninkaad moodeen iyo kaad moodaysaan toona.

  8. Haddii maanta Daahir Rayaale xilka hayn lahaa oo UU Ninka Jibriir Yonis iyo Ninka Reer Nuur ee xidhan sii dayn lahaa Burco Iyo Hargeysa, rag iyo dumarba, siyaasi iyo sheekh, odey iyo indheergarad qeylay afka daloolin lahaayeen. Waxay odhan lahaayeen.
    Waxay samayn lahaayeeni inagama qarsoona, raxan raxan iyo reer reer bay madaxtooyada ugu tegi lahaayeen……….. waxay odhan lahaayeen bal ninkii Samaroon een codkayaga siinay, faqashtii, laangaabkii wuxuu samaynaya eega, haduu saacado gudahood ragayaga kusii deyn waayo balaayaa dhacaysa buurta naaso habloodbaan soo riixayna, ina rayaale iyo kooxdiisaba waan cunaynaa.

    waxay oran lahaayeen ragayagu ma dambi gaaray galeen tolkiiba sowka sii daayay.
    intaa uun kuma joogeene waxay dacwad u gudbin lahaayeen itoobiya oo waxay odhan lahaayeen argagixisadii buu daahir sii daayay way idinku soo maqanyihiin oo waliba lacagna wuu siiyay ee iska ilaaliya.
    iyagoon xataa ka fekerin dhaawaca ay hadaladaasi somaliland u keenayaan ayay wax kasta ku hadli lahaayeen, laakiin su’aashu waxay tahay horta daahir ma samayn lahaa? su’aashaydu waa unreal condition, macnaha maba sameeyeen weeye, xataa hadii xaga dawladnimada iyo diblumaasiyadda laga yimaad kumaba dhaceenba. waayo wuxu ahaa la hayste aan xiniinyo lahayn oo fule ah.
    Ilma adeerayaaloow, iidooroow ninkan axmed laangadhe hanagu daawanina ee naga qabta oo idinku isqabta ninkani waa magaciinee.

  9. mukhtaar says:

    waar niyow tuugan yar e gaaban maxaa loo waayey hal nin oo ku shahiida isaga laftiisa waa xirsi gaab tuug weeyan argagixiso ah walee somaliland wey u dhamaatey inta xirsi gaab joogo runtina inta siilaanyo joogo wuu joogayaa waayo madaxtooyada maanta ila bisadihii ayaa ku dhex bakhtiyey ilayn xirsibaa meel walba carabka marinaaye alooow somaliland u sahal oo uuga sahal huwantan is huwan ee maafiyada ah

  10. dawlada hada jirta waa mid tababar ku jirta sidii ay mustaqbalka marka la ina ictiraafo , beeshaasi uga qaybgali lahayd loolanka siyaasadeed eedalka ka jiri doona.
    taasoo la rajaynayo inay wax badan ka baran doonaan qaab maamulka shacabka iyo dalka mashaariixdiisa kala duwan.

  11. Wadaniga Dhabta Ah says:

    BAL ASXAABAY SI KA FIIRSASHO LEH IILA AKHTISTA.

  12. ???? ???? says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  13. In wax la kashifo waa sax lkn, waa in qaabka wax loo dhigayo iyo saamaynta dambe ee waxani yeelan doono laga fiirsado. Adoo isla wax uun sheegaya haddana erayada la isticmaalayo yaan dhayal ahayn.

  14. khadar says:

    adeer waad mahadsantahay kuma odhanayo waayo warkani imuu farxad iyo xiiso galin
    walaahi aad ayaan uga naxay laakiin waxaan kun waydiiyay dee adeer si aankuu rumaysto kuuguna raaco wadan nacayb kaagan ayree ilaaheerkan ah qoraalkii aad aad masaxday ku soo celi isagooo noociisii ah mida kale idhiiri gali oo dee adeer xogta qodobadeedii dhamaystir

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright