Dawlada hoose berbera waxay ubaahantay xoghaye fulineed

Posted by on Aug 23rd, 2012 and filed under Opinion. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Saacadatul wasiir` berbari waxay ku leedahay Go’aha noo doorsha
Sida aynu la wada socono  adeegyada ay dawlada hoose eemagaalooyinka waayen ee dalku u hayaan shacabka ku nool magaala kasta waa mid mihiim u ah horumarka iyo bilicda magaala kasta leedahay .

Tusaale ahaan hadaynu usoo qaadano magaala xeebeedka berbera oo halbawle u ah ganacsiga iyo dalxiiska jamhuuriyada soomaliland .
Hadaba hadaynu eegno khibrada ay shaqaalaha dawalda hoose ee magaalada berberi u leeyihiin adeegyada kala duwan ee shacabku u igmaday isla markaan aynu odhankaro waxaa  awooda iyo hagideeda iska leh xoghaya fulinta dawlada hoose ee berbera  .

Hadaba hadaynu usoo daadagno qormadeenan  xiisaha leh waxaynu diirada saaraynaa mudooyinkan danbe maxaa dawlada hoose ee Barbara uqabsoomay? maxaase ka qabyaa ?Yaase dhaqajin kara inta Dalcada ku hadhay ?.

Runa ahaantii dawlad hoosee berberi aad bay ushaqaynaysaa adeegyada ay shacab waynaha reer berbera u haysan waa mid aad u mihiima sidaa awgeed  dawlada hoose berbera  waxay aad u tabaysaa Ama baahi culus u qabtaa xoghaye fulineed oo kala dhaqaajiya hawlahan u baahan kala socodsiinta     –hadaba  dhanka kale mar aan booqday xarunta dawlada hoose berbera

Waxaa ka mid ahaa xafiis yadaan booqday xafiiska maaliyada oo aan ugu tagay wakhtigaa agaasimaha maaliyada ,cawil dheere iyo shaqaala hoosaad yar yar ,isla markaana waxaa goobtaa joogay rag ganacsataa iyo shaqaale kaloo ka tirsan xafiisyada dawalada ,iyaga markaa ka sugaayey Jeegagii lagu soo dalacay kharashaadkii la galay bisha ,cabaar markaan fadhiyey xafiiskaa waxaa  soo dhacay telephan macnihiisu sheegayo inaan manta la sugin xisaabiyaha ay awoodiisu xad dhaafka tahay ,isla markaana aanay umuuqan masuuliyiinta ka saraysa sida agaasimaha maaliyada iyo xoghayahan aan shaqadiisaba garanaynin ,.

Intaa ka dib waxaan si hoose u waraystay mid kamida shaqaalaha waaxyaha kale oo aan waydiiyey xisaabiyaha ilaa manta loo xanibnaa ma nin odayaa ,kkkkkkkkkkkk intuu qoslay ayuu igu yidhi ,mayee waa xisaabiye uu buun buuniyo maayar cabdale , taa waxa kasii daran shaqaala hoosaadkii kasii hooseeyeyna uu ka dhigay wiilal yar yar oo uu adeer u yahay oo kugu maaweelinay inuuu joogo.

Waxaaban  isku dayey inaan xisaabiyahaa uu maayar cabdale awooda dheeraadkaa siiyey inaan galinka danbe la fadhiisto majlis  ay fadhiistaan niman sidiisa iyaguna ku amar taagleeya waaxyaha ay ka shaqeeyaan ,sida cashuuraha bariga ,dekada ,dhamaantood waa niman ay maamulayaashoodu gacanta u siidaayeen ama ay shaqooyin gaar ah u hayaan .
Hadal iyo dhamaan waxan galabtaas ka mid ahaa ragii martida ku ahaa majliska la magic baxay Gaajo ma jirto ,waxaa goobtaas fadhiyaa waa nimanka bar bara uga dada yar ,isla markaana goobaha ay ka shaqeeyaan ay yihiin meelihii dhaqaalaha ugu muhiimsanaa ,waxaan goobtaas fadhinaba waxaa isna maalintaa nala fadhiistay oo si joogtaa u fadhiista ,waa madaxa sirdoonka G/saaxil .

Hadaba intaan goobtan magaca qalafsan fadhiyey waxay nimankii majlisku u shidnaa malaintaas oo dhan iska kay eegayeen aniga oo ay u haysteen inaan ka tirsanahay xisbiga talada haya ee kulmiye .

Iyagoo xisbigii udub ka ahaa xubno aad u firfircoon ,haatana aad moodo inuu suuqoodii aad u dhacsanyahay ,mararka qaarkood waxay aflagaado usoo jeedinayaan madaxda kulmiye rag iyo haweenba gaar ahaan kuwa hada gobolka haysta .

Guntii iyo gabagabadii waxaan talo kusoo ururin lahaa inay dawlada hoose ee ber bera ay ubaahantahay xoghaye ,iyo xisaabiye garanaaya shaqadii loo igmaday waxaanan u rajaynaya inay heli doonto .

Prepered :A/qadir Yool
    Stockholm  Sweden


This post has been viewed 356 times.

Categories: Opinion
Tags:

Leave a Reply

Advertisement

The Most Popular Posts

Halbeeg Archives

Plugin from the creators of Brindes Personalizados :: More at Plulz Wordpress Plugins
Onlined by Samaroon Copyright